Fadlan sug intaan raadinayno yaboohyada kuugu fiican.

Sell to

Get paid with

Price per Bitcoin

Sida Loogu iibiyo Bitcoin barta Paxful

Hadda way fududahay inaad Bitcoin ku iibiso Paxful adoo iibiye ah. Waxaad xaq u tahay inaad degsato qiimayaashaada gaarka ah iyo sidoo kale raaxada in ka badan 300 oo qaab oo toos lagacta Bitcoin uga iibin karto dad ka badan 3 milyan aduunka oo dhan. Aaladeena ayaa aad u fududaynaysa in isticmaalayaasha biloowga ah iyo kuwa muddada joogay ay si iskumid ah uga faa'iidaystaan.

Si aad degdeg ugu iibiso Bitcoin, furo ciwaanka Paxful ama gal bartaada horay u jirtay. Markaad gasho, keliya raac tilmaamahaan:

  1. Degso shuruudahaaga – Dooro qaabka aad rabto ee lacag bixinta iyo cadadka ugu badan ee Bitcoin ka aad doonayso inaad iibiso. Waxaad sidoo kale sheegi kartaa meesha iyo nooca lacagta aad rabto. Markaad sidaas yeesho, guji Raadi Yaboohyada. Waxaad arki doontaa liiska yaboohyada ku quseeya oo aad mid ka dooran karto.
  2. Akhri Yaboohyada – Kahor intaadan dooran Yabooh, xaqiiji inaad akhrido dhammaan xogta muhiimka ee ku saabsan iibsadaha, ayna ku jiraan laakiin aan ku koobnayn magaca, sumcada, heerka xaqiijinta, iyo qiimaha halkii Bitcoin uu kaa siinaayo. Markaad hesho yaboohyo ku habboon, guji Iibi. Wali ma furayso ganacsi wali, laakiin waxay kugu hagaysaa shuruudaha yabooha iyo xeerarka uu dajiyay iibsaduhu.
  3. Biloow ganacsiga – Haddii aad ku qanacday shuruudaha iibsadaha, geli cadadka aad doonayso inaad ka iibiso kadibna guji Hadda Iibi. Tani waxay furaysaa wada sheekaysi aad layf ula galayso waxayna Bitcoin kaagagelinaysaa qaybta kala iibsiga. Si taxadar leh u akhri tilmaamaha lagu siiyay, oo raac. Markuu iibsadahaagu dhankiisa ganacsiga ka dhameeyo aadna hesho lacagta, waad fasixi kartaa Bitcoin ka. Waxaad soo degsan kartaa risiidka muuqda kadib ganacsiga.
  4. Falcelin reeb –Kadib markaad si guul leh u iibiso Bitcoin kaaga, ha ilaawin inaad qofka aad la ganacsatay siiso falcelin. Tani waxay muhiim u tahay aaladeena ayadoo naga caawisa inaan dhisno sumcada isticmaalaha.

Wixii xog dheeraad ah, daawo tusmada muuqaal faahfaahsan oo ku aadan sida Bitcoin loogu iibsho si degdeg ah. Waxaad sidoo kale abuuri kartaa yabooh aad ku iibinayso Bitcoin adoo raacaaya tusmadeena ku aadan yabooh ku abuurida gudaha Paxful.

Suuqa wax kala iibsiga isticmaalayaasha dhexdooda ee Paxful ayaa fudud in la isticmaalo, oo uu amaankiisa sugaayo dadaal, lagana geli karo daafaha caalamka. Biloow ganacsiga isla Maanta!