Fadlan sug intaan raadinayno yaboohyada kuugu fiican.

Sell to

Get paid with

Price per Tether

Sida Loogu iibiyo Tether barta Paxful

Haddaan nahay Paxful, waxaan ka caawinaa dadka inay usii dhawaadaan madax banaanida dhaqaalaha iyo inay ayagu maalkooda xukumaan. Waana tan sababta marka lagu daro Bitcoin, aad hadda sidoo kale Tether (USDT) uga iibin karto si toos ah dad ka badan saddex milyan oo daafaha caalamka kala jooga. Adoo adeegsanaaya nidaam lacag bixin oo dhexdhexaadiye leh, xor aad u tahay dajinta qiimayaashaada, aadna helayso in ka badan 300 oo qaab ood lacagta midkood doonto ku dhiibi karto, goobteena ganacsi ee dadku aasaaska u yihiin waa mid u fudud qof kasta inuu faa'iido kasoo saaro.

Si aad u biloowdo, iska diiwan geli Paxful ama gal ciwaankaaga hore kadibna raac tilmaamahaan:

  1. Samayso qaabka aad doonayso inaad lacagta ku bixiso iyo nooca lacagta aad ku bixinayso.
  2. Guji Raadi Natiijooyinka si aad u aragto yaboohyada buuxinaaya shuruudaha aad hadda gelisay.
  3. Intaad fiirinayso yaboohyada, feejignaan u lahoow xog kasta. Tan waxaa ku jira dhibcaha sumcada isticmaalaha, helitaankooda, iyo qiimayaasha lasoo jeedinaayo. Haddii aadan heli karin wax si fiican u waafaqa, waxaad markasta abuuri kartaa yaboohaaga gaarka ah si aad usoo jiidato isticmaalayaal doonaaya inay ku iibsadaan Tether shuruudahaaga.
  4. Markaad hesho yabooh aad jeceshahay, guji Iibi. wali ma bilaabayso ganacsiga; taas badalkeed, waxaad arki doontaa shuruudaha iyo xeerarka iibsadaha.
  5. Haddii aad waafaqsan tahay shuruudaha, geli cadadka aad doonayso inaad ku ganacsato kadibna guji Hadda Iibi. Tani waxay bilaabaysaa ganacsiga waxayna USDT gaaga u gudbinaysaa nidaamka dadaalka.
  6. Akhri tilmaamaha iibsadaha oo ku sii xogta muhiimka ah qaybta wada sheekaysiga tooska ah. Markaad hesho lacagta, waad fasixi kartaa USDT gaaga ku jirta kaydka dalaalka si ay u gasho kaydka iibsadaha, kadibna waxaad haysan kartaa risiidka wadaaga ah.
  7. Kadib ganacsiga, mar kasta iskuday inaad fikirkaaga ka dhiibato iibsadaha. Tani keliya kama caawinayso inuu dhiso sumcadiisa, laakiin waxay sdoo kale siinaysaa ganacsatada kale fikir ku aadan qofka ay la macaamilayaan.

Si loo hubiyo khibrad ganacsi oo ka caagan walwal, akhri Xeerarkeena iibixinta Bitcoin iyo Tether. Waxaad sidoo kale akhrin kartaa tusmadeena ku aadan abuurista shuruudaha yabooha si aad ugu abuurto yaboohyo soo jiidasho leh iibsadayaashaada.

Haddaan nahay Paxful, waxaa noo degsan xeerar adag si aad u awoodo inaad ku ganacsato qaab badqab leh markaad doonto, meeshaad doonto. Gal kumanaan yaboohyo sharci ah oo biloow iibinta Tether maanta!