Shuruudaha Adeegga ee Paxful Stablecoin

Taariikhda Dhaqan galka: Maarso 4, 2021

FADLAN SI TAXADAR LEH U AKHRI HESHIISKAAN. Adoo adeegsanaaya adeegga Paxful Stablecoin, waxaad aqbalaysaa inay ku qabanayaan "Shuruudahaan Adeegga Paxful" ee kaabida ah waxaadna aqbaleysaa aadna qiraysaa inaad si taxadar leh oo adag u akhriday, u fahantay, aadna u aqbashay dhammaan shuruudaha iyo tilmaamaha ku jira halkaan, kuwaas oo dheeraad ku ah Shuruudaha Adeegga ee Paxful ("Heshiiska"). Erayo kasta oo xaraf wayn ku qoran oo la adeegsaday laakiin aan hoos lagu qeexin ayaa leh macnaha lagu sheegay Heshiiska. Haddii wax khilaaf ah ka yimaado inta u dhaxaysa Heshiiska iyo Shuruuqaha Adeegga ee Paxful Stablecoin inta lagu jiro ama la xariira adeegsigaaga adeegga Paxful Stablecoin, midkii danbeeyay ayaa awooda leh.

Xog ku saabsan Paxful Stablecoin

Adeegga Paxful Stablecoin waa nidaam dad soo xirid oo kuu sahlaaya, adoo ah isticmaale Paxful oo adeegga u qalma, inaad gasho ganacsi toos aad ula samaynayso qof kale oo ay dooratay shirkad kale ( "Shirkada Stablecoin iskaashiga laleh"), taasoo ay dooranayso Paxful, si aad Bitcoin kaaga ugu iibsato cadadka doolarka ee u dhigma ee stablecoins, si ay u hayso Shirkada iskaashiga ee Stablecoin si aad uga faa'iido. Ayadoo la adeegsanaayo qaabkaan, Paxful waxay kuu sahlaysaa inaad booskaaga Bitcoin uga baxdo stabelcoin ka aad dooratay.

Nidaamka Iskuxirka

Adeegga Paxful Stablecoin wuxuu ku kooban nidaamyada isku xirida oo laga heli karo barta Paxful. Marka aad muujiso inaad doonayso samaynta isdhaafsiga Paxful Stablecoin, Paxful ayaa kugu xiraysa Shirkada Stablecoin leh si loo sameeyo isdhaafsiga ganacsiga. Kadibna waa inaad raacdaa tusmooyinka lagu siiyay si aad si aad ugu gudbiso shuruudaha yaboohaaga Shirkada Stablecoin ka. Haddii Shirkada Stablecoin ku aqbasho shuruudaha yaboohaaga, ganacsiga ayaa la idin ka dhex samayn doonaa adigga iyo Shirkada Stablecoin ka. Si waafaqsan ganacsiyada caadiga ah ee lagu sameeyo suuqa, Paxful kuma lahaan doonto door, maamul, awood, xukun, ama awood maamul lacagaha Stablecoin ee la isku dhaafsado Paxful ee ay galaan ama dhexmara adigga iyo Shirkada Stablecoin ka. Paxful masul kama noqon doonto wax Stablecoin ah mana ku talinayso ama ma amrayso in qof isticmaala Paxful uu stablecoin ka noocaas ah iibsado.

Shirkada Stablecoin waxay lahaan karaan shuruudahooda iyo tilmaamahooda gaarka ah ee adeegga kala iibsiga Stablecoin ee Paxful, adeegga kala iibsiga Stablecoin ee Paxful na wuu kala duwanaan karaa qiimaha sarifka, xawaaraha isdhaafsiga, iyo shuruudaha iyo tilmaamaha kale ee ay soo rogto Shirkada Stablecoin ("Shuruudaha Shirkada Stablecoin"). Markaad ganacsi la samaynayso Shirkada Stablecoin waxaad aqbalaysaa inay ku qabanayaan Shuruudaha Shirkada Stablecoin ka. Shuruudaha shirkada Stablecoin ku ayaa qabanaaya meel kasta marka laga reebo inay ka hor imaanayaan ama jabinayaan Heshiiska, Shuruudaha Adeegyada ee Stablecoin ka Paxful, ay sharci daro yihiin, aysan ahayn wax macquul ah ama ay adag tahay in lagu dhaqmo (sida lagu go'aansho garashada keliya ee buuxda ee Paxful), ama haddii adigga ama shirkada Stablecoin ku ogolaato in la badalo Shuruudaha Shirkada Stablecoin ka. WAA MASUULIYAD KU SAARAN INAAD SI TAXADAR LEH U AKHRIDO SHURUUDAHA SHIRKADA STABLECOIN KA AADNA U RAACDO SIDAY YIHIIN. HADDII AADAN KU DHAQMIN SHURUUQAHA SHIRKADA STABLECOIN KA , GANACSIGAAGA AYAA LA DIIDI KARAA.MARNA HA GELIN NIDAAMKA LACAG ISDHAAFSIGA EE ADEEGGA STABLECOIN EE PAXFUL ILAA INAAD RAACDAY MAAHEE DHAMMAAN SHURUUDAHA IYO TILMAAMAHA MEESHA KU QORAN. HADDII AAD RAACI WAYDO SHURUUDAHA IYO TILMAAMAHA, PAXFUL MA AWOODI DOONTO INAY KAA CAAWISO HANAANKA KHILAAFKA SI LAGUUGUSOO CELIYO LACAGTAADA.

