Haddii aan nahay Paxful, waxaan ku dadaalnaa inaan isbadalo nuxur leh ku samayno nolol maalmeedka dadka. Waxaan aaminsan nahay in xoriyada dhaqaale ay tahay xaquuq aadanuhu leeyahay waxaana doonaynaa inaan arintaan xaqiijino. Kusoo biir halgankeena oo samee isbadal!
Ma doonaysaa inaad ogaato waxa Paxful tahay? Daawo muuqaalkaan oo ogoow xaqiiqada!
Paxful waxaa la aasaasay 2015 waxayna kasoo maaxatay maskaxda aasaasayaasha Ray Youssef iyo Artur Schaback, kuwaas oo ku riyooday in qof kasta door laga siiyo dhaqaalaha qof kasta oo doonaaya. Ayadoo ay jiraan malaayiin dad ah oon haysan adeegyada dhaqaalaha, waxaa jira duleelo u baahan in la buuxsho. Maanta, Paxful waa mid kamid ah suuqyada ugu waawayn ee dadka caadiga ah ku kala iibsadaan Bitcoin ka aduuntada oo dhan, ayadoo u adeegta 3 milyan oo macaamiil ah aduunka oo dhan. nidaamka P2P ayaa yimid.
Artur Schaback & Ray Youssef
Kooxda fulinta ee Paxful
Ka shaqaynta Paxful waa wax caadi ah. Ayadoo leh afar xafiis oo daafaha caalamka ku kala firirsan, shaqaalaheena ayaa markasta heegan ku jira. Aad ayaan u shaqaynaa, u dadaalnaa, waxaana sii adkaynaa shaqada si aan u xaqiijino inaad markasta safka hore ku jirno. Waxaad marar badan arkaysaa shaqaalaha Paxful oo muusig ku dheelaaya, jiimka jooga, soo qaadanaaya cunto fudud, ama qoraxda ku naacawsanaaya. Waxay u ekaan kartaa wax laga badbadiyay laakiin waxaan iskugu yeernaa walaalo waayo waan isjecel nahay waana jecel nahay shaqadeena.
Tallinn waxaa loogu yeeraa “Silicon Valley” ee Yurub. Magaalada yar laakiin hormaraysa waxay caan ku tahay qaabka ay ku bilaabtay iyo naqshadeeda dhismaha qadiimiga ah. Ruuxiyada hal abuurka leh iyo qaabka niyada furan ee dadka magaaladaan, ayaa ka dhiga Estonia meel ku haboon kooxdeena hormarinta badeecada si loo abuuro badeecooyin badalaaya caalamka, oo isbadal ku abuuraaya nolosha.
Magaalada New York waa mid kamid ah saldhigyada ganacsi ee ugu wayn caalamka waxayna ahayd dookha dabiiciga ah ee Paxful ku kobcinayso jiritaankeeda ayadoo haddana soo jiidanaysay iskaashiyo aad u badan. Ayadoo ku bilaabatay hal abuurka labo qof ah, xafiiska New York ayaa si dhakhso leh u balaartay si loogusoo daro shaqaale cusub oo ka socda waaxaha kaladuwan, ayna ku jiraan kooxdeena sharciga iyo ku dhaqanka xeerarka kuwaas oo si hagar la'aan ah uga shaqeeya gaarsiinta Paxful higsiga kan xigga.
Arag shaqooyinka furanHong Kong waa hooyga barkulanka dhaqannada oo taasoo noqotay mid kamid ah xarumaha ganacsiga ee ugu mashquulka badan caalamka, Xafiiska Hong Kong waa hooyga xubnaha kooxdeena suuqgaynta iyo hormarinta ganacsiga, kuwaas oo tallaabooyin waawayn u qaaday isku xirka suuqyada kaladuwan ee eeshiya oo lagu xiraayo caalamka kale.
Arag shaqooyinka furanManila Waa hooyga dhaqaalaha, siyaasada, bulshada, iyo dhaqanka ee Philippines. Mid kamid ah ganacsiyada ugu dhaqdhaqaaqa badan uguna kobaca badan gudaha Manila waa ganacsiga hanaanka xirfad ka raadinta banaanka ee ganacsiga tignooloojiyada xogta (IT-BPO). Waana taas sababta ay Manila ay u noqotay dookha iska cad ee xarunteena macaamiisha iyo kooxdeena suuqgaynta.
