Fadlan sug intaan raadinayno yaboohyada kuugu fiican.

Sell to

Get paid with

Price per Ethereum

Sida Looga iibsho Ethereum barta Paxful

Paxful waxay u fududaysaa dadka cusub iyo khubarada inay gaaraan xornimo dhaqaale. Iyo maadaama aan nahay suuq ku salaysan isku xirka macaamiisha, waxaad toos uga iibin kartaa Ethereum (ETH) malaayiin isticmaalayaal ah oo daafaha caalamka kala jooga ayadoon loo baahan xarumaha baanka ama shirkado!

Halkaan ayaad ka helaysaa waxaad u baahan tahay:

Kahor intaadan bilaabin iibinta Ethereum, waa qasab inaad abuurto aadna xaqiijiso ciwaankaaga Paxful ama gasho kaagii hore. Markaad gasho, keliya raac tilmaamahaan:

  1. Daji shuruudahaaga - Go'aami cadadka ugu badan ee ETH ka aad doonayso inaad iibiso kadibna dooro dookha nooca lacagta. Waxaad sidoo kale degsan kartaa nooca lacagta aad doonayso iyo sidoo kale goobtaada haddii aad doonayso.
  2. Raadi yaboohyada - Markaad degsato shuruudahaaga, guji Raadi Yaboohyo si aad u aragto xulashada yaboohyada ku habboon ood kala dooranayso.
  3. Akhri yabooha - Ha ilaawin inaad kormeerto dhammaan faahfaahinta muhiimka ah ee iibsadahaaga ayna ku jirto heerka xaqiijintiisa, tirada ganacsiyada uu ku guulaystay, iyo jawaab celinta kasoo baxda isticmaalayaasha kale, kahor intaadan sii wadin.
  4. Biloow ganacsiga - Haddii aad hesho iibsade sumcad leh, guji Iibi si aad u akhrido shuruudaha iyo xeerarka uu dajiyay iibsaduhu. Haddii aad aqbasho, geli cadadka ETH ka aad doonayso inaad ku ganacsato kadibna guji Hadda Iibi. Arintaan ayaa kadibna ku gaynaysa wada sheekaysi toos ah si ku meel gaar ahna u wareejinaysa ETH kaaga qaybteena baayaca.
  5. Samee ganacsiga: Markaad hesho lacagta uuna iibsaduhu dhameeyo qaybtiisa ganacsiga, waxaad ka fasixi kartaa ETH ka kaydka baayaca adoo ku siidaynaaya kaydkiisa. Waxaad sidoo kale awoodi kartaa inaad soo degsato risiid guud haddii aad doonayso inaad haysato diiwaanka lacagta la diray.
  6. Reeb fikirkaaga - Ha ilaawin inaad noo sheegto waxa aad kala kulantay ganacsadaha kadib marka aad ganacsiga si guul leh ula samaysay.

Akhri Boggeena Xogta si aad xog badan uga hesho sida loo iibiyo ETH si degdeg ah. Waxaad sidoo kale abuuri kartaa yabooh haddii aad doonayso inaad degsato shuruudahaaga gaarka ah ama tilmaamaha ganacsiga. Haka daahin inaad la xariirto kooxdeena taageerada haddii aad qabto wax su'aalo ah. Ganacsi farxadleh!