Qarashaadka

Paxful waxay markasta hufnaan ka muujin doontaa qarashaadka aan jarano. Qarash kasta ayaa qabanaaya adeegsigaaga adeegga Paxful. Wixii xog dheeraad ah iyo xogihii ugu danbeeyay ee wada sheekaysiyada qarashka, fadlan ka eeg qaybteena Xarunta Caafimaadka.

Koontooyinka u Qalma iyo Xeerarka Xadidan

Adeegga Paxful Stablecoin ayaa diyaar u ahaa keliya isticmaalayaasha u qalmi kara adeegga. Si aad ugu qalanto adeegsiga Adeega Paxful Stablecoin, waxaa qasab ah inaad xaqiijiso koontadaada aadna haysato ugu yaraan Bitcoin u dhigma USD $1.00 oo kuugu jira kaydkaaga Paxful, oo uu la jiro cadad kasta oo Bitcoin dheeraad ah oo loogu baahan yahay daboolida qarashaadka la xariira. Paxful ayaa xaq u leh inay mamnuucdo ama badasho adeegga Paxful Stablecoin ee isticmaale kasta oo Paxful, shirkada adeegga Stablecoin ayaana diidi karta ganacsi kasta oo lala sameeyo isticmaale Paxful. Marka lagu daro nidaamyada la xadiday sida ku cad qaybta 2.7 ee Shuruudaheena Adeega, Adeega Paxful Stablecoin ma heli karaan isticmaalayaasha dagan gobalka Texas.

MAJIRTO DAMAANAD, XADDIDAADDA MAS'UULIYADDA IYO MALAYNTA KHATARTA

ADEEGYADA STABLECOIN EE PAXFUL WAXAA LAGU BAXSHAA HANAANKA "SIDAY TAHAY" IYO "SIDA LAGU HELI KARO" AYADOON LA BIXIN WAX DAMAANAD AH, MATALAAD AMA WAARANTI AH, HADDAY TAHAY MID LA SHEEGAY, LA QORAY AMA SHARCI AH. XADKA UGU SAREEYA EE SHARCIGU OGOL YAHAY, PAXFUL WAXAY SI GAAR AH ISKAGA FOGANAYSAA DAMAANAD QAAD KASTA OO QORAAL AH LA XARIIRA DARAJADA, AWOODA GANACSIGA, KU HABOONAANTA UJEEDO GAAR AH IYO/AMA INAYSAN AHAYN KHIYAANO. PAXFUL MA BIXISO WAX MATALAAD AH AMA DAMAANAD QAAD AH IN GELITAANKA WEBSEEDKA, QAYB KASTA OO ADEEGYADA KAMID AH, AMA AGAB KASTA OO KALE OO MEESHAAS KU JIRA, AY AHAAN DOONAAN KUWO JOOGTO AH, AAN LA CARQALADAYN, WAQTI KU HABBOON LEH, AMA AAN CILAD LAHAYN. PAXFUL MASUUL KAMA AHAN FASHIL KASTA OO KU DHACA SOFTIWEER AMA TIGNOOLOOJIYADAHA QOLO KALE, CARQALAD KASTA AMA KHASAARO KASTA OO ISTICMAALUHU WAAJIHI KARO. WAXAAD HALKAAN KA QIRAYSAA KANA AQBALAYSAA IN INAADAN ISKU HALAYN HADAL KALE AMA FAHAN KALE, HADDUU YAHAY MID QORAN AMA AFKA LAGA YIRI, OO LA XARIIRA ISTICMAALKAAGA WEBSEEDKA IYO ADEEGYADA. AYADOON XILI GAAR AH LAGU CAYIMAYN, WAXAAD HALKAAN KA QIRAYSAA AADNA AQBALAYSAA KHATARAHA BADAN EE KA IMAAN KARA ADEEGSIGA LACAGTA OONLEENKA AH AYNA KU JIRAAN LAAKIIN KUMA KOOBNA KHATARTA SHARCIGA, FASHILKA HADWEERKA, CILADAHA SOFTIWEERKA, FASHILKA KHADKA INTERNEEDKA, SOFTIWEER CILADAYSAN, FARAGELINTA QOLADA SADEXAAD OO KEENI KARTA LUMINTA AMA WAAYIDA GELITAANKA CIWAANKAAGA AMA KAYDKAAGA IYO XOGTA KALE EE ISTICMAALAHA, FASHILKA SEERFARKA AMA LUMINTA XOGTA. WAXAAD AQBALAYSAA AADNA QIRAYSAA INAAN PAXFUL MASUUL KA NOQON DOONIN FASHILKA ISGAARSIINTA, CARQALADAHA, CILADAHA, BURBURKA AMA DIB U DHACYADA AAD WAAJIHI KARTO INAAD ISTICMAALAYSO ADEEGYADA, SI KASTOOY KU TIMIDBA.

MAJIRTO MARNA GOOR AY PAXFUL, QAYBAHEEDA IYO ADEEG BIXIYEYAASHEEDA, AMA MID KAMID AH SARAAKIISHEEDA, AGAASIMEYAASHEEDA, WAKIILADEEDA, SHAQAALAHEEDA, LA TALIYEYAASHEEDA, TALO BIXIYEYAASHEEDA AMA CID MATALAYSA, AY MAS'UUL KA NOQONAYAAN (A) CADDAD KASTA OO KA BADAN QIIMAHA WADARTA KHIDMADDA AAD U BIXISAY ADEEGGA AH UJEEDKA SABABTA HOWSHA INTA LAGU JIRO LABA IYO TOBANKA (12) BILLOOD EE KA HORAYSA KHASAARAHA KA DHALANAYA AMA (B) WAX KASTA OO AH FAAIDOOYIN LA LUMIYAY, HOOS U DHACA QIIMAHA AMA FURSAD GANACSI, KHASAARE KASTA, WAXYEELO KASTA, MUSUQMAASUQ AMA JABINTA XOGTA AMA HANTI KASTA OO AAN LA TAABAN KARIN AMA KHASAAROOYIN GAAR AH, DHACDO AHAAN AH, DADBAN, AAN LA TAABAN KARIN, AMA ISDABA SOCOTA, HADDII AY KU SALAYSNAAN LAHAYD QANDARAAS, HESHIIS, DAYACAAD, MAS'UULIYAD ADAG, AMA HADDII KALE, KA DHALANAYSA SI LA XIRIIRTA ISTICMAAL LA FASAXAY IYO MID AAN LA FASAXIN OO AH GOOBTA AMA ADEEGYADA, AMA HESHIISKAAN, XATAA HADDII WAKIIL AAN LOO FASIXIN OO KA SOCDA PAXFUL LOO SHEEGO AMA UU OGAA AMA AY AHAYD IN UU OGAADO SUURTA GALNIMADA WAXYEELOOYINKAAS, IYO IN AYSAN XAMBAARAYN GUULDARRADA WAXKASTA OO LAGU HESHIIYAY AMA XAL KALE OO AH UJEEDDADIISA DHABTA AH, MARKA LAGA REEBO HEERKA ILAA GO'AAN MAXKAMADEED OO KAMA DANBAYS AH KAASOO AH IN WAXYEELOOYINKAAS AY KA DHASHEEN DAYACA GUUD EE PAXFUL, BEEN ABUUR, DHAQAN XUMO KU TALA GAL AH AMA KU XADGUDUB KAS AH OO DHANKA SHARCIGA AH. QAAR KAMID AH MAAMULADU MA OGOLA IN LAGA SAARO AMA LA XADDIDO WAXYEELOOYINKA DHACDADA AH AMA ISDABA SOCDA, SIDAA DARTEED XADDIDAADAHA KORE WAXAA DHICI KARTA IN AYSAN KU KHUSAYN.