Arag shaqooyinka furanYoolkeenu waa xoriyad dhaqaale oo lagu helaayo dhaqaale isdhaafsiga dadka caadiga ah. Anagoo adeegsanayna nidaam amaan ah, oo sax ah kana kooban macaamiil la xaqiijiyay, waxaan diirada saaraynaa inaan noqono aqoonsiga dhaqaalaha aduunka iyo turjumaanka caalamiga ah ee lacagta. Ayagoo dhigaaya waxbarashada safka hore, kooxdeena ayaa doonaysa inay caawiso dadka daafaha caalamka kala jooga inay isku xirmaan ayna dhisaan xariiro dhexmara, taasoo u sahlaysa inay wax isla bartaan ayna isla kobcaan. Dhammaanka maalinta, muhiimadu waa in laga abuuro isbadalo muuqda nolosha dadka oo dhan. Isbadal dhab ah oo ay keenayaan dad dhab ah.
Waxaan bixinaa qado iyo casho la diyaarshay maalin kasta, xubinimada jiimka oo dookhaaga ah, kaabayaasha kaladuwan ee jirdhiska iyo nafaqada, masaajka iyo booqashooyinka baxnaaninta, iyo munaasabadaha kooxda ee caafimaadka la xariira. Talooyinka caafimaadka ee oonleenka aad kula galayso dhakhaatiir heer sare ah.
Laga bilaabo soo kormeerida jaamacadaha daafaha caalamka ilaa bixinta khayraadka aan xadidnayn ee tababarka iy hormarinta xirfada, waxaan aaminsan nahay in jidka kaliya ee hormar lagu gaari karo waa hormarin iyo waxbarasho joogto ah.
Badelida caalamku maaha shaqo fudud. Marka si aan iskugu dheelitirno dhammaan shaqada adag, waxaan bixinaa nashaadaad, munaasabado, iyo xataa fasax shirkada oo dhan ah oo mushaar lagu qaato oo baashaal, khibrad barasho, iyo xariir aad kula samayn karto saaxiibadaada shaqada ee darafyada caalamka.
Wadnaha Paxful. Shaqaalaha wax soosaarka kaladuwan ayaa ku shaqeeya ruuxiyad dhakhso leh, ayagoo si joogto ah u abuuraaya wax soo saar cusub, cusboonaysiinaaya kuwii horay u jiray, higsanaayana gaarista mustaqbalka dhaqaalaha dadka caadiga ah kala badashaan.
Shaqaalaha wax soosaarka kaladuwan ayaa ku shaqeeya ruuxiyad dhakhso leh, ayagoo si joogto ah uga fakaraaya qaabab cusub oo ay kor ugu qaadaan khibrada isticmaalaheena. Naqshadeeyaasha, Maareeyaha Badeecada iyo Taxliiliyaasha ayaa u badala fikradahooda cajiibka ah, ee isbadalka wax soo saar iyo qalab la isticmaali karo.
Waaxda ugu balaaran Paxful ayaa u qaybsan laamo kaladuwan si loo hubiyo in taageero 24/7 ah iyo xalinta khilaafka loo helo. Shaqaalahaan ayaa ka shaqeeya adkaynta amaanka barteena iyo isticmaalayaasha, ayagoo xaqiijinaaya in shuruudaha sharciga la buuxinaayo samaynaayana qiimayn dheeraad ah oo ku aadan blockchain.
Kuwaani waa dadka faafinaaya bishaarada dhaqaale isdhaafsiga dadka caadiga ah ee daafaha dunida kala jooga. Ayagoo adeegsanaaya kanaalada saxaafada ee caadiga ah iyo kuwa nooca gaarka ah, waxay diirada saaraan inay fariinta gaarsiiyaan dadka ayagoo adeegsanaaya waxbarasho, mawduuc, iyo dhisida bulshada.
Waaxahaan ayaa saliid u ah mashiinkeena. Waxay hubiyaan in buugteena la cusboonaysiiyo iyo in dhammaan shaqooyinkeenu ay waafaqsan yihiin sharciga.
Waa dadka xaqiijiya in Paxful ay ahaado goobta shaqada ee ugu wanaagsan abid! Waxay maamulaan dhammaan dadaalada dadkeena, waxayna maamulaan dhammaan arimaha la xariira hormarinta ururka, iyo maaraynta shaqada xafiiska iyo mashruucyada kaladuwan ee maamulka.
Maslaxada labada dhinac iyo codsiga
U diyaar garoow wicitaan
Waraysiga koobaad