Ogaysiiska Sirta Paxful, Inc.

Paxful, Inc. (oo sidoo kale loo yaqaano “Paxful,” “anaga,” “lafteena,” ama “waxanaga”) waxay qaadaysaa tilaabooyin si ay u ilaaliso xogtaada qarsoon. Ogaysiiskaan Sirta (“Ogeysiiska”), waxaan ku faahfaahinaynaa noocyada macluumaadka shakhsiga ee aan ka aruurinayno kuwaas oo xiriir la leh isticmaalkaaga webseedkeena oo kamid yihiin, laakiin aan ku koobnayn, https://paxful.com/, Kaydka Paxful, shabakadeena ganacsiga bitcoin, aaladda moobilka, bogogga baraha bulshada, ama hantida kale ee oonleenka ah (wadar ahaan, “Webseedyadeena”), ama marka aad isticmaasho wax kamid ah wax soo saarada, adeegyada, macluumaadka, qaybaha, teknoolojiyadaha, ama wax qabadyada aan bixino (wadar ahaan, “Adeegyada”).

Ogaysiiska waxaa loo sameeyay in uu kaa caawiyo in aad hesho macluumaad ku saabsan hawlaheena dhowrsanaanta iyo in uu kaa caawiyo in aad fahamto xulashooyinkaaga qarsoonaanta marka aad isticmaalayso Webseedyadeena iyo Adeegyadeena. Fadlan ogoow in bixinta Adeegyadeena ay ku kala duwanaan karaan gobolada.

Dhammaan ujeedooyinka, nooca luuqadda Ingiriiska ah ee ogaysiiskaan sirta ayaa ahaan doona qalabka lagu maamulayo, ee asalka ah. Marka ay dhacdo iska hor imaad u dhexeeya nooca luuqadda Ingiriiska ah iyo ogaysiiskaan sirta iyo tarjumaad daba socota ee luuqadda kale, nooca luuqadda Ingiriiska ah ayaa lagu maamulayaa oo xukumaysa.

Macluumaadka shakhsiga ee aan aruurinayno

Waxaan aruurinaynaa macluumaadka la xariira (“Xogta Shaqsiga”) taasoo la xiriirta isticmaalkaaga Webseedka, Adeegyadeena. ama haddii kale waxyaabaha ku saabsan xiriirka nagala kaa dhexeeya. Noocyada Xogta Shaqsiga ah ee laga yaabo in aan kaa helno waxaa kamid noqon kara:

Xogta Taariikh nololeedka, oo ay ku jiraan:

  • Magaca
  • Ciwaanka Iimeelka
  • Lambarka Teleefoonka
  • Wadanka
  • Ciwaanka oo Dhammaystiran
  • Taariikhda Dhalashada

Macluumaadka Koontada Paxful, oo ay kamid yihiin:

  • Magaca isticmaalaha
  • Macluumaadka Borofaylka Isticmaalaha ee kujira qaybta “Nolosha”( “Bio”)
  • Sawirka Borofaylka
  • Taariikhda Ku biirista
  • Nooca lacagta ee Aasaasiga ah
  • Waqtiga Aagga
  • Luuqadda Aaasaasiga ah

Hawlaha Koontada Paxful, waxaa kamid ah:

  • Fariimaha Wada sheekaysiga Ganacsiga (kaasoo laga yaabo in uu kujiro macluumaad dhaqaale haddii aad siiso iibiyeyaasha)
  • Lifaaqyada Wada sheekaysiga Ganacsiga
  • Hawlaha Ganacsiga
  • Taariikhda Lacaga la is dhaafsado
  • Magaca Iskaashadaha
  • Aqoonsiga Iskaashatada
  • Lifaaqa Iskaashadaha
  • Xogta Lacagta Iskaashadaha
  • Yaboohyada La abuuray
  • Shuruudaha Yabooha
  • Tilmaamaha Ganacsiga
  • Ogaysiisyada Koontada
  • Xaaladda Koontada

