XEERARKA ADEEGGA ee Paxful Inc.

HESHIISKA WAXAA KUJIRA MACLUUMAAD AAD MUHIIM U AH OO KHUSEEYA XAQUUQAHAAGA IYO WAAJIBAADKAAGA, IYO SIDAA SI LAMID AH SHURUUDAHA, XADIDAADAHA IYO KA SAARISTA KUWAAS OO KU KHUSAYN KARA. FADLAN SI TAXADDAR LEH U AKHRI.

Xeerarkaan Adeegyadu iyo wax ka badal iyo dib u qoris kasta ee halkaan foomka (“Agreement”) heshiis sharci ah kaasoo daboolaya bixinta adeegyada ee ka imaanaya Paxful ayna ku siinayso, oo ay kamid yihiin siinta goob suuq ah si awood loogu siiyo iibsadayaasha iyo iibiyeyaasha “Hantida Casriga ah” (ereyga noocaas ah waa in si balaaran loogu fahmaa in ay kujirto lacagaha casriga ah sida Bitcoin, Tether, iyo kuwo kale, kuwaas oo uu ku shaqaynayo Kiishada Paxful) si loogu hawlgalo isu xawilaadaha qofba qofka kale (the “Goob suuq ah”), wuxuu bixinayaa adeegyada kiishadda casriga ah ee uu martigaliyo, haynta iyo sii daynta Hantida Casriga ah sida lagu caddeeyay dhammaystirka iibsashada Hantida Casriga ah iyo adeegyada kale ee lagu qeexay heshiiskaan (wadar ahaan waxaa la isku dhahaa “Adeegyada” kali ahaanna, “Adeeg”) kaas oo ay ku siiso Paxful, Inc. iyo dhammaan qaybaheeda, oo ay kujiraan laakiin aan ku ekayn Paxful USA, Inc. (wadar ahaan, “Paxful” ama “anaga” ama “lafteena” ama “shirkadda”) gaar ahaan (sidoo kale loo yaqaano “isticmaale” ama “adiga”). Paxful.com iyo Adeegyadeeda la xiriira waxaa iska leh kuna shaqeeya Paxful. Isticmaalkaaga Adeegyada iyo Adeegyadeeda waxaa lagu maamuli doonaa Heshiiskaan, ayada oo ay la socoto Xeerka yaga Sirta,Xeerka Haraadiga, iyo Heshiiska E-Sign.

XEERARKAAN WAXAY U BAAHAN YIHIIN ISTICMAALKA DHEX-DHEXAADINTA SI LOO XALIYO MURANADA BADALKII MAXKAMADAYNTA DHANKA GARSOORKA AH AMA MATALAADDA KOOXDA.

Marka aad iska qorto isticmaalka koonto adiga oo isticmaalaya paxful.com, ama webseedyo kale oo la xariira, API-yada, ama aaladaha moobilka, ay kamidka yihiin URL-yo kasta oo ay Paxful ku shaqayso (wadar ahaan “Webseedka Paxful” ama “Webseedyada”), waxaad aqbalaysaa in aad si taxaddar leh oo adag aad u akhrido, u fahamto, aadna u aqbasho dhammaan xeerarka iyo shuruudaha kujira Heshiiskaan oo ay kujiraan Xeerka yaga Arimaha shaqsiga, Xeerka Haraaga, iyo Heshiiska E-Sign.

QIIMAHA HANTIDA CASRIGA AH KOR AYAY U KICI KARTAA AMA HOOS AYAY AADI KARTAA WAXAANA JIRI KARA KHATAR LA SOCOTA IN AAD LACAG KU LUMISO GADASHADA, IIBINTA, HAYSASHADA, AMA MAALGASHIGA HANTIDA CASRIGA AH. WAA IN AAD SI TAXADDAR LEH UGA FIKIRTAA IN AAD GADDO AMA AAD HAYSATO HANTIDA CASRIGA AH TAN KUGU HABBOON ADIGA OO EEGAYA XAALADDAADA DHAQAALE.

Waxyaabaha ku saabsan Paxful iyo Adeegyadeeda

Paxful waa hogaamiyaha goobta suuqa dadka isku xaalada ah si uu u fududeeyo gadashada iyo iska iibinta Hantida Casriga ah ayada oo iibiyeyaashu ay aqbalayaan in ka badan 300 oo qaab oo lacag bixin ah oo ah isku badalka Hantidooda Casriga ah. Qaababka lacag bixinta waxaa looga gorgortamaa waxaana lagu kala badashaa ayada oo lagu salaynaayo in Ay isdhaafsadaan dadka isku adeegga baxsha kaasoo u dhexeeya gateyaasha ku sugan Goobta suuqa (“Gateyaasha”) iyo iibiyeyaasha ku sugan Goobta suuqa (“Iibiyeyaasha”). Isticmaaleyaasha yadu waxay ku heshiinayaan qaabka lacag bixinta ay isticmaalayaan si loo dhammaystiro xawilaadda waxayna si buuxda mas'uul uga yihiin una qoolan yihiin isticmaalka qaabkaas lacag bixinta oo ah qaab sharci ah.

Paxful waxay sidoo kale bixisaa adeegyo kiishad casri ah oo ay hayso taasoo laga helayo bixiye kiishad hantida casrigaa ah oo dunida ugu horeeya. Barta yada isticmaalaha ee dunida oo dhan waxa ay awooddaa in ay soo dhigto dalabyo midkood lagu soo gato ama la isaga iibiyo Hantida Casriga ah taasoo ah qaabab haboon oo kala duwan. Qofka samaynaya dalabka ayaa mas'uul ka ah qorista xeerarka xawilaadda, taas oo ay kamid tahay qaababka lacag bixinta Ibbsaduhu aqbali doono. Marka dalab uu doorto isticmaale kale oo Paxful issticmaala, Hantida Casriga ah ee Iibiyaha waa la xirayaa ayada oo qayb ka ah hanaanada yada xawilaadda (taasoo aan u naqaano “Paxful Escrow”) ilaa dhammaan shuruudaha lagama maarmaanka u ah isticmaalka xawilaadu ay ka dhacayaan. Iibsigu wuxuu dhammaystirmayaa Hantida Casriga ahna uu u furayaa una sii daynayaa Iibsadaha Iibiyuhu marka Iibsaduhu uu dhammaystiro xeerarka xawilaadda lacag bixintana la xaqiijiyo in ay tahay mid sax ah uuna helo Iibiyuhu. PAXFUL MA AHAN DIYAARIYAHA LACAG BIXINTA. DHAMMAAN MAS'UULIYADAHA DIRISTA IYO HELITAANKA LACAG BIXINTA IYO XAQIIJINTA SAX AHAANSHAHA XAWILAADAHA WAXAY DHEX TAALAA IIBSADAHA IYO IIBIYAHA. Hantida Casriga ah ee aan xirno waxaa dib loogu sii daynayaa Iibiyaha haddii Iibsaduhu doorto in uu joojiyo xawilaadda. Iibiyuhu meelna kuma joojin karo xawilaadda. Iibiyuhu waxaa kaliya oo uu leeyahay xulashada in uu u furo una sii daayo Hantida Casriga ah Iibsadaha. Tan waxaa loo samaynayaa difaaca amaanka ee Iibsadaha dartiis. haddii Iibiyuhu u baahdo in uu joojiyo xawilaad ayada oo ay sabab u tahay ayada oo uusan Iibsaduhu raacin xeerarka xawilaadda, waa in uu bilaabaa muran uuna bixiyaa sabab uu sidaa u samaynayo sida si faahfaahsan loogu qeexay Farqada 8 aad ee Heshiiskaan. Xawilaadaha ka dhaca Websaytka yaga waxaa loo sameeyaa si u dhexaysa Iibsadaha iyo Iibiyaha. Sida cad, Paxful qayb kama ahan wax xawilaad ah.

Adeegga kiishadda lacagta casriga ah ee la hayo taasoo uu bixiyo Paxful waa qaab amaan ah oo ah kaydinta, dirista, iyo helidda lacagta casriga ah. Paxful ma kaydiso mana haysato wax Hanti Casri ah. Hantida Casriga ah waxaa had iyo jeer lagu kaydiyaa shabakadaha khuseeya ama ururada isku xiran. Dhammaan xawilaadaha lacagaha casriga ah waxay ka dhex dhacaan shabakadda lacagta casriga ah, ma ahan Paxful. Majiraan damaanado ku saabsan in xawilaaddu ay ka samaysmi doonto shabakadda lacagta casriga ah. Paxful waxay xaq u leedahay in ay diido diyaarinta xawilaadda haddii sharcigu uga baahdo ama hadday u aragto in xawilaaddu kasoo horjeeddo xeerarka iyo shuruudaha Heshiiska ku qoran. Waxaad aqbalaysaa aadna ogaanaysaa in aad qaadanayso mas'uuliyadda buuxda ee dhammaan howlaha ka dhacaya kiishaddaada dhexdeeda aadna aqbasho dhammaan khataraha galitaanka la ogolaaday in kan aan la ogolaan ee kiishaddaada, ilaa heerka ugu sareeya ee uu sharcigu ogol yahay.

  1. GUUD

    1. Waxaan xaq u leenahay in aan wax ka badalno, si kale ka dhigno, badalno ama aan dib wax uga badalno Heshiiskaan wakhti kasta, anaga oo isticmaalayna go'aan anaga noo gaar ah oo cad iyo anaga oo aan bixin ogaysiis horumaris ah. Wax kasta oo wax ka badal noocaas ah ee khuseeyaa isticmaalkeena Adeegyada waxa uu dhaqan galayaa marka la soo dhigo Webseedka Paxful mana ahan mid dib loo saxayo. Haddii aad na siiso ciwaan iimayl, waxaa laga yaabaa in aan sidoo kale kugu wargalino iimayl in Heshiiska wax laga badalay. Haddii aadan aqbalayn xeerarka Heshiiska wax laga badalay, Xalkaaga kaliga ah gaarkana kuu ah waa in aad si dhakhso ah u joojisaa isticmaalka Adeegyada koontadaadana xirtaa.
    2. Waa mas'uuliyaddaada in aad si taxaddar leh u akhrido Heshiiska marmarna dib u eegto Heshiiskaan sida loo soo dhigay Webseedka Paxful. Sii isticmaalkaaga Adeegyada wuxuu muhiimad siinayaa aqbalaaddaada in uu ku qabto Heshiiska danbe.
    3. Haddii ay dhacdo ku guuldarraysi ama dib u dhac ay Paxful ku dhaqan galinayso ama si qayb ah ugu dhaqan galinayso qodob kasta oo Heshiiska kujira waa in aan loo tarjuman iska dayn ah wax ku saabsan xaquuqaha yaga ama xalalka yaga.
  2. KOONTADA IYO ISDIIWAANGALINTA

    1. Si loo isticmaalo Adeegyada waxaad u baahan doontaa in aad koonto ka diiwaan gashato Webseedkeena. Inta lagu jiro hanaanka diiwaangalinta, waxaan ku weydiin doonaa macluumaad cayiman, kaas oo ay kujiraan laakiin aan ku koobneyn, magacaaga, ciwaanka iyo macluumaadka kale ee shaqsiga ah si aan u xaqiijino aqoonsigaaga. waxaa dhici karta, anaga oo isticmaalayna go'aanka yaga kaliga ah ee cad, in aan diidno in aan koonto kuu hayno. Waxaad aqbalaysaa aadna ogaanaysaa in aad: (a) tahay da'da sharciga ah ee maamulkaaga ku khuseeya si aad u aqbasho Heshiiskaan; iyo (b) aan horey lagaaga joojin ama lagaaga saarin isticmaalka Adeegyada yada.
    2. Marka aad isticmaalayso koontadaada, waxaad aqbalaysaa muujinaysaana in aad isticmaali doonto Adeegyada yada si iskaa ah waxaana dhici karta in aadan u isticmaalin koontadaada dhex-dhexaadin ama dalaal ah qaybta saddexaad, qof ama hay'ad. Ilaa in si muuqata ay kuugu ogolaato Paxful, waxaa kaliya laguu ogolyahay in aad leedahay hal koonto laguumana ogola in aad iibiso, soo daymato, wadaagto ama haddii kale aad koontadaada ka dhigto mid la heli karo ama tafaasiil muhiim u ah in aad gasho koontadaada dadka kale ama qaybaha aan adiga ahayn. Waxaad kaligaa mas'uul ka tahay diyaarna u tahay ilaalinta amaan ku filan iyo maamulidda wax kamid ah iyo dhammaan magacyada isticmaalka, ciwaanada iimaylada, baaswaarada, koodhadhka xaqiijinta ee labada talaabo ah ama koodhadh kale ee kasta ama macluumaadka aad u isticmaasho galitaanka Adeegyada. Koontadaada waa in aysan kujirin macluumaad marin habaabin ah ama been abuur ah. Abuuritaanka macluumaad been abuur ah oo koontadaada ah, ka beensheegidda waddankaaga aad kasoo jeeddo ama bixinta dukumiintiyo aqoonsi oo been abuur ah si adag ayaa loo mamnuucay.
    3. Inta lagu jiro diiwaan galinta koontadaada, waxaad aqbalaysaa in aad na siiso macluumaadka aan ka dalbano kuwaas oo loogu tala galay ujeedooyinka xaqiijinta aqoonsiga iyo ka hortagga lacag dhaqidda, maalgalinta argagixisada, been abuurka, ama danbiyo kale oo dhaqaale waxaadna noo oggolaanaysaa in aan haysano diiwaanka macluumaadkaas oo kale. Waxaad u baahan doontaa in aad dhammaystirto hanaano xaqiijin oo gaar ah kahor inta aan laguu ogolaan in aad isticmaasho Adeegyada, hanaanadaas oo wax laga badali karo ayada oo ay sabab u tahay macluumaadka lagaa aruuriyay kaasoo ku salaysan sida uu u socdo. Macluumaadka aan kaa dalbanayno waxaa kamid noqon kara macluumaad shaqsi oo gaar ah, kuwaas oo ay kamid yihiin, laakiin aan ku koobneyn, magacaaga, ciwaankaaga, lambarkaaga teleefoonka, ciwaanka iimaylka, taariikhda aad dhalatay, lambarka amaanka bulshada, lambarka canshuur bixinta, iyo aqoonsiga dowladda. Marka aad na siiso macluumaadkaan ama macluumaad kale ee kasta kaasoo lagaaga baahdo, waxaad xaqiijinaysaa in dhammaan macluumaadku yahay mid dhab ah, sax ah aana marin habaabin ahayn. WAXAAD NOO OGGOLAANAYSAA IN AAN SAMAYNO SU'AALO, TAASOO TOOS AH AMA AAN KUUSOO MARAYNO QAYBAHA SADDEXAAD, KUWAAS OO AAN U ARAGNO IN AY MUHIIM U TAHAY LAGAMA MAARMAAN SI LOO XAQIIJIYO AQOONSIGAAGA AMA AAN NAGA ILAALINO ADIGA IYO/AMA ANAGA BEEN ABUURKA AMA DANBIYADA KALE EE DHANKA DHAQALAHA, IYO IN AAN QAADNO TALAABO AAN U ARAGNO IN AY MUHIIM TAHAY OO LAGU SALAYNAYO NATIIJOOYINKA SU'AALAHA NOOCAAS AH. MARKA AAN SAMAYNO SU'AALAHAAN, WAXAAD AQOONSANAYSAA AADNA AQBALAYSAA IN MACLUUMAADKAAGA SHAKHSIGA LA GUDBIN KARO SI UU U NOQDO TIXRAAC IYO KAHORTAGGA BEEN ABUURKA AMA HAY'ADAHA DHAQAALAHA DHANKA DHAQAALAHA IYO IN HAY'ADAHAANU AY KA JAWAABAAN SU'AALAHA YAGA SI BUUXDA.
    4. Haddii aad isticmaalayso Adeegyada adiga oo matalaya dhinac sharci ah sida dhinac nala shaqeeya, waxaad sii matalaysaa damaanad qaadaysaana in: (i) dhinaca sharciga ah uu yahay mid u qaabaysan si sax ahna ujira ayada oo la eegayo shuruucda khusaysa ee maamuulka ururkeeda; iyo (ii) waxaa si dhab ah fasax kuu siinaysa dhinaca sharciga ah ee noocaas ah ayada oo is matalaysa. Koontada la xaqiijiyay ee wadashaqaynta waxa uu gaar u yahay qaybtaas sharciga ah waxaana kaliya isticmaali kara qofka ku diiwaan gashan. Koontooyinka wadashaqaynta looma ogola in lala wadaago ama uu isticmaalo shakhsiyaad ama qaybo kale. Koontooyinka wadashaqaynta ee aan la xaqiijin waxaa loo ogol yahay ka reebitaanada xaddidan ee soo socda:

      • Koontada wadashaqaynta ee la meelmariyay waxay yeelan karaan dhowr koontooyin oo isticmaale oo shaqaynaya wakhti kasta, haddiib ay yihiin dhammaantood kuwo shirkadu xaqiijisay uuna ku shaqeeyo shaqaale loogu tala galay oo ay leedahay shirkadda horey loogu gudbiyay ayna meelmarisay Paxful go'aankeeda kaliga u ah ee cad;
      • Koontooyinka wadashaqaynta waxay yeelan karaan kaliya hal dalab oo shaqaynaya oo loogu tala galay xawaalad gaar ah hal wakhti oo kasta lagamana ogola in uu yeesho dalabyo badan oo loogu tala galay xawilaadahaas oo kale ee ka imaanaya koontooyinka wadashaqaynta ee kale.
    5. Adiga oo kaliya ayaa mas'uul ka ah samaysashada baasawaar adag iyo ilaalinta amaan kugu filan iyo maamulidda dhammaan aqoonsiyada baaswaarada, hindisooyinka, lambarada aqoonsiga shaqsiga ah (PINs), fureyaasha API ama koodhadh kale kuwaas oo aad u isticmaasho in aad ku gasho Adeegga yaga. Lumin kasta ama ka tanaasulidda ka tagidda macluumaadka iyo/ama macluumaadkaaga shaqsiga waxaa ka dhalan kara galitaan aan la ogolaan oo koontadaada ah oo ay samaynayaan qaybaha saddexaad luminta ama xadidda Hantida Casriga ah iyo/ama maalka la xiriira koontadaada, oo ay kujiraan qaababkaaga lacag bixinta ee ku xiran. Adiga oo kaliya ayaa mas'uul ka ah ilaalinta ciwaankaaga iimaylka, lambarka teleefoonka iyo tafaasiisha kale la xiriira kuwo ku diyaarsan borofaylkaaga koontada si aad u hesho ogaysiisyo kasta ama digniino kasta ee aan kuusoo dirno. Waa in aadan marnaba ogolaan galitaanka fogaanta ah ama aad shaashadda kombuyuutarkaaga la wadaagto qof kale marka aad galayso koontadaada. Wax mas'uuliyad ah kuma lihin khasaare kasta oo kaa soo gaara ayada oo ay sabab u tahay ka tagiddaada macluumaadka galitaanka koontadaada ayada oo ay sabab u tahay cillad ka timaadda Paxful iyo/ama ku guuldarraysigaaga in aad raacdo ama ka howlgasho ogaysiis kasta ama digniino laga yaabo in aan kuusoo dirno.
    6. Si aad u isticmaasho Adeegyadeena waxaad u baahan kartaa in aad buuxiso waajibaad sharci oo cayiman oo kajira wadankaaga iyo/ama gobolka aad degen tahay. Marka aad aqbasho xeerarkaan kujira Heshiiskaan, waxaad xaqiijinaysaa in aad dib u eegis ku samayso shuruucdaada gudaha iyo shuruucda iyo in aad ka warhayso, aadna buuxiso, midkasta iyo dhammaan shuruucda. Ayada oo ay sabab u tahay mamnuucyada sharciga ah ama nidaamka ah, ma bixino isticmaalka Adeegyada yada kajira maamulada qaar. Marka aad aqbasho xeerarka kujira Heshiiskaan, waxaad xaqiijinaysaa in aadan degenayn ama aysan ku maamulin shuruucda iyo nidaamyada maamuladaan.
    7. Waa suurtagal inaanaan furuin dhammaan Adeegyada oo ka shaqeeya dhammaan suuqyada iyo deegaannada waxaana xanibi karnaa ama mamnuuci karnaa adeegsiga dhammaan ama qaybo kamid ah Adeegyada oon ka shaqayn karin degaannada qaar (“Deegaannada La xadiday”). Waqti xaadirkaan, Deegaannada La xadiday waxaa kamid ah kuwa lagu magacaabay “Liiskeena Wadamada La mamnuucay”, iyo Goballada Washington iyo New York. Waxaa intaas dheer, Adeegyada ayaan lagu heli karin Lacagta oonleenka ah, Tether (USDT), oo ay heli lahaayeen isticmaalayaasha dagan Gobalka Texas. Waa inaadan iskudayin adeegsiga Adeegyadeena haddii aad dagan tahay meel kamid ah Deegaannadaan la Xadiday. Waa qasab inaadan iskudayin leexinta goob sheegta meelaha la xadiday ee saaran Adeegyadeena, sida qarinta ciwaanka IP gaaga ama soo gudbinta xog qaldan oo qusaysa meeshaad joogto.
  3. MAAMULKA, DHEX-DHEXAADINTA IYO XEER KA BAXA

    1. Heshiiskaan iyo isticmaalkaaga Webseedka iyo Adeegyada waxaa maamulaya tarjumayana si waafaqsan Gobolka Delaware, ayada oo aan la tixgalinayn mabaadii'da shuruucda iska horimaanaysa.
    2. Dhex-dhexaadinta. Adiga iyo Paxful waxay ku heshiinayaan in muran kasta ee kasoo baxa ama la xiriira Heshiiskaan ama Adeegyada, waa in kama danbaysta lagu xaliyo dhexdhexaadin adag, heer shakhsi ah, si waafaqsan shuruucda Ururka Dhex-dhexaadinta Maraykanka ee loogu tala galay dhex-dhexaadinta muranada la xiriira isticmaalaha (laga heli karo https://www.adr.org/rules). Taasoo khusaysa shuruudaha maamulka ee ay khusayso, dacwadaha isticmaalaha (shakhsiyaadka xawilaaddiisu waxaa loogu tala galay isticmaalka shakhsiga, qoyska, ama dadka guriga ku sugan) waxay dooran karaan in ay sii wadaan sheegashooyinkaaga ka dhaca maxkamadahooda dacwooyinka yaryar ee deegaanka halkii ay isticmaali lahaayeen dhex-dhexaadin illaa inta arinkoodu yahay dacwado yaryar oo loogu tala galay maxkamada waxaana kaliya horey loo sii wadi karaa ayada oo lagu salaynayo heer shakhsi (aan koox ahayn ama aan matalaad ahayn).

      KA REEBISTA FAL KOOXEEDKA: ILLAA HEERKA UU SHARCIGU OGOLYAHAY, DHAMMAAN DACWOOYINKA WAXAA KALIYA LOO KEENI KARO HEER SHAKHSI AH, MANA AHAN DACWO AMA XUBIN KOOX KOOX KASTA OO LA SHEEGO, FICILKA WADAJIRKA AH, AMA DHEGAYSIGA MATAALADDA AH (WADAR AHAAN “KA REEBISTA FALKA KOOXDA”). DHEX-DHEXAADIYUHU WAA IN UUSAN ISKU KEENIN WAX KA BADAN DACWADAHA HAL QOF AMA IN UU LA FALGALO WAXDHEXDHEXAADIN KOOXEED AH. WAXAAD GARWAAQSAN TAHAY IN, MARKA AAD AQBASHO XEERARKAAN, ADIGA IYO PAXFUL WAXAA MIDKASTA UU KA TAGAYAA XAQUUQ KASTA OO AH MAXKAMADAYN GARSOOR AH WAXAADNA KA TAGAYSAA XAQA AAD UGA QAYBQAADANAYSO FICIL KOOXEEDKA KA DHANKA AH PAXFUL.

      Xeerka Dhex-dhexaadinta Federaalka, 9 U.S.C. §§ 1-16, waxa uu si buuxda u qabanayaa dhex-dhexaadinta. Dhex-dhexaadinta waxaa samayn doona dhex-dhexaadiye kaliya, oo dhexdhexaad ah waana in ay ka dhacdaa Gobolka Delaware, ama goob kale oo labada dhinac ay isku raaci karaan, taasoo ah luuqadda Ingiriiska. Dhex-dhexaadiyuhu waxa uu ku abaalmarin karaa wax kasta oo kaalmo kasta oo maxkamad ku shaqo leh ay ku abaalmariso, kuwaas oo ay kamid yihiin kharashka garyaqaanka marka uu sharcigu u ogolaado, go'aanka dhexdhexaadintuna waxaa la galin karaa xukumid waxaana laga dhaqan galin karaa maxkamad sharci. Marka la joogu codsigaaga, dhegaysiga waxaa loo samayn karaa si fool ka fool ah ama ayada oo la isticmaalayo teleefoonka dhex-dhexaadiyuhuna wuxuu bixin karaa gudbinta iyo go'aaminta moohinada macluumaad bixinta, ayada oo aysan jirin dhegaysi afka ah. Qaybaha awoodda u leh ficil kasta ama dacwad lasta si loo dhaqan galiyo Heshiiskaan ayaa laga rabaa kharashka khidmadda garyaqaanka.

      Haddii dhex-dhexaadiyuhu(yaashu) ama maamulaha dhexdhexaadintu uu kugu soo rogo khidmad dacwadeed ama kharashaad kale oo maamul, waanu ku magdhabaynaa, haddii aad codsato, ilaa heer kharashaadkaas ama khidmadahaas ay ka badnaadaan kuwa aad bixin lahayd haddii aad ka dacwoon lahayd maxkamad taa baddalkeeda. Waxaanu sidoo kale bixin lahayn khidmado dheeraad ah ama kharashaad haddii uu u baahdo in sidaa la sameeyo sharciga maamulaha dhexdhexaadinta ama sharci khuseeya. Marka laga tago ka tagidda, qayb kasta ayada ayaa mas'uul ka noqonaysa khidmad ama kharash kasta, sida khidmadda garyaqaanka kaasoo laga yaabo in qaybtu ay qaadato.

    3. Haddii qayb kamid ah heshiiskaan uu dhex-dhexaadiye ku helo ama maxkamad ku taala Maraykanka ay ku hesho in uu yahay mid aan jirin ama mid aan la dhaqan galin karin guud ahaan ama qayb ahaan, sax ahaanshaha ama dhaqangalinta qaybaha kale ee xeerarkaan iyo shuruudahaan ma ay saamaynayso. Ciwaan kasta oo kujira Heshiiskaan waxaa loo isticmaalayaa ujeedooyin macluumaad oo kaliya mana ahan qodobo la dhaqangalinayo oo kamid ah Heshiiskaan.
  4. XEERKA ARIMAHA SHAQSIGA IYO AMAANKA

    1. Waxaanu ku dadaalaynaa in aan qaadno dhammaan tallaabooyinka mas'uuliyadda ah si aan u ilaalino macluumaadkaaga shaqsiga ah. Si kastaba ha ahaatee, ma damaanad qaadi karno amaanka xogta aad ku gudbiso oonleenka. Waa in aad aqbashaa dhibaatada khataraha amaanka ee ah in aad macluumaad ku bixiso uguna howlgasho si oonleen ah adiga oo adeegsanaya internet-ka namana saari doontid mas'uuliyadda dhibaato kasta oo dhanka amaanka ah ilaa in arinkaanu ku yimaado dayaca yaga maahane.
    2. Fadlan dib u eeg warbixinteena sirta ee rasmiga ah: https://paxful.com/privacy.
  5. MAJIRTO DAMAANAD, XADDIDAADDA MAS'UULIYADDA IYO MALAYNTA KHATARTA

    1. ADEEGYADA WAXAA LAGU BIXINAYAA AYADA OO LAGU SALAYNAYO “SIDA UU YAHAY” IYO “SIDA UU U DIYAARSANYAHAY” AYADA OO AYSAN JIRIN WAX DAMAANAD QAAD AH, MATALAADO AMA DAMAANADO AH, HADDII AY TAHAY DEGDEG, MID LA MUUJIYAY AMA MID SHARCI. ILAA HEERKA UGU BADAN EE UU OGOLAANAYO SHARCIGA KHUSEEYA, PAXFUL WAXAY SI GAAR AH ISAGA DUWAYSAA WAX KASTA OO AH DAMAANADO LA TILMAAMAY OO JAGO, KA GANACSI, TAAM AHAANSHAHA LAGA LEEYAHAY UJEEDDO CAYIMAN IYO/AMA JABIN LA'AANTA. PAXFUL MA SAMAYNAYSO WAX MATALAADO AH AMA DAMAANADO AH OO AH GALITAANKA WEBSEEDKA, QAYB KASTA OO KAMID AH ADEEGYADA, AMA WAX KASTA OO KUJIRA HALKAAN, WAXAY SII AHAAN DOONAAN KUWO SII SOCDA, AAN WAX LOO GAYSAN, WAKHTIYAYSAN, AMA AAN CILLAD LAHAYN. PAXFUL MAS'UUL KAMA AHAN WAX KASTA OO WAXYEELAYN AH AMA KHASAARE AH EE UU ISTICMAALUHU LA DHIBTOODO. WAXAA HALKAAN LAGUUGU OGAYSIIYAY AADNA AQBASHAY IN AADAN KU TIIRSANAYNWARBIXIN KALE AMA FAHAM, HADDII AY TAHAY QORAAL IYO MID AFKA LA ISAGA SHEEGABA, TAASOO KHUSAYSA ISTICMAALKAAGA IYO GALITAANKAAGA ADEEGYADA IYO WEBSAYTKA. AYADA OO AAN XADDIDAYN KA TAGIDDA, WAXAAD HALKAAN KU OGAATAY KUNA AQBASHAY KHATARAHA BADAN EE LA SOCDA ISTICMAALKA LACAGTA CASRIGA AH KUWAAS OO AY KAMID YIHIIN LAAKIIN AAN KU EKAYN SHAQO GABIDDA QALABKA LA ISTICMAALAYO, ARRIMAHA SOFTIWEERADA, SHAQO GABIDDA ISKUXIRKA DHANKA INTERNET-KA AH, SOFTIWEERADA WAX DHIBAATEEYA, FARAGALINTA QAYBTA SADDEXAAD EE HORSEEDAYSA LUMINTA AMA LA'AANTA GALITAANKA KOONTADAADA AMA KAYDKAAGA IYO XOGTA KALE EE ISTICMAALAHA, SHAQO GABIDDA SEERFARKA AMA LUMINTA XOGTA. WAXAAD AQBALAYSAA AADNA OGTAHAY IN PAXFUL AYSAN MAS'UUL KA NOQON DOONIN WAX KASTA OO GUULDARRO DHANKA WADA XIRIIRKA AH, DHIBAATO, CILLADO, DHALAN ROGID AMA DIB U DHACYADA LAGA YAABO IN AAD WAJAHDO MARKA AAD ISTICMAALAYSO ADEEGYADA, SIKASTA OO LOO SABABAYBA.
    2. MAJIRTO MARNA GOOR AY PAXFUL, QAYBAHEEDA IYO ADEEG BIXIYEYAASHEEDA, AMA MID KAMID AH SARAAKIISHEEDA, AGAASIMEYAASHEEDA, WAKIILADEEDA, SHAQAALAHEEDA, LA TALIYEYAASHEEDA, TALO BIXIYEYAASHEEDA AMA CID MATALAYSA, AY MAS'UUL KA NOQONAYAAN (A) CADDAD KASTA OO KA BADAN QIIMAHA WADARTA KHIDMADDA AAD U BIXISAY ADEEGGA AH UJEEDKA SABABTA HOWSHA INTA LAGU JIRO LABA IYO TOBANKA (12) BILLOOD EE KA HORAYSA KHASAARAHA KA DHALANAYA AMA (B) WAX KASTA OO AH FAA'IDOOYIN LA LUMIYAY, HOOS U DHACA QIIMAHA AMA FURSAD GANACSI, KHASAARE KASTA, WAXYEELO KASTA, MUSUQMAASUQ AMA JABINTA XOGTA AMA HANTI KASTA OO AAN LA TAABAN KARIN AMA KHASAAROOYIN GAAR AH, DHACDO AHAAN AH, DADBAN, AAN LA TAABAN KARIN, AMA ISDABA SOCOTA, HADDII AY KU SALAYSNAAN LAHAYD QANDARAAS, HESHIIS, DAYACAAD, MAS'UULIYAD ADAG, AMA HADDII KALE, KA DHALANAYSA SI LA XIRIIRTA ISTICMAAL LA FASAXAY IYO MID AAN LA FASAXIN OO AH GOOBTA AMA ADEEGYADA, AMA HESHIISKAAN, XATAA HADDII WAKIIL AAN LOO FASIXIN OO KA SOCDA PAXFUL LOO SHEEGO AMA UU OGAA AMA AY AHAYD IN UU OGAADO SUURTA GALNIMADA WAXYEELOOYINKAAS, IYO IN AYSAN XAMBAARAYN GUULDARRADA WAXKASTA OO LAGU HESHIIYAY AMA XAL KALE OO AH UJEEDDADIISA DHABTA AH, MARKA LAGA REEBO HEERKA ILLAA GO'AAN MAXKAMADEED OO KAMA DANBAYS AH KAASOO AH IN WAXYEELOOYINKAAS AY KA DHASHEEN DAYACA GUUD EE PAXFUL, BEEN ABUUR, DHAQAN XUMO KU TALA GAL AH AMA KU XADGUDUB KAS AH OO DHANKA SHARCIGA AH. QAAR KAMID AH MAAMULADU MA OGOLA IN LAGA SAARO AMA LA XADDIDO WAXYEELOOYINKA DHACDADA AH AMA ISDABA SOCDA, SIDAA DARTEED XADDIDAADAHA KORE WAXAA DHICI KARTA IN AYSAN KU KHUSAYN.
    3. Ma lihin mana maamulno baratokoolka softiweerada kamidka ah kuwaas oo maamula shaqada Hantida Casriga ah. Guud ahaan, hanaanada kamidka ah waa ilo furan, qofkasta ayaan isticmaali kara, minguurin kara, wax ka badali kara, qaybina kara. Ma qaadanayno wax mas'uuliyad ah oo ah shaqada hanaanada kamidka ah mana awoodno in aan damaanad qaadno shaqada ama amaanka shaqooyinka shabakadda. Si gaar ah, hanaanada kamidka ah waxay wajihi karaan wax ka badalo degdeg ah oo ku saabsan shuruucda shaqada (waxaa kamid ah “forks”). Isbadel kasta oo lagu sameeyo qalabka shaqada oo noocaan ah waxaa uu si qalab ahaan ah u saamayn karaa helitaanka, qiimaha, shaqada, iyo/ama magaca lacagta casriga ah ee noocaas ah. Paxful ma maamusho wakhtiyaynta iyo qaybaha isbadaladaan qalabka shaqada ah. Waa mas'uuliyaddaada in aad is ogaysiiso isbadalada shaqada ee soo socda waana in aad si taxaddar leh uga fikirtaa macluumaadka sida furan loo heli karo iyo macluumaadka ay Paxful kusiin karto kuwaas oo aad uga go'aan qaadanayso in aad sii waddo isticmaalka Adeegga iyo inkale. Marka ay dhacaan isbadalada shaqada ee noocaas ah, Paxful waxay xaq u leedahay in ay qaaddo talaabooyinka noocaas ah kuwaas oo lagama maarmaan u noqon kara ilaalinta amaanka iyo badqabka shaqooyinka eebarteeda, kuwaas oo ay kamid yihiin hakinta kumeelgaarka ah ee shaqooyinka lacagta(gaha) casriga ah ee ku lugta leh, iyo talaabooyinka kale ee lagama maarmaanka ah. Paxful waxay isticmaali doontaa talaabooyin macquul ah si ay kuu siiso ogaysiiska jawaabteeda wax kasta oo isbadal dhanka shaqada qalabka ah; sikastaba ha ahaatee, isbadaladaasu waa kuwo ka baxsan maamulka yaga waxayna ku dhici karaan ayada oo uusan jirin ogaysiiska Paxful. Jawaabta yada isbadal kasta oo qalabka shaqada ah ayaa ah go'aanka kali noo ah waxaana kamid ah go'aansiga in aanaan taageerin waxkasta oo ah fork(qalab) cusub ama howlo kale. Waxaad garwaaqsan tahay aadna aqbalaysaa khataraha isbadelada shaqooyinka ee hanaanada Hantida Casriga ah waxaadna aqbalaysaa in Paxful aysan mas'uul ka ahayn isbadalada shaqo ee noocaas ah aysana u qoolnayn khasaare kasta oo dhanka qiimaha ah oo aad wajahdo kaasoo ka dhasha shuruucda isbadelada shaqada ee noocaas ah. Waxaad garwaaqsan tahay aadna abalaysaa in Paxful ay leedahay go'aanka kaliya ee ku go'aansanayso jawaabteeda isbadal kasta oo dhanka shaqada ah iyo in aanaan lahayn mas'uuliyadda aan kugu caawinayno lacagaha aanaan ku shaqayn ama hanaanada.
    4. Marka aad isticmaalayso adeeggeena, waxaad dib u eegi kartaa waxyaabaha kujira ama waxaad ka faa'idaysan kartaa Adeegyada ay ku siinayso qaybta saddexaad, kuwaas oo ay kujiraan lifaaqyada (hyperlinks) aad ku galayso webseedyada qaybta saddexaad iyo adeegyada qaybaha noocaas ah (“3rd macluumaadka qaybta”). Ma meelmarinayno, ma qaadanayno, mana maamulayno waxkasta oo kamid ah 3rd macluumaadka qayb mana qaadi doono mas'uuliyadda umana qoolnaan doonno macluumaadka qaybta ee noocaas ah 3rd waxkastaba ha noqotee. Intaa waxaa dheer, howlahaaga ama isku duba ridkaaga qaybaha saddexaad ee noocaas ah waxay kaliya oo u dhexeeyaan adiga iyo qaybaha saddexaad. Mas'uul kama nihin umana qoolnin khasaare kasta ama waxyeelo kasta nooc kasta oo ay tahay taasoo kaasoo gaarta howlaha noocaas ah waxaadna fahamsan tahay in isticmaalkaaga 3rd macluumaadka qaybta, iyo la howlgaliddaada qaybaha saddexaad, ay kaliya yihiin khataro adiga kuu gaar ah.
    5. Si looga fogaado shaki, Paxful ma bixiso maalgalin, canshuur, ama talo dhanka sharciga ah. Paxful kama diiwaangashana Guddiga Amaanka iyo Wax isdhaafsiga ee Maraykanka mana bixiso adeegyo dhanka amaanka ah ama talo dhanka maalgashiga ah. Dhammaan xawilaadaha la isu marinayo Goobta suuqa waxaa loo samaynayaa si isdhaafsi dadka isku adeegga bixiya ah taasoo u dhexaysa Iibiyaha iyo Iibsadaha adiga oo kaliya ayaana mas'uul ka ah go'aansiga in wax maalgashi ah, istiraatiijiyad maalgashi ama xawilaado la xiriira ay yihiin kuwo kugu habboon adiga oo ku salaynaya ujeedooyinkaaga maalgashi, xaaladahaaga dhaqaale iyo dulqaadka khatarta. Waa in aad la tashato la xirfadlahaaga dhanka sharciga ama canshuurta si khusaysa xaaladdaada gaarka ah. Wakhti kaddiba, waxaa laga yaabaa in aan kusiino macluumaad cilmi ah oo ku saabsan barta yada iyo wax soo saarada yada, si looga caawiyo isticmaaleyaasha barashada wax badan oo ku saabsan Adeegyada yada. Macluumaadka wxaa kamid noqon kara, laakiin aan ku ekayn, qoraalada lasoo dhigo bogogga, qoraalada, lifaaqyada lagu gali karo 3rd macluumaadka kooxda, wararka socda, barista, iyo muuqaalada. Macluumaadka lagu bixinayo Webseedka ama goobaha qaybaha saddexaad ee kale kuma jirto talo dhanka maalgashiga ah, talo dhanka dhaqaalaha ah, talo dhanka ganacsiga ah, ama nooc kale oo talo ah, mana ahan in aad ula macaamisho wax kasta oo Webseedka kujira noocaas. Kahor inta aadan samayn go'aan aad ku iibsanayso, isaga iibinayso ama aad kusii haysanayso Hanti Xasri ah, waa in aad dadaalkaaga kaaga aadan ku bixisaa lana tashataa lataliyeyaashaada dhanka dhaqaalaha kahor inta aadan samayn wax go'aan maalgashi ah. Paxful ma qaadayso mas'uuliyadda go'aanada aad samayso si ad u iibsato, isaga iibiso, ama aad u haysato Hantida Casriga ah ayada oo lagu salaynayo macluumaadka ay bixiso Paxful.
    6. Waxaad aqbalaysaa in aanaan mas'uul ka ahayn wax kasta oo ah sicir barar dhanka qiimaha ah oo ku yimaada Hantida Casriga ah. Marka ay dhacdo dhibaato dhanka suuqa ah ama dhacdo Aan Waxba laga qaban karin (sida lagu faahfaahiyay Farqada 17), waxaan sameyn karnaa mid ama ka badan waxyaabaha soo socda: (a) joojinta galitaanka Adeegyada; ama (b) in aan kaa horistaagno dhammaystirka howlo kasta oo aad ka samaynayso Adeegyada. Mas'uul kama noqon doono khasaarooyin kasta oo kaasoo gaara ayaga oo ka dhalanaya howlahaas oo kale. La socoshada dhacdooyinkaas oo kale, marka Adeegyadu dib u bilowdaan, waxaad garowsan tahay in qiimeyaasha suuqa ee awoodda badan ay si weyn uga duwanaadaan qiimeyaashii ka horeeyay dhacdada noocaas ah.
    7. Ma samaynayno wax damaanad qaad ah oo ah in Webseedka, ama seefarka diyaarinaya, aysan lahayn wax fayras ah ama cillado ah, in waxyaabaha kujiraa ay yihiin kuwo sax ah, in ay noqon doonaan kuwo aan wax dhibaato ah soo wajihin, ama in cilladaha la sixi doono. Mas'uul kaagama noqon doono umana qoolnaan doono khasaare kasta noocuu doono ha noqdee, oo kaasoo gaara ficil aad qaaday, ama aad qaaday adiga oo isku halaynaya waxyaabo, ama macluumaad, kujira Webseedka.
  6. SII DAYNTA PAXFUL IYO MAGDHOWGA

    1. Haddii uu khilaaf kaala dhaxeeyo mid kamid ah ama kuwa badan oo ah isticmaaleyaasha Adeegyaga, waxaad ka fasaxaysaa Paxful, qaybaheeda iyo adeeg bixiyeyaasheeda, iyo mid kasta oo kamid ah saraakiisheeda ama saraakiishooda ku shaqada leh, agaasimeyaasha, shaqaalaha, wakiilada iyo mataleyaasha, mid kasta oo kamid ah ama dhammaan sheegashooyinka, baahiyaha iyo waxyelooyinka (kuwo dhab ah iyo kuwo daba socda) oo ah nooc kasta iyo dabeecad kasta kuwaas oo ka dhalanaya ama si kale ula xiriira khilaafka noocaas ah. Waxaad aqbalaysaa in aad magdhowdo aadna wax danbi ah u qabsan Paxful, qaybaheeda iyo midkasta oo kamid ah saraakiishooda ama saraakiisheeda ku shaqada leh, agaasimeyaasha, shaqaalaha, wakiilada, iyo mataleyaasha, kaasoo ku saabsan sheegasho ama baahiyo kasta (ay kamid yihiin khidmadda garyaqaanka iyo ganaax kasta, khidmad ama ciqaab ay soo rogto hay'ad maamul) taasoo ka dhalanaysa ama la xiriirta jabintaada Heshiiskaan ama ku xadgudubkaaga wax kasta oo ah sharci, xeer ama nidaam, ama xaquuqaha qaybta saddexaad.
  7. XAWILAADAHA IYO GOOBTA SUUQA PAXFUL

    Webseedku wuxuu u ogolaanayaa isticmaalayaasha in ay dalbadaan yabooh si ay u iibsadaan ama iskaga iibiyaan Hantida Casriga ah.

    Marka isticmaaluhu bilaabo xawilaadda soo iibsiga ama iska iibinta Hantida Casriga ah, xawilaadda waa la dhammaystirayaa si waafaqsan Heshiiskaan iyo xeerarka dheeraadka ah, haddii ay jiraan, kuwaas oo uu faahfaahiyay isticmaaluhu ama dhigga isticmaalaha. Hagitaan talaabo-talaabo ah oo ku saabsan iibsiga iyo iska iibinta Hantida Casriga ah ee ka dhacaysa Goobta suuqa Paxful ayaa laga heli karaa halkaan https://support.paxful.com/support/solutions/150000191612.

    Xeerarka guud ee soo socda ayaa qabanaya midkasta oo kamid ah xawilaadaha hoos ku faahfaahsan:

    1. Iibsiga Hantida Casriga ah ayada oo la codsanayo yabooh.

      Marka Hanti Casri ah laga iibsanayo Goobta suuqa Paxful:

      1. Majiraan khidmado loogu tala galay Dalaalka Paxful kuwaas oo qayb ka ah xawilaad laga rabo in ay bixiyaan Iibsadeyaasha kujira Goobta yada suuqa.
      2. Yaboohyada ka imaanaya Paxful dhiggeeda waxay wataan xeerarkooda u gaarka ah iyo shuruudahooda yabooh kastana waxa uu noqon doonaa mid gaar uleh qiimahiisa is dhaafsiga, xawaaraha isdhaafsiga, iyo xeerarka iyo shuruudaha kale ee uu soo rogo Iibiyuhu. Marka aad aqbasho dalabka Iibiyaha waxaad aqbalaysaa in ay ku qabtaan xeerarka iyo shuruudaha dalabkaas. Xeerarka iyo shuruudaha uu caddeeyay Iibiyuhu waa kuwo shaqaynaya markasta marka laga reebo marka ay ka horyimaadaan ama ay ku xadgudbaan Heshiiskaan, ay yihiin kuwo sharci darro ah, ay yhiin kuwo aan macquul ahayn ama haddii kale ay adag tahay in loo hogaansamo (sida lagu go'aamiyay go'aanka kaliga u ah oo cad e Paxful), ama labada isticmaale ee xawilaaddu ku heshiiyaan in ay wax ka badalaan xeerarka iyo shuruudaha dalabka noocaas ah. WAA MAS'UULIYADDAADA IN AAD SI TAXADDAR LEH U AKHRISO XEERARKA IYO SHURUUDAHA IIBIYAHA, SI SAX AHNA AAD U RAACDO. HADDII AADAN RAACIN XEERARKA IYO SHURUUDAHA, LACAG BIXINTAADA LAMA AQBALI DOONO.MARNA HA GUDBIN LACAG BIXIN IN AAD RAACDO DHAMMAAN XEERARKA IYO SHURUUDAHA DALABKA KU QORAN MAAHANE. HADII AAD GUDBISO LACAG BIXIN ADIGA OO AAN RAACIN XEERARKA IYO SHURUUDAHA, PAXFUL KAAMA CAAWIN KARTO HANAANKA KHILAAFKA SI AAD DIB UGU SOO CESHATO LACAG BIXINTAADA.
      3. Xaqiijinta lacag bixinta iyo bixinta tilmaamaha si loo furto Hantida Casriga ah ee ka imaanaysa Dalaalka Paxful waa waajibaad kali u ah Iibiyaha amana ahan mid Paxful dul saaran. Haddii Iibiyuhu uusan kuusoo dayn Hantida Casriga ah marka aad si sax ah u dhammaystirto xeerarka iyo shuruudaha Iibiyaha, isla markaba arinta ku wargali adiga oo isticmaalaya batoonka khilaafka ee loogu tala galay kaasoo kujira macluumaadka xawilaadaas gaarka ah. Taageerada Paxful ayaa dib u eegi doonta oo xalin doonta khilaafka. Hanaanka xalinta khilaafka waxaa si dheeraad ah loogu faahfaahiyay “Farqada 8 - Khilaafka Xawilaadaha Ayada oo la isticmalayo Hanaanka Xalinta Khilaafaadka Paxful.” Haddii aadan raacin hanaankaan xalinta khilaafaadka, Paxful ma awoodi doonto in ay arinkaan kaa caawiso.
    2. Iibinta Hantida Casriga ah

      Marka Hantida Casriga ah ku gadayso Goobta suuqa Paxful:

      1. Iibiyeyaashu waa in ay xaqiijiyaan ayna diyaariyaan lacag bixinta caddad wakhti ah oo ku filan, iyo tiro wakhti cayiman gudihiis sida ku cad xeerarka dalabka. Marka Iibsaduhu kuusoo gudbiyo lacag bixin si waafaqsan xeerarka dalabka, waa waajibkaaga iyo mas'uuliyaddaada adiga kuu gaarka ah in aad si dhakhso ah u xaqiijiso aadna u diyaariso lacag bixinta kaddibna aad furato Hantida Casriga ah ee kaaga imaanaysa Dalaalka Paxful aadna usii dayso Iibsadaha. Haddii aadan raacin tilmaamaha dalabka, waxaa laga yaabaa in aadan xaq u yeelan in aad Hantidaada Casriga ah ee xiran.
      2. Iibiye ahaan waxaad aqbalaysaa dhammaan khataraha iyo mas'uuliyadaha ku xadgudub kasta oo Heshiiskaan ah kaasoo gaara iibinta Hantida Casriga ah. Dhammaan canshuuraha lagaa rabo in aad bixiso waa mas'uuliyaddaada. Paxful waxay ku dulsaaraysaa khidmad maadaama aad tahay Iibiyaha Hantida Casriga ah taasoo ah xiritaanka Hantida Casriga ah ee kujirta Dalaalka Paxful ee la iibinayo. In si kale loo go'aamiyo maahane go'aanka u gaarka ah ee cad ee Paxfu, Paxful ma magdhabayso khasaare kasta oo Iibiyaha soo gaara haddii ay sabab u tahay ku xadgudubka Heshiiskaan, been abuurka iyo si kaleba khidmadda yadana lama celinayo xaalad kasta oo jirta.
      3. Lacag bixin kasta oo aad hesho waa in si buuxda loo diyaariyo loona xaqiijiyo in aad adigu heshay kahor inta aadan furin Hantida Casriga ah ee ka imaanaysa Dalaalka Paxful. Paxful mas'uul kama ahan khasaarahaaga haddii aad si aan dhammaystirnayn u furato Hantida Casriga ah kahor inta aan lacag bixinta si sax ah loo xaqiijin aadna adigu heshay. Waa in aad ahaataa mid u soo jeeda una jawaabaya Iibsadahaaga. Waa in aad xirtaa dalab kasta oo ah mid aan shaqaynayn.
      4. Xayaysiis kasta oo kujira webseedkaaga qayb kasta oo kamid ah Goobta suuqa Paxful (sida taariikh nololeedkaaga, xeerarka dalabka ama macluumaadka xawilaadda) taasoo fududaynaysa iibsiga ama iibsiga Hantida Casriga ah ee ka baxsan Adeegyada Paxful waa mid si adag loo mamnuucayo. Xaaladaha xaddidan, waa mid la ogolyahay in aad la wadaagto websaytkaaga kaas oo si kali ah loogu sameeyay Iibiyaha si uu u helo lacag bixin si loo dhammaystiro xawilaadda (sida qaybta saddexaad ee la aaminayo diyaarinta kaarka daynta/amaahda) ee kujira tilmaamaha xawilaadda; ayada oo ay shardi tahay in websaytyada banaanka ah ee noocaas ah lagu caddeeyay xeerarka dalabka websaytyada noocaas ahna waa in aysan kujirin wax kale oo xayaysiis ah ama macluumaadkaaga xiriirka.
    3. U hogaansamidda

      1. Paxful iyo Adeegyada qayb kama ahan xiriirna lama lahan, ma dhaqan galiso mana maalgaliso qayb saddexaad, taasoo ay kamid tahay laakiin aan ku koobneyn bixiye kasta oo kaarka hadiyadda ah. Summad ganacsiyeedka loogu tala galay, sumadaha, iyo aqoonsiyada kale waa hanti u gaar ah mulkiileyaashooda. Paxful iyo Adeegyadeeda ma meelmariyaan, ma maalgaliyaan, xiriir lama lahan qaybna kama ahan si kasta oo ay noqotaba ama mulkiileyaashaas.
      2. Paxful ma ahan ganacsade kaarka hadiyadda ah oo sharciyaysan ama dalaalka nooc kamid ah bixiyaha kaarka hadiyadda. Wax kasta oo ah kaararka hadiyadda oo aad si toos ah uga hesho isticmaale isticmaalaya Goobta suuqa Paxful waxaa qabanaya xeerarka iyo shuruudaha ganacsadaha qaybta saddexaad ah taasoo ay tahay mid lala soo bixi karo (“Soo saaraha”). Paxful mas'uul kama ahan ficilada ama ka tagidda bixiye(yaal) kasta, ama khidmad kasta, taariikhaha dhicitaanka, ganaaxyada ama xeerarka iyo shuruudaha la xiriira kaarka hadiyadda Bixiyaha ee la helay ayada oo la isticmaalayo Goobta suuqa Paxful. Marka aad kaarka hadiyadda ka hesho isticmaale, waxaad garawsan tahay in aad akhriday xeerarka iyo shuruudaha kaarka hadiyadda, aadna usoo bandhigtaa Paxful in aad xaq u leedahay in aad isticmaasho kaarka hadiyadda noocaas ah adiga oo raacaya xeerarka iyo shuruudaha Bixiyaha kaarka hadiyadda, ama sharciga ku shaqada leh.
      3. DILAALIDDA AMA DIB U IIBINTA KAARARKA HADIYADDA WAA MID SI ADAG LOOGA MANUUCAY WEBSEEDKEENA IYO GOOBTA SUUQA. WAA IN AAD AHAATAA MULKIILAHA XAQA AH EE KAARKA HADIYADDAIYO CODSIGA PAXFUL NA WAXAAD AQBALAYSAA IN AAD SIISO PAXFUL CADDAYN SAX AH OO AH MULKIILENIMADAADA KAARKA HADIYADDA (SIDA BOONADA). PAXFUL MA SAMAYNAYSO WAX DACWO AH, MATALAAD AMA DAMAANAD AH IN QAAB KASTA OO LACAG BIXIN QAYBTA SADDEXAAD AH OO KUJIRTA WEBSEEDKA UU U OGOLAADO XAWILAADAHA AYADA OO LA ISTICMAALAYO ADEEGGA PAXFUL, AMA IN QAABAB KAMID AH LACAG BIXINTA QAYBTA SADDEXAAD EE KUJIRTA TAAGEERADA WEBSAYTKA YAGA AMA AY UU TAAGEERO ADEEGGA YAGU. WAA IN AADAN LA ISTICMAALIN QAABKA LACAG BIXINTA QAYBTA SADDEXAAD EE NOOCAAS AH PAXFUL HADDII AYSAN QAYBTA SADDEXAAD EE NOOCAAS AH AYSAN OGOLAAN
      4. WAXAAD SI BUUXDA MAS'UUL UGA TAHAY IN AAD U HOGAANSANTO DHAMMAAN SHURUUCDA IYO NIDAAMYADA MAAMULKA(LADA) KUWAAS OO XAWILAADAHAAGU KA DHACAYAAN.
      5. Dhammaan xawilaaduhu waa in ay ka dhex dhacaan Paxful. In la geeyo xawilaadaha meel ka baxsan barta Paxful ama ku kala badalashada tafaasiisha banaanka ah waa kuwo si adag loo mamnuucay.
    4. Xanibaadaha Wareejinta. Waxaa laga yaabaa in aan, anaka oo isticmaalayna go'aankeena anaka gaarka noo ah, aan kusoo rogno xanibaado baaxadda, nooca, ama qaabka nooc kasta oo ah xawilaad la soo jeediyay, sida xanibaadda ku saabsan wadarta caddadka Hantida Casriga ah ee laga yaabo in loosoo dhigo iib ahaan.
    5. Ma jirto Damaanad. Paxful ma damaanad qaadayso in aad awoodi doonto in aad ku iibiso Hantida Casriga ah Goobteeda suuqa. Howsha iibsashada ama iska iibinta Hantida Casriga ah ayada oo la isticmaalayo Goobta suuqa Paxful ma damaanad qaadayso in aad awoodi doonto in aad iibsato ama iska iibiso Hantida Casriga ah adiga oo adeegsanaya Goobta suuqa ah hadhow.
    6. Xiriirka. Majiraan wax kujira Heshiiskaan oo loogu tala galay ama abuuri doona wax iskaashato ah, ganacsi isku xiran, hay'ad, wadatashi ama is aaminaad, adiga iyo Paxful waxaad u ahaanaysaan midba midka kale qandaraasle madax banaan.
    7. Sax ahaanshaha Macluumaadka. Waxaad muujinaysaa aadna damaanad qaadaysaa in macluumaad kasta oo aad ku bixiso Adeegga uu yahay mid sax ah oo dhammaystiran. Waxaad aqbalaysaa aadna garowsanaysaa in Paxful aysan mas'uul ka ahayn khalad kasta ama ka tagid kasta ee aad samayso taasoo xiriir la leh xawilaad kasta oo lagu sameeyo Adeegyada dhexdooda, tusaale ahaan, haddii si khaldan u qorto ciwaanka Kiishadda ama haddii kale aad bixiso macluumaad aan sax ahayn. Waxaan si adag kuugu dhiirigalinaynaa in aad dib u eegto tafaasiishaada xawilaadda si taxaddar leh kahor inta aadan ku dhammaystirin Adeegyada.
    8. Majirto Joojin ama Wax ka badelo; Howlaha Kiishadda. Marka tafaasiisha xawilaadda loosoo gudbiyo shabakadda lacagta casriga ah ayada oo la isticmaalayo Adeegyada, Paxful kuguma caawin karto joojinta ama haddii kale wax ka badalidda xawilaaddaada. Paxful wax maamul ah kuma lahan wax shirkad lacagaha casriga ah mana lahan awoodda ay ku fududaynayso wax codsi ah oo joojin ah ama wax ka badalid ah. Paxful ma kaydinayso mana haynayso wax kasta oo ah Hantida Casriga ah oo xiran. Hantida Casriga ah waxaa had iyo jeer lagu diiwaan galiyaa shabakadahooda ku shaqada leh ama ururada isku xiran. Dhammaan xawilaadaha lacagaha casriga ah waxay ka dhex dhacaan shabakad lacagaha casriga ah, kama dhacaan Paxful. Majiraan damaanado ah in xawilaaduhu ay ka dhici doonaan shabakadda lacagta casriga ah. Paxful waxay xaq u leedahay in ay diido in ay diyaariso xawilaad kasta haddii sharcigu u baahan yahay ama haddii aan u aragno in xawilaaduhu kasoo horjeedaan xeerarka iyo shuruudaha Heshiiskaan. Waxaad aqbalaysaa aadna garowsan tahay in aad qaadato mas'uuliyadda buuxda ee dhammaan hawlaha soo hoos galaya Kiishaddaada aadna aqbasho dhammaan khataraha galitaanka la ogolyahay ama kan aan la ogolayn ee lagu samaynayo Kiishaddaada, ilaa heerka ugu sareeya ee uu sharcigu ogolyahay.
    9. Canshuuraha. Waa mas'uuliyaddaada in aad go'aan ka gaarto waxa ay yihiin, haddii ay jiraan, canshuuro laga rabo xawilaadahaaga kuwaas oo aad tafaasiisha xawilaadda kusoo gudbisay Adeegyada, waana mas'uuliyaddada in aad kasoo warbixiso aadna u dirto canshuurta saxda ah maamulka canshuurta ee saxda ah. Waxaad aqbalaysaa in Pxaful aysan mas'uul ka ahayn go'aansiga in canshuuruhu ku waajibeen xawilaaddaada lacagta casriga ah ama aruurinta, ka warbixinta, haynta ama diridda wax kasta oo canshuur ah oo ka imaanaya xawilaadaha lacagaha casriga ah.
    10. Sharafta Isticmaalaha. Marka aad samayso xawilaad, waxaan u ogolaanaynaa isticmaaleyaasha kale in ay bixiyaan jawaab celin ku saabsan sida ay kuula falgaleen. Waxaan sidoo kale isticmaaleyaasha u oggolaanaynaa in ay gudbiyaan warbixino haddii isticmaaluhu rumaysto in aad ku xadgudubtay Heshiiskaan qaab kasta ha noqotee. Warbixinadaanu waa kuwo qarsoon, laakiin waxaa dhici karta in aan u isticmaalno si xariir la leh muran sida ku faahfaahsan Farqada 8.
    11. Taariikhda Xawilaadda. Waxaad dib u eegi kartaa taariikhdaada hore ee xawilaadda ee ka baxday koontadaada. Waxaad aqbalaysaa in ku guuldarraysiga Adeegyada in ay bixiyaan xaqiijinta noocaas ah aysan khatar galinayn ama aysan baabi'inayn xeerarka xawilaaddaas.
    12. Paxful Pay. Paxful waxay u oggolaatay ganacsato gaar ah in ay aqbalaan in Paxful ay u noqoto qaab ay lacagta ku bixiyaan si ay u iibsadaan badeecooyinka iyo adeegyada si oonleen ah (“Ganacsatada loo Ogolaaday”). Waxaad lacag u diri kartaa Ganacsade la Ogolaaday adiga oo dooranaya xulashada “Paxful Pay”(“Ku bixi Paxful”) ee laga heli karo barta xaqiijinta ama wakhtiga lacag bixinta. Paxful Pay waxay kugu duwi doontaa Goobtayada suuqa si aad u gasho Hantida Casriga ah ee u diyaarsan koontadaada ama laguugu xiro Iibiye. Haddii aad Hantida Casriga ah ka iibsato Iibiye si aad u dhammaystirto xawilaadda, xeerarka kor ku qoran ee Farqada 7.1 ee Heshiiskaan ayaa qabanaya.
    13. Badeecadaha Ganacsadaha. Paxful mas'uul kama ahan wax kasta oo ah badeecooyin ama adeegyo aad ka soo gadato Ganacsade la Ogolaaday (Authorized Merchant) adiga oo isticmaalaya koontadaada ama wax soo saarka Paxful Pay. Haddii uu muran kaala dhexeeyo mid kamid ah Ganacsatada la Ogolaaday, waa in aad si toos ah muranka isula xalisaan Ganacsadahaas la Ogolaaday.
    14. Faa'idooyinka, Dib u maalgalinta. marka aad badeecooyin ama adeegyo ka iibsato qaybta saddexaad adiga oo isticmaalaya koontadaada, waa kama danbays. Ma diyaarino dib u maalgalin iyo faa'ido toona. Ganacsadaha la Ogolaaday ayaa laga yaabaa in uu ku siiyo faaido, kaarka kaydka ama kaarka hadiyadda taasoo ah go'aan asaga u gaar ah waafaqsanna siyaasadihiisa.
    15. Paxful waxay khidmad ku dalacaysaa Adeegyada, khidmadaha lagaa rabo waa laguu soo bandhigayaa ayada oo la isticmaalayo wax kasta oo Adeeg ah oo khidmadda laga rabo. Eeg “Khidmadaha Paxful” si aad u hesho tafaasiil dheeraad ah. Khidmadaheenu waa kuwo la badali karo Paxful na waxay xaq u leedahay in ay diyaariso qiimaheeda khidmaddeeda wakhti kasta.
  8. MURANKA XAWILAADAHA AYADA OO LA ADEEGSANAYO HANAANKA XALINTA MURANADA EE PAXFUL

    1. Muranka Xawilaadaha. Xaaladaha intooda badan, qaabka ugu fudud ee muran lagu xalin karo waa wada xiriiridda Iibsadaha iyo Iibiyaha, in ay wadashaqeeyaan si ay u xaliyaan wixii dhacay, ayna isugu yimaadaan xal ay isku waafaqi karaan. Marka Iibsadaha iyo Iibiyuhu aysan isugu imaan karin xal ay isku waafaqi karaan, kooxda taageerada Paxful (“Paxful Support(Taageerada Paxful)”) ayaa gacan ka gaysan karta. Qaybaha midkood ayaa bilaabi kara hanaanka xalinta muranka (“disputed transaction(xawilaadaha lagu muransan yahay)” ama “dispute(muran)”) si waafaqsan xawilaadda. Muranada waxaa kaliya laga bilaabi karaa xawilaad muujinaysa in si buuxda uu u bixiyay Iibsaduhu. Xawilaadaha aan u muuqan in si buuxda uu u bixiyay Iibsaduhu, uu joojiyay Iibsaduhu, si iskood ah isu joojiyay ayada oo ay sabab u tahay in wakhtigii loogu tala galay ee ku qornaa dalabka uu ka dhacay, horey loogu murmay loona xaliyay ama halka Iibiyhu uu soo fasaxay Hantida casriga ah Iibsadaha guud ahaan laguma murmi karo, lama celin karo, waxana lagama badali karo.
    2. Dispute Resolution Process(Hanaanka Xalinta Muranada).Hoos waxaa ah tallaabooyinka ay Taageerada Paxful(Paxful Support) qaadayso markii uu muran dhaco.

      1. Bilaabidda

        Waxaad bilaabi kartaa muran adiga oo galaya Koontadaada Paxful, adiga oo furaya xawilaadda aad jeceshahay in aad muran galiso kaddibna dooranaya batoonka “dispute”(“muran”). Batoonka “dispute”(“muran”) waxaa kaliya oo uu u muuqanayaa in uu yahay mid shaqaynaya haddii xawilaadda lagu calaamadeeyay in ay tahay mid si buuxda uu Iibsaduhu u bixiyay. Marka aad bilowdo muran, waxaad ka dooran doontaa nooca muranka xulashooyinka laguu soo bandhigayo waxaadna faahfaahinaysaa arimaha sababta u ah murankaaga.

        Xulashooyinka laguu soo bandhigayo in aad ku faahfaahiso murankaaga haddii aad Iibiye tahay waa sida soo socota:

        • Shilin xire (Coinlocker) (sida Iibsade aan jawaabayn) – Iibsaduhu wuxuu muujiyay in xawilaadda si buuxda loo bixiyay, laakiin ma ahan mid jawaabaya waana mid aan shaqaynayn.
        • Arin ku saabsan laacag bixin – Iibsaduhu waa mid shaqaynaya wuxuuna isku dayay in uu bixiyo, laakiin arimo ayaa kajira lacag bixinta.
        • Mid kale – xulasho furan oo aad ku faahfaahin karto waxa uu yahay arinka dhaliyay muranka. Iibsaduhu wuxuu awoodi doonaa in uu arko faahfaahintaada.

        Xulashooyinka laguu soo bandhigayo in aad ku faahfaahiso murankaaga haddii aad Iibsade tahay waa sida soo socota:

        • Iibiye aan jawaab bixinayn – waad bixisay lacagtii, laakiin Iibsaduhu waa mid aan jawaabayn oo aan shaqaynayn.
        • Arin ku saabsan lacag bixin – waxaad samaysay lacag bixintii, laakiin Iibiyuhu wuxuu sheeganayaa in arimo kajiraan lacag bixinta wuxuuna diiday in uu kuu soo daayo Hantida Casriga ah.
        • Mid kale – xulasho furan oo aad ku faahfaahin karto waxa uu yahay arinka dhaliyay muranka. Iibiyuhu wuxuu awoodi doonaa in uu arko faahfaahintaada.
      2. Ogaysiiska

        Marka muran lasoo gudbiyo, Taageerada Paxful waxay qaybta siin doontaa ogaysiis ayada oo ugu soo diraysa iimayl iyo ayada oo fariin uga soo diraysa qaybta wadasheekaysiga xawilaadda kuwaas oo ay Iibsadaha iyo Iibiyuhu ka heli karaan Goobta suuqa taasoo ku wargalinaysa qaybtaas in muran la bilaabay. Haddii mid kamid ah xawilaadahaaga muran la galiyo, Taageerada Paxful waxay kuu sheegi doontaa midda ay tahay xawilaadda lagu muransan yahay iyo sababta xawilaadda muranka loo galiyay.

      3. Jawaab

        Dib u eeg muranka oo sii Taageerada Paxful sharaxaadda waxa dhacay. Ku dar caddayn kasta oo aad haysato si aad u taageerto sharaxaaddaada, sida caddaynta lacag bixinta, caddaynta mulkiilenimada ama caddaynta in aad heshay ama aadan helin lacag bixinta.

      4. Dib u eegista Paxful

        Xawilaadaha lagu murmo waxaa baari doona Taageerada Paxful go'aankana waxaa loo samayn doonaa si ku salaysan caddayn ay bixiyaan labada qayboodba. Taageerada Paxful waxay xalinaysaa muranada ayada oo qiimaynaysa qodobo badan sida ku faahfaahsan Farqada 8 aad ee hoose.

    3. Dib u eegista Muranka. Inta lagu jiro dib u eegista muranka, Taageerada Paxful waxay kusiin kartaa tilmaamo lagaaga baahan yahay in aad raacdo. Tilmaamaha lagu siiyay waxay kaaga baahnaan karaan in aad bixiso caddayn dheeraad ah, sida xaqiijinta aqoonsiga oo dheeraad ah, caddaynta lacag bixinta, iyo caddayn ah sawir, maqal, ama muuqaal, ama dukumiinti kale ee kasta oo ay Paxful u aragto in uu khuseeyo waxaana lagaaga baahan karaa in aad ku bixiso caddaymahaas wakhti cayiman. Haddii aad ku guuldarraysato in aad raacdo tilmaamaha in muranka loo xaliyo si kaa dhan ah. Taageerada Paxful waxay sida caadiga ah ku bixin doontaa ogaysiiska go'aankeeda ayada oo isticmaalaysa qaybta wadasheekaysiga xawilaadda ee Goobta suuqa 30 maalmood gudahood laga bilaabo marka muranku soo gaaro, laakiin xaalado gaar ah dartood, intaa ka badan ayay qaadan kartaa.
    4. Unresponsiveness(Aan jawaab bixinayn). Marka aad ku lugyeelato xawilaad, waa muhiim in aad ahaato mid shaqaynaya lana heli karo laga bilaabo wakhtiga xawilaaddu bilaabatay ilaa wakhtiga xawilaaddu dhammaystirantay, la joojiyay, ama la xaliyay. Tani waxay la micno tahay in ay waajib kugu tahay in aad jawaab ka bixiso codsiga Taageerada Paxful ee ku saabsan xawilaadda lagu muransan yahay aadna ku bixiso wakhtiga ay Taageerada Paxful caddaysay haddii kale waxaa laguu arkayaa mid aan jawaab bixinayn murankana waxaa loo xalinayaa si adiga kaa dhan ah.
    5. Chargebacks.Qayb ayaa wajihi karta khataro dheeraad ah taasoo ku xiran qaabka lacag bixinta loo isticmaalay xawilaadda xataa haddii hanaanka xalinta muranka ee Paxful uu u dhaco danta qaybtaas. Hanaanka xalinta muranka ee ku qoran Heshiiskaan waa mid ka duwan xal kasta oo Iibsadaha ama Iibiyuhu ay u hayaan qaabka lacag bixinta ay isticmaaleen taasoo la xiriirta xawilaadda. Paxful waajib kuma ahan in ay bilowdo ama ay maamusho lacag soo celin mas'uulna kama ahan haddii qayb ay ka noqoto, lacagta ceshato, ama haddii kale xawilaad ay muran galiso ayada oo la adeegsanayo loo diyaariyay qaybta ee qaabka lacag bixinta loo isticmaalay xawilaadda, taasoo ay kujirto marka muranka la xiro kaddib.
    6. Dispute Resolution (Xalinta Muranka). Xawilaad lagu muransan yahay waxaa inta badan xaliya Taageerada Paxful ayada oo Hantida Casriga ah ee muranka kujirta u wareejinaysa Iibsadaha ama Iibiyaha xawaaladda lagu muransan yahay marka hanaanka xalinta muranku uu dhammaystirmo.

      Hoos waxaa ah xaaladaha la doortay ee ku siinaya faham ku saabsan sida Paxful ay u xalin karto xawilaad lagu muransan yahay. Arinkaan looguma tala galin in uu noqdo liis lagu daalayo. Xalinta muran kasta waxaa saamayn doona xaqiiqooyin gaar ah oo khuseeya muranka iyo caddaymo ay bixinayaan isticmaaleyaashu.

      Taageerada Paxful waxay muran u xalin kartaa sida uu rabo Iibsadaha kaliya marka ugu yaraan mid kamid ah shuruudaha soo socda la buuxiyo:

      • Iibiyuhu wuxuu sameeyay lacag bixin si waafaqsan tilmaamihii uu horey u siiyay Iibiyuhu si waafaqsan dalabka xawilaadda wuxuuna Iibiyuhu bixiyay caddayn ku filan oo ah in lacag bixinta uu u sameeyay si waafaqsan tilmaamaha. Waa ku xadgudubka Heshiiskaan in Iibiyuhu diido in uu dhammaystiro xawilaadda marka Iibsaduhu u buuxiyo xeerarka iyo shuruudaha Iibiyaha sida loo soo qoray xiliga uu Iibsaduhu aqbalay uuna bixiyay xawilaadda.
      • IibIYUHU waxa uu noqday mid aan jawaab bixinayn mana uusan ku bixin jawaab ku filan wakhtiga ay Taageerada Paxful ka codsatay.
      • Lacag bixinta waxaa loo sameeyay qaybta saddexaad ee xawaaladda ama lacag bixinta waxaa loo sameeyay koonto lacag bixin oo aan ku diiwaan gashanayn magaca Iibiyaha.

      Taageerada Paxful waxaa laga yaabaa in ay u xaliso muranka sida uu rabo Iibiyaha marka mid kamid ah shuruudaha soo socada la buuxiyo:

      • Iibsaduhu ma uusan bixin lacag bixin, ma bixin lacag bixin dhammaystiran ama uma bixin lacag bixinta si waafaqsan tilmaamaha horey uu u siiyay Iibiyuhu si waafaqsan dalabka xawilaadda.
      • Lacag bixinta uu samaynayo Iibsaduhu waxaa haysta, hakiyay, ama fariisiyay ama joojinaya lacag bixiyaha ama diyaariyaha. Arinkaan waxaa kamid ah xaaladaha uu iibsaduhu uu dib u celiyo ama uu ku murmo lacag bixin asaga oo isticmaalaya bangigiisa ama soo saaraha kaarka lacag bixinta.
      • Iibsaduhu waxa uu noqday mid aan jawaab bixinayn mana uusan ku bixin jawaab ku filan wakhtiga ay Taageerada Paxful ka codsatay.
      • Lacag bixinta waxaa loo sameeyay qaybta saddexaad ee xawaaladda ama lacag bixinta waxaa loo sameeyay koonto lacag bixin oo aan ku diiwaan gashanayn magaca Iibsadaha.

      Haddii Iibsadaha ama Iibiyuha xawilaadda lagu muransan yahay uu bixiyo macluumaad been abuur ah ama dukumiintiyo been abuur ah ama uu sameeyo sheegashooyin been abuur ah ama haddii kale uu isticmaalay xeelad qiyaano ah, muranka waxaa dhici karta in islamarkaaba loo xaliyo si ka dhan ah isticmaalaha noocaas ah waxaana dhici karta in koontada isticmaalahaas si dhakhso ah loo joojiyo ama loo hakiyo ayada oo ku imaanaysa kaliya go'aanka Taageerada Paxful.

      Xaaladaha qaarkood marka qaybaha midkoodna uusan buuxin shuruudaha, ama si kaleba aysan u caddayn ama aysan macquul ahayn in la go'aamiyo qaybta buuxisay shuruudaha xalinta muranka ee go'aanka u gaarka ah Paxful, Paxful waxay go'aansan kartaa in ay xaliso muranka ayada oo u qaybinaysa Hantida Casriga ah ee muranka kujirta Iibsadaha iyo Iibiyaha si is le'eg iyo si aan is le'eg kaynba.

    7. Appeal(Racfaanka). Haddii aad aaminsan tahay in Paxful ay muranka u xalisay qaab aan waafaqsanayn Heshiiskaan, waxaad xaq u leedahay in aad codsato racfaan. Si aad racfaan u codsato, waxaad u baahan tahay in aad horey noo sii ogaysiiso si qoraal ah adiga oo lasoo xiriiraya qaybta xiriirka macaamiisha ee Paxful wakhti aan ka danbayn 10 maalmood oo ka danbaysa marka lagu soo gaarsiiyo ogaysiiska go'aanka Taageerada Paxful aadna na siiso tafaasiil ku filan iyo caddaymo taageeraya kiiskaaga codsiga. Racfaankaagu waa in uu si gaar ah u tilmaamaa sida aad u aaminsan tahay in Paxful ay si aan sax ahayn ugu xalisay muranka marka la eego xeerarka Heshiiskaan aadna bixiso caddaynta go'aankaas aan saxda ahayn.

      Fadlan xasuusnow in inta lagu jiro hanaanka muranka ama guud ahaan markasta marka la isticmaalayo Adeegyadeena, waxaa kugu waajiba in aad hadalkaaga wanaajiso aadna xushmayso isticmaaleyaasha kale iyo Taageerada Paxful. Eeg guud ahaan, “Farqada 13 - Isticmaalka La mamnuucay".

    8. Finality (Gabagabaynta). Waxaad garowsan tahay aadna aqbalaysaa in go'aanka Paxful ee khuseeya muranka uu yahay mid lasoo gabagabayn karo, uuna yahay kama danbays xiran sida lagu faahfaahiyay Heshiiskaan. Paxful wax mas'uuliyad ah kuma yeelan doonto Iibsadaha ama Iibiyaha wax la xiriira go'aankeeda.
  9. KHIDMADDA ISTICMAALKA ADEEGYADA PAXFUL

    1. Samaysashada Kiishaddu waa bilaash. Paxful waxay khidmad dulsaaranaysaa Adeegyada, khidmadda laga rabo waxaa laguu soo bandhigi doonaa kahor inta aadan isticmaalin wax Adeeg ah kaasoo khidmadda laga rabo. Eeg “Paxful Fees(Khidmadaha Paxful)” si aad u hesho tafaasiil dheeraad ah. Khidmadaheenu waa kuwo la badali karo Paxful na waxay xaq u leedahay in ay wax ka badasho qiimaheeda iyo khidmadaheeda wakhti kasta.
  10. XAQ UMA LAHAN IN AY JOOJISO ADEEGYADA AMA KHIDMADAHA XAWILAADDA

    1. Haddii aad isticmaasho Adeeg khidmad ku waajibtay, ama aad bilowdo in aad xawisho lacag wadata khidmadda xawilaadda adiga oo adeegsanaya Adeegyada, xaq uma yeelan doontid in dib laguugu celiyo ama laguu magdhabo marka aad xaqiijiso in aad jeceshahay in aad horey ugu sii socoto Adeegyada ama xawilaadaha.
  11. JOOJINTA ADEEGYADA

    1. Waxaa laga yaabaa in aan, anaga oo isticmaalayna go'aankeena noo gaarka ah wax kharash ahna aan lagaa rabin, anaga bixinayna ama aan bixinayn ogaysiis horumaris ah iyo wakhti kasta, wax ka badalno ama aan joojino, si kumeelgaar ah ama kama danbays ah, qayb kasta oo kamid ah Adeegyada yada.
  12. HAKINTA AMA JOOJINTA ADEEGYADEENA IYO KOONTADA YADA; XANIBIDDA GALITAANKA KIISHADDAADA

    1. Waxaa dhici karta in aan anaga oo isticmalayna go'aankeena noo gaarka ah noona cad, si dhakhso ah aana lahayn ogaysiis horudhac ah: (a) hakino, xannibno, ama aan joojino galitaankaaga mid kamid ah ama dhammaan Adeegyada (kawaasoo ay kamid yihiin galitaanka kiishaddaada), iyo/ama (b) fariisino ama aan baabi'ino koontadaada haddii: (i) uu sidaa nooga baahdo sharciga ku shuqulka leh, maxkamadayn dhab ah, amar maxkamdeed, ama amar xiraya oo ka imaanaya maamul dowladeed; (ii) aan si macquul ah kaaga shakino in aad ama laga yaabo in aad u dhaqanto si xadgudub ku ah Heshiiskaan; (iii) isticmaalka koontadaadu waxaa ku dhici kara maxkamadayn, baaritaan, ama dacwooyin dowladeed iyo/ama waxaan rumaysanahay khatar sare oo ah u hogaansamid la'aan dhanka sharciga ama maamulka ah oo la xiriirta howlaha koontadaada; (vi) Saaxiibada yada adeegga aysan awoodin in ay taageeraan kiiskaaga; (v) aad qaaddo wax talaabo ah oo aan u aragno in ay hareer marsan tahay hanaanada yada iyo howlaha yaga ama (vi) aan u malayno in ay muhiim tahay in sidaa la sameeyo si aan u ilaalino nafta yada, isticmaaleyaasha yada, oo aad adigu kamid tahay, ama shaqaalaha yaga oo kujira khatar ama khasaare. Haddii aan adeegsano xaquuqda yada ah in aan xannibno ama aan diidno galitaankaaga Adeegyadaan, mas'uul kama noqon karno natiijo kasta oo ka dhalata diidmada yada in aan ku siino galitaanka Adeegyada, taasoo ay kamid tahay dib u dhac kasta, waxyeello ama qancin la'aan kaasoo gaarta.
    2. Haddii aan hakino ama aan xirno koontadaada, aan joojino isticmaalkaaga Adeegyada sabab kasta ha noqotee, ama aan xannibno galitaanka Kiishaddaada, waxaan isku dayi doonaa in aan ku siino ogaysiiska talaabooyinka yaga in uu jiro amar maxkamadeed maahane ama hanaan sharci oo kale kaasoo naga mamnuucaya in aan ku siino ogaysiiska noocaas ah. WAXAAD GARWAAQSAN TAHAY IN GO'AANADEENA AAN KU QAADAYNO TALAABOOYINKA QAAR, KUWAAS OO AY KUJIRAAN XANIBAADDA GALITAANKA, HAKINTA, AMA XIRISTA KOONTADAADA AMA KIISHADDAADA, LAGU SALAYN KARO SHURUUDO QARSOON KUWAAS OO LAGAMA MAARMAAN U AH MAARAYNTA YADA KHATARAHA IYO NIDAAMKA AMAANKA. WAXAAD AQBALAYSAA IN PAXFUL AYSAN WAAJIB KU AHAYN IN AY KUU KASHIFTO TAFAASIISHA MAARAYNTEEDA KHATARAHA IYO HANAANADA AMAANKA. Marka ay dhacdo in aan hakino koontadaada ama galitaanka Kiishaddaada, waxaan meesha ka saari doonaa hakinta sida ugu dhaqsaha badan marka sababta loo hakiyay ay meesha ka baxdo, si kastaba ha ahaatee wax waajib ah nagama saarna in aan ku ogaysiino marka aan (haddii la samaynayo) hakinadaas meesha laga saari doono.
    3. Haddii aad Hanti Casri ah ku haysato Kiishadda Paxful aysana wax howlo ah ka jirin koontadaada muddo wakhti ah oo uu qeexay sharcigu, waxaa nalooka baahan in aan kugu wargalino Hantida Casriga ah ee noocaas ah ee kuugu harsan koontadaada taasoo ah hanti aan la bixin si waafaqsan sharciga hantida laga tagay iyo tan cidna lahayn. Haddii arinkaanu dhaco, waxaan isticmaali doonaa dadaal macquul ah si aan kuu siino ogaysiis qoran. Haddii aad ku guuldarraysato in aad ka jawaabto ogaysiis yada noocaas ah todobo (7) maalin shaqo gudahood kaddib marka aad hesho, ama sida kale ee sharcigu kaaga baahan yahay, waxaa nalooka baahan karaa in aan u gayno Hantida Casriga ah ee noocaas ah maamulka ay khusayso ayada oo ah hanti aan cidna lahayn. Waxaan xaq u leenahay in aan ka jarno khidmadda fadhiidnimada ama khidmadaha kale ee maaul Hantida Casriga ah ee noocaas ah ee aan cidna sheegan sida uu ogolyahay sharciga khuseeya.
    4. We reserve the right to reverse internally received Digital Assets to your Paxful Wallet back to the originating account if the owner of the originating account successfully demonstrates that the Digital Assets were transferred to your Paxful Wallet in error, and if there has been no activity in your account for a period of 24 months. If this occurs, we will use reasonable efforts to provide written notice to you. If you fail to respond to any such notice within 14 days, we may be required to reverse Digital Assets to the owner of the originating account.
  13. ISTICMAALKA LA MAMNUUCAY

    1. Marka aad galayso ama aad isticmaalayso Adeegyada, waxaad aqbalaysaa in aad isticmaali doonto Adeegyada si waafaqsan xeerarka iyo shuruudaha kujira Heshiiskaan (kuwaas oo ay kujirto Xeerka Arimaha Shaqsiga) aadna ku kicin fal bilaa sharci ah, iyo in aad adiga kaligaa aad mas'uul ka tahay dhaqankaaga marka aad isticmaalayso Adeegyadaada. Ayada oo aan la xanibayn guud ahaanshaha ka tagidda, waxaad aqbalaysaa in aadan:
      1. u isticmaali doonin Adeegyada yada qaab faragalinaya, waxyeelaynaya, si xun u saamaynaya ama caqabad ku noqonaya isticmaaleyaasha kale in ay si buuxda ugu raaxaystaan Adeegyada, ama si waxyeelayn karta, awood tiri karta, culays ku noqon karta ama curyaamin karta shaqada Adeegyada yada qaab kasta ha noqotee;
      2. aadan samaynayn wax hawl ah taasoo ku xadgudbi karta, ama gacan ka gaysan karta ku xadgudubka, sharci kasta, xeer kasta, nidaam kasta, ama shuruuc kasta, cunaqabataynaysa barnaamijyada maamul ee wadamada aan ka samayno shaqooyinka ganacsiga, ama mid ku lugyeelan kara dacwooyin ku saabsan howl kasta oo sharciga ka baxsan; in aadan daabicin, qaybin ama aadan baahin wax kasta oo sharciga ka baxsan ama macluumaad;
      3. in aadan faragashan galitaanka ama isticmaalka Adeeggeena ee isticmaale kale; aadan sharaf dilin, aadan caayin, aadan xoogin, aadan bahdilin, aadan daba dhigan, aadan cabsi galin ama haddii kale aadan ku xadgudbin ama aadan jabin xaquuqaha sharciga ah (sida, laakiin aan ku koobnayn, xaquuqaha siraha, caanimada iyo hantida caaqilnimada) isticmaaleyaasha kale; aadan u caga juglayn, aadan cabsi galin, aadan fududayn, sare u qaadin, ama aadan dhiiri galin nacayb, dulqaad la'aanta isirka ku salaysan, ama ficilada xadgudubka ah ee ka dhanka ah dadka kale; in aadan kala bixin ama aadan ka aruursan macluumaad Websaytka yaga kaasoo ku saabsan isticmaaleyaasha kale;
      4. in aadan samayn wax hawl ah taasoo ka shaqaynaysa in ay been abuurto, sharaf disho ama haddii kale sababaysa waxyeelo soo gaarta Paxful ama isticmaaleyaasha; ama siinaysa wax kasta oo macluumaad been ah, aan sax ahayn, qiyaano ah ama marin habaabin ah Paxful ama isticmaale kale taasoo xiriir la leh Adeegyada yada ama sida haddii kale lagu bixiyay ama lagu codsaday si waafaqsan Heshiiskaan;
      5. in aadan Adeegyada u keenin wax fayras ah, dhibaatada Trojan, dhibaatada kombuyuutarada ee worms, barnaamijyada logic bombs ama wax kale oo khatar ah; isticmaalka mashiin kasta oo iswadda (robot), caaro, gurguurte, xoge ama qaab kale oo ootamaatik ah ama soo dhexgala oo aanaan anaku bixin si aad u gasho Adeegyada yada ama aad ula soo baxdo xog; in aadan isku dayin in aad hareer marto farsamo kasta oo lagu baaro macluumaad oo aanu isticmaalno, ama aadan isku dayin in aad gasho adeeg kasta ama goob adeegga yagu kajiro oo aan laguu ogolaan in aad gasho; ama meeldhigasho meelkasta oo kamid ah Goobta suuqa Paxful taasoo ah xayaysiis ama sare u qaadid taasoo fududayn doonta iibsashada ama iibinta Hantida Casriga ah ee ka baxsan Adeegyada Paxful;
      6. in aadan samayn xawilaad ku lug leh waxyaabaha burinaya ama ku xadgudbaya wax kasta oo xuquuq qoraaleed ah, summad ganacsi ah, xaquuqda caanimada ama sirta ama xaquuq kale oo lahaansho oo sharcigu siinayo, ama waxyaabaha kale ee sharciga ah adiga oo aan ka haysan fasaxa looga baahan yahay qofka haysta ee saxda ah; in aadan isticmaalin hantida caaqilnimada Paxful, magaca, ama sumadda, ay kamidka yihiin sumadda ganacsiga iyo adeegga Paxful, adiga oo aan aqbalaad qoraal ah naga haysanoo horumaris ah ama qaab si kale u waxyeelaynaya Paxful ama sumadda Paxful; talaabo kasta oo ka markhaati kacaya tasdiiqin aan run ahayn oo ay samayso qayb kamid ah Paxful; ama samaynta codsi qayb saddexaad kaasoo la falgalaya Adeegyada yada ayada oo aysan jirin aqbalaad horumaris ah oo qoraal ah; ama
      7. in aadan ku dhiiri galin ama aadan ku riixin qayb saddexaad in ay samayso wax kamid ah hawlaha lagu mamnuucay Farqadaan 13.
  14. XAQUUQAHA HANTI OONLEEN AH

    1. Waxaan ku siinaynaa sharci madax banaan, aan xaddidnayn, aan la wareejin karin, oo ay qabanayaan xeerarkaan iyo shuruudahaan kujira Heshiiskaan, si aad u gasho una isticmaasho Adeegyada, Webseedka, iyo waxyaabaha kujira ee la xiriira, waxyaabaha, macluumaadka (wadar ahaan waxaa loo yaqaan, “Waxyaabaha kujira” ayada oo loo isticmaalayo kaliya ujeeddad Paxful ay aqbashay wakhtiba wakhtiga ka danbeeya. Isticmaal kale ee kasta oo Websaytka ah ama Waxyaabaha kujira ah si cad ayaa loo mamnuucay dhammaan xaquuqaha kalena, jagada, iyo danta Adeegyada, Webseedka iyo Waxyaabaha kujira waa hantida gaarka ah ee Paxful. Waxaad aqbalaysaa in aadan minguurin doonin, aadan gudbin doonin, aadan qaybin doonin, aadan iibin doonin, aadan fasixi doonin, injineer aadan celin doonin, aadan wax ka badali doonin, aadan daabici doonin, ama aadan ka qaybqaadan doonin wareejinta ama iibka, aadan abuuri doonin shaqo laga soo dhiraandhiriyay, ama qaab kale oo kasta oo ku xadgudbaya Waxyaabaha kujira, guud ahaan ama qayb ahaan ayada oo aysan jirin aqbalaad qoraal ah oo hormaris ah oo ay leedahay Paxful. Ma ahan in aad minguuriso, aad u ekaysiiso ama aad isticmaasho wax kamid ah summad ganacsiyeedka Paxful, calaamadaha u diiwaan gashan, summadaha, ama wax kamid ah hantideeda onleenka ah ayada oo aysan jirin aqbalaad qoran oo Paxful oo hormaris ah.
    2. Inkasta oo aan u baahanahay in aan siino macluumaad saxan oo wakhtiyaysan Webseedka Paxful, Webseedkeena (ay kamid yihiin, ayaka oo aan ku koobneyn, Waxyaabaha kujira waxaa dhici karta inaysan markasta dhammaantood sax ahayn. aysan dhammaystirnayn ama aysan hadda ahayn waxaana kujiri kara saxnaansho la'aan dhanka farsamada ah ama khaladaad dhanka qoraalka ah. Dadaalada loogu jiro in la sii wado in lagu siiyo macluumaad sax ah oo dhammaystiran sida ugu macquulsan, macluumaadka waxbaa laga badali karaa ama waa la cusboonaysiin karaa wakhti ka wakhti ayada oo aan lagu ogaysiin, kaasoo ay kamid yihiin macluumaadka xannibaad la'aanta ah ee khuseeya siyaasadaha yaga, waxsoo saarada yada iyo Adeegyada yada. Sida saxda ah, waa in aad xaqiijisaa dhammaan macluumaadka kahor inta aadan isku halayn, iyo in dhammaan go'aanadu ay ku salaysan yihiin macluumaadka kujira Websaytka Paxful ay tahay mas'uuliyad adiga kuu gaar ah aana wax mas'uuliyad ah ku lahayn go'aanada noocaas ah. Macluumaadka ay bixinayaan qaybaha saddexaad waa kaliya ujeedooyin macluumaad un Paxful na kuma lahan wax matalaad ama damaanado ah sax ahaanshihiisa. Lifaaqyada waxyaabaha qaybaha saddexaad (uu kujiro asaga oo aan ku ekayn, websaytyada) waxaa loo bixin karaa in ay yihiin qancin laakiin ma ahan kuwo aan anaku maamulno. Waxaad garowsan tahay aadna aqbalaysaa in aanaan mas'uul ka ahayn nooc kasta oo macluumaad ah, waxyaabo kujira ah, ama Adeegyo kujira waxyaabaha qaybta saddexaad ama baraha qaybta saddexaad kuwaas oo la gali karo ama ku lifaaqan Websaytka Paxful.
  15. JAWAABCELINADA IYO WAXYAABAHA ISTICMAALUHU SOO GUDBINAYO

    1. Paxful waxay had iyo jeer raadinaysaa in ay sare u qaaddo Adeegyadeeda iyo Webseedkeeda. Haddii aad hayso fikrado ama soojeedino khuseeya sare u qaadidda ama wax ku biirinta Adeegyada ama Webseedka Paxful, Paxful waxay jeclaan lahayd in ay dhegaysato; si kastaba ha ahaatee, wax kasta oo lasoo gudbiyo waxaa loo eegayaa xeerarka iyo shuruudaha Heshiiskaan.
    2. Majirto marxalad la kashifi doono wax fikrad ama jawaab celin ah, ama wax la xiriira Paxful ama laamaheeda, kuwa ay kasoo farcantay ama shirkadaha qaybta ka ah, ama mid kamid ah saraakiisheeda, agaasimeyaasheeda, maamuleyaasheeda, xubnaheeda, saamilaydeeda, shaqaalaheeda iyo wakiiladeeda, ama wax kamid ah dhaxalkeeda, dhaxleyaasheeda, mataleyaasheeda waxayna u xilsaaraysaa (mid kasta oo ah “Qayb Paxful”(“Paxful Party”) wadar ahaana loo yaqaan “Qaybaha Paxful (“Paxful Parties”) ay u hogaansamaan wax kasta oo waajibaad ah oo ah qarsoonaanta ama filashooyinka magdhowga.
    3. Marka aad usoo gudbiso fikrad ama jawaab celin ama wax kale oo la xiriira kaasoo khusayn kara xaquuqda hantida onleenka ah (“Shaqada”) Paxful ama Qayb ka tirsan Paxful, waxaad Paxful siinaysaa, si waafaqsan shaqada lasoo gudbiyay, sharci aan xaddidnayn, sii jiraya, dunida oo dhan bilaash ka ah in la isticmaalo dhammaan waxyaabaha kujira fikradahaas iyo jawaab celintaas, ujeeddo kasta waxay rabto ha noqotee. Intaa waxaa dheer, waxaad faraha kala baxaysaa wax kasta oo ah xaquuqaha akhlaaqda ilaa heerka ugu sareeya marka la eego sharciga Maraykanka in aad shaqada kujirto aadna matalayso aadna damaanad qaadyso Qayba Paxful ee noocaas ah in Shaqadu asal ahaan ay adiga kaa timid guud ahaan, in uusan jirin qof kale oo xaquuq u leh Shaqada iyo in dhammaan Qaybaha Paxful ay ka madaxbanaan yihiin u hogaansamidda si loo dhaqan galiyo Shaqada iyo in la isticmaalo waxyaabaha la xiriira haddii sidaas la jeclaysto, sida ay ku bixisay ama sida ay u diyaarisay Qayb ka tirsan Paxful, ayada oo aan fasax ama sharci laga haysan qax qayb saddexaad ah.
    4. Waxaa intaa dheer oo aad aqbalaysaa in Paxful ay sharci hoos imaanaya siin karto Qayb kasta oo Paxful ah in ay u isticmaasho Shaqo kasta iyo walax kasta oo aad soo gudbiso.
    5. Waxaan xaq u leenaha in aan meesha ka saarno qoraal kasta oo aad ku samayso Webseedka, go'aan anaga noo gaar ah, ayada oo aysan jirin digniin ama sababo.
  16. SIDA AAD NOOLA SOO XIRIIRAYSO

    Waxaan kugula talinaynaa in aad bookhato Boggeena su'aalaha inta badan la isweydiiyokahor inta aadan nala soo xiriirin. Bogga su'aalaha inta badan la isweydiiyo kuma jiro macluumaadka aad raadinayso, Paxfu waxay bixisaa taageero 24/7 ah. waxaad nagala soo xiriiri karaa bartayada taageerada ku taala bogga su'aalaha inta badan la isweydiiyo.

  17. AWOOD LA'AANTA DHAQAN GALINTA HESHIISKA

    1. Mas'uul kama noqon doono dib u dhacyada, ku guuldarraysiga hawsha ama waxyeelaynta Adeegyada taasoo ka imaanaysa si toos ah ama dadban sabab ama xaalad ka baxsan xakamaynteena suurto galka ah, taasoo ay kujiraan laakiin aan ku koobnayn, sugnaan la'aanshaha suuqa ee balaaran, dib udhac kasta ama guuldarro kasta oo ay sabab uu sabab u yahay ficil Rabaani ah, ficil maamul rayid ah ama ciidan ah, ficil argagixiso, dhibaato bulsho, dagaal, shaqo joojin ama muranada kale ee shaqaalaha, dab, dhibaato ku timaadda adeegyada wada xiriirka ama internet-ka ama adeegyada shabakadda bixisa, ku guuldarraysiga qalabaynta iyo/ama softiweerka, dhibaato kale ama dhacdo kale taasoo ka baxsan xakamynta yada suurta galka ah mana saamaynayso jiritaanka iyo dhaqan galinta wax kamid ah qodobada haray.
  18. NOOCA HESHIISKA

    1. Heshiiskaan waxa uu ka kooban yahay heshiiska guud ee u dhexeeya adiga iyo Paxful marka la eego waxyaabaha khuseeya xeerarka iyo shuruudaha kujira Heshiiskaan wuxuuna baabi'inaya Heshiiskaanu meeshana ka saarayaa isfahamka iyo heshiis kasta oo hore kaasoo u dhexeeya adiga iyo Paxful oo khuseeya arinkaas. Waa in aadan xilsaari wax kamid ah xaquuqahaaga ama waajibaadkaaga kujira Heshiiskaan adiga oo aan haysan aqbalaadda yada qoran oo hormaris ah.