Xogta la xiriirta kaydka hantida ee casriga ah, waxaa kamid ah:

  • Fureyaasha Gaarka ah
  • Fureyaasha Guud
  • Baaqiga Kaydka lacagta
  • Xawilaadda la helay
  • Xawilaadaha la diray

Xogta la aruuriyay ee la xiriirta U hogaansamidda “Baro Macmiilkaaga” (KYC), ay kamid yihiin:

  • Aqoonsiga Dowladdu soo saartay
  • Caddaynta Ciwaanka
  • Sawiraada, haddii aad doorato in aad nasiiso
  • Muuqaal, haddii aad doorato in aad nasiiso

Xogta Isticmaalka Webseedka iyo Qalabka, ay kamidka yihiin:

  • Ciwaanka IP
  • Aqoonsiga xogt kaydiyaasha iyo/ama aqoonsiyada kale ee qalabka
  • Macluumaadka la xiriira galitaankaaga Webseedka, sida dabeecadaha qalabka, taariikhda iyo wakhtiga
  • Luuqadda la doorbidaayo
  • Macluumaadka tallaabooyinka la qaadaayo marka la isticmaalayo Webseedka

Mobile application usage data, including:

  • Session data: IP address, version of the operating system, brand and model of the device, unique identifiers of the device, browser used, information about the time the Application was accessed, name and parameters of the network connection.
  • Information about applications installed on the User’s device (metadata from applications): application name, application identifier and version, device identifier and checksum. Detecting malicious apps and protecting users from fraud are the main reasons for collecting information about installed apps.
  • Information on actions taken while using the mobile application
  • Crash and application errors diagnostics data

Sida aan u isticmaalayni xogtaada

Ujeeddooyinka ganacsi ee aan u aruurinayno, u isticmaalayno, aan u haysanayno, aana ula wadaagayno Xogtaada Shaqsiga ah waxaa kamid ah:

  • Si Adeeg loogu bixiyo ka shaqaynta Webseedka, waxaa kamid ah:
    • Diiwaangali, abuur, oo dayactir koontadaada;
    • Caddee aqoonsigaaga iyo/ama galitaankaaga koontada, ama ka caawi iibiyeyaasha in ay xaqiijiyaan aqoonsigaaga;
    • Bilaabidda, fududaynta, hagaajinta, iyo/ama meelmarinta xawilaadaha,
    • In lagaala hadlo waxyaabaha ku saabsan koontadaada ama Adeeg kasta oo aad isticmaasho;
    • Samaynta qiimaha kaarka, KYC, ama dib u eegista kale ee lamidka ah;
    • Qiimaynta codsiyada; ama
    • Isbarbardhigga macluumaadka ayada oo laga eegayo ujeedooyinka sax ahaanshaha iyo xaqiijinta.
  • Si loo maareeyo khataraha loona ilaaliyo adiga, dadka kale, iyo Webseedyada iyo Adeegyada.
  • Si loo bixiyo khibrad la shakhsiyadeeyay loona meelmariyo waxyaabaha aad doorbidayso.
  • In si wanaagsan loo fahmo macaamiisha iyo sida ay u isticmaalaan ulana falgalaan Webseedyada iyo Adeegyada.
  • Si suuq laguugu sameeyo.
  • Si loo bixiyo Adeegyo la shakhsiyadeeyay, yaboohyo, iyo xayaysiisyo lagu sameeyo Webseedyadeena iyo webseedka qaybta saddexaad.
  • Si laguu siiyo xulashooyin deegaankaaga u gaar ah, waxqabadyo, iyo yaboohyo.
  • Si loogu hogaansamo siyaasadaheena iyo shuruucdeena, ay kamidka yihiin, laakiin aan ku ekayn, dusinta iyo ka jawaabidda looga jawaabayo codsi kasta oo ka yimaada hay'adaha sharciga iyo/ama sharci ilaaliyeyaasha si waafaqsan sharciga khuseeya, nidaamka, xeerka, amarada maxkamadda ama dowladda, hay'ad sharciga ilaalisa oo ay leedahay sharciyad shaqaynaysa, codsi helitaan ah ama hanaan sharci oo lamid ah.
  • Si loo xaliyo muranada, khidmadaha loo aruuriyo, ama dhibaatooyinka loo cillad bixiyo.
  • Si laguu siiyo adeegga macaamiilka ama haddii kale laguula soo xiriiro.
  • Si aan u maarayno ganacsigeena.

Waxaa laga yaabaa in sidoo kale aan u diyaarsano Xogta Shakhsiga ujeedooyin kale ayada oo lagu salaynayo aqbalaaddaada marka sharciga khuseeyaa uu u baahdo.

Ilaha aan ka aruurinayno xogta shakhsiga

Waxaan Xogta Shakhsiga ka aruurinaynaa tiro ilo ah, waxaa kamid ah

  • Si toos ah adiga kaaga imaanaysa: Waxaan si toos ah kaaga aruurinaynaa Xogta Shakhsiga marka aad isticmaasho Webseedkeena ama Adeegyadeena, aad nala xiriirto, ama aad si toos ah noola falgasho.
  • Ka imaanaysa bixiyeyaasha adeegga iyo/ama xog diyaariyeyaasha kuwaas oo naga caawiya bixinta Webseedka ama Adeegyada: Waxaa laga yaabaa in aan la howlgalno adeeg bixiyeyaasha si ay nooga caawiyaan fududaynta Webseedka ama Adeegyada lagu siinayo, ayada oo isticmaalaaya tilmaamaheena na matalaya. Waxaa laga yaabaa in adeeg bixiyeyaashaanu ay aruuriyaan macluumaad kugu saabsan ayna na siiyaan.
  • Isticmaaleyaasha kale ee kujira Webseedka Paxful ama kuwa qaybaha ka ah ee la isugu geeyay Webseedka ama Adeegyada Paxful: Isticmaaleyaasha kale ayaa laga yaabaa in ay nasiiyaan macluumaad kugu saabsan oo la xiriira xawilaadaha ama jaantusyada. Qaybaha kale ayaa sidoo kale na siin kara macluumaad kugu saabsan oo la xiriira la falgalidda ama xawilaadaha aad la samaysay qaybahaas oo kale.
  • Qaybaha saddexaad kuwaas oo laga yaabo in ay naga caawiyaan xaqiijinta aqoonsiga, ka hortagga been abuurka, iyo ilaalinta amaanka xawilaadaha.
  • Qaybaha saddexaad kuwaas oo naga caawin kara qiimaynta qiimaha kaarkaaga ama heerka dhaqaalaha.
  • Qaybaha saddexaad kuwaas oo naga caawin kara falanqaynta Xogta Shakhsiga, sare u qaadidda Webseedka ama Adeegga ama khibradda aad u leedahay, suuq gaynta wax soo saarada iyo adeegyada, ama bixinta xayaysiisyada iyo yaboohyada ay ku siinayaan.
  • Laga helo shabakadaha baraha bulshada, haddii aad nagala falgasho baraha bulshada.

Sida aan xogta u wadaagno

Xaaladaha qaar marka lagu jiro, waxaa laga yaabaa in qaar kamid ah Xogta Shakhsiga aan u gudbino dad kale. Noocyada dadka laga yaabo in aan Xogta Shakhsiga ah la wadaagno waxaa kamid ah:

  • Adeeg bixiyeyaasha iyo/ama xog diyaariyeyaasha: Waxaa laga yaabaa in aan Xogta Shakhsiga la wadaagno adeeg bixiyeyaasha qaybta saddexaad ah kuwaas oo sameeya adeegyo iyo shaqooyin ayaga oo isticmaalaya tilmaamaheena iyo matalaaddeena. Adeegg bixiyeyaashaan qaybta saddexaad ah waxaa laga yaabaa in ay, tusaale ahaan, ay ku siiyaan adeegyo, xaqiijiyaan aqoonsigaaga, gacan ka gaystaan diyaarinta xawilaadda, ay kuu soo diraan xayaysiis ku saabsan wax soo saarada yada iyo adeegyada yada, ama ay ku siiyaan taageerada macmiilka.
  • Qaybaha kale ee xawilaadaha, sida iibiyeyaasha: Waxaa laga yaabaa in aan la wadaagno macluumaad ka qaybqaateyaasha kale ee xawilaaddaada, kuwaas oo ay kamid yihiin isticmaaleyaasha kale ee aad ka iibsanayso hantida casriga ah.
  • Hay'adaha Dhaqaalaha iyo shirkadaha kale ee ku lugta leh in ay kaa caawiyaan sameynta lacag bixinta ee la xiriirta xawilaadaha
  • Kuwa qaybta ka ah ee gudbinta ka hela Webseedkeena
  • Qaybaha saddexaad ee kale ee ujeedooyinka ganacsigeena ama sida uu oggolaado ama uu ugu baahdo sharcigu, ay kamidka yihiin:
    • Si loogu hogaansamo waajibaad kasta oo sharci, maamul ama heshiis, ama hanaan kasta oo sharci ama hanaan ah (sida amar maxkamadeed ama maxkamad oga yeeris);
    • Si loo sameeyo, loo isticmaalo, ama loo difaaco sheegashooyin sharci;
    • Ayada oo laga jawaabaayo codsi ay samaynayso hay'ad dowli ah, sida hay'adaha sharciga ama amar kale oo maxkamadeed;
    • Si loo dhaqan galiyo Xeerarka Webseedkeena ee Adeegga ama siyaasadeena gudaha;
    • Si looga hortago waxyeelada jirka ama khasaaraha dhanka dhaqaale, ee xiriirka la leh baaritaanka ee laga shakisanaha ama howlaha bilaa sharciga ah ee dhabta ah, ama haddii kale ilaalinta xaquuqda dadka yaga kale, hantida, ama badqabka;
    • Si loo fududeeyo iibsashada ama iska iibinta dhammaan ama qayb kamid ah ganacsiga Paxful. Tusaale ahaan, la wadaagidda xogta shirkad aan qorshaynayno in aan isku tagno ama ay helaan; ama
    • Si loo taageero hantidhowrkeena, si loogu hogaansamo, loogama shaqeeyo hawlaha maamulidda.

Wareejinta xogta ee caalamiga ah

Fadlan ogsoonow in aan u wareejin karno Xogta Shakhsiga ee aan kaa aruurino wadamo aan ahayn waddanka marka koowaad xogta lagu aruuriyay. Waxaa laga yaabaa in waddamadaasi aysan lahayn shuruucda ilaalinta xogta oo la mid ah wadanka aad markii hore xogta ku bixisay. Markii aan Xogtaada Shakhsiga ah u wareejino waddamo kale, waxaan qaadaynaa tallaabooyin loo diyaariyay si aan u xaqiijino in wareejintu waafaqdo sharciga loogu tala galay.

Xog keydiyaasha iyo xayaysiisyada oonleenka ah

  • Haraagu waa fayl yar oo qoraal ah kaasoo webseedku ku kaydinayo kombuyuutarkaaga ama qalabkaaga moobilka marka aad soo bookhato webseedka.
  • Webseedkeena wuxuu isticmaalaa haraayo iyo teknoolojiyad la socosho si uu u shaqeeyo, iyo si uu u bartilmaameedsado xayaysiin laga yaabo in aad danaynayso. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah, fadlan ula noqo Xeerkeena Haraadiga.
  • Paxful waxaa iskaashi la sameyn kara shabakadaha xayaysiiska ee qaybta saddexaad si xayaysiiska loogu soo bandhigo Webseedka Paxful ama webseedyadeena qaybta saddexaad midkood. Webseedyadaan iyo shabakadaha xayaysiiska ee qaybta saddexaad ma maamusho Paxful. Saaxiibada shabakadaha xayaysiiska waxay isticmaalaan teknoolojiyada xogta si ay u aruuriyaan macluumaad ku saabsan hawlahaaga oonleenka ah si ay kuu siiyaan xayaysiiska bartilmaameedka ah ayada oo lagu salaynaayo rabitaankaaga. Haddii aad jeceshahay in aadan helin macluumaadkaan loo isticmaalayo ujeeddada in lagu siiyo xayaysiiska bartilmaameedka ah, waad ka bixi kartaa adiga oo bookhanaya:

Fadlan ogsoonow in tani aysan kaa saarayn in lagu siiyo xayaysiiska; waxaad sii heli doontaa xayaysiisyo la soo saaray kuwaas oo aan ku salaysnayn rabitaankaaga gaarka ah. Waad xakamayn kartaa isticmaalka haraadiga marka la eego heer ilaa borowsarkaaga gaarka ah. Haddii aad iska diido haraadiga, wali waad sii isticmaali kartaa Webseedkeena, laakiin awooddaada aad ku isticmaalayso qaybaha qaar ama meelaha qaar ee Webseedkeena ayaa laga yaabaa in ay xaddidnaadaan.

Haynta xogta

Waxaan haynaynaa Xogta Shaqsiga ah muddada lagama maarmaanka u ah ujeedooyinka loo aruuriyay, ama muddooyinka uu sharciga khuseeyaa u baahan yahay. Tani waxay ku lug yeelan kartaa haynta Xogta Shaqsiga ah muddooyinka daba socda xawilaadaha. Waxaan dadaal ku bixinaynaa in aan tirtirno Xogtaada Shaqsiga ah marka ay noqoto mid aan looga baahnayn ujeedooyinka ganacsi ee kor lagu qeexay.

Amaanka xogta

Paxful waxay dhaqan galisay ilaaliyeyaal loogu tala galay difaaca xogtaada Shaqsiga ah, oo ay kamid yihiin talaabooyin loogu tala galay kahortagga luminta Xogta Shaqsiga ah, si khaldan u isticmaalidda, iyo galitaanka iyo gudbinta aan la fasaxin. Wali Paxful ma xaqiijin karto ama ma damaanad qaadi karto amaanka ama qarsoonaanta macluumaadka aad noo soo gudbinayso ama aad naga helayso anaka oo isu marinayna internet-ka ama xiriirka bilaa fiilada ah. Wareejinta xogta ayada oo la isticmaalayo internet-ku waxay had iyo jeer wadataa khatar, xataa haddii Paxful ay dadaal ku bixiso in ay difaacdo xogta marka ay hesho.

Caruurta da'doodu ka yartahay 18 sano

Webseedka Paxful looguma tala galin carruurta da'doodu ka yartahay 18 sano. Si ogaansho ah xog kagama aruurinayno caruurta da'doodu ka yartahay 18 sano ayada oo aan la haysan fasaxa waalidka oo la xaqiijiyay. Haddii aan ogaano in aan ka aruurinay macluumaad, ay kamid tahay Xogta Shaqsiga ah, qof da'diisu ka yartahay 18 sanadood ayada oo aan la haysan aqbalaadda waalidka, islamarkaba waanu tirtiraynaa macluumaadkaas.

Wax ka badalidda Ogaysiiska Sirta

Paxful waxay xaq u leedahay in ay badasho Ogaysiiskaan hadba markii ay rabto. Waxaan kugu wargelin doonaa wax ka badalada lagu samaynayo Ogaysiiskaan ayada oo la soo dhigayo nooc wax laga badalay oo Ogaysiiskaan ah halkaan, ayada oo la isticmaalayo iimayl, ama qaab ah ogaysiiska caanka ah ee kujira bogga hore ee Webseedka Paxful. Waxaan kugula talinaynaa in aad marmar hubiso Webseedka in ay kujiraan wax waxkabadalo ah.

Nala soo xiriir

Haddii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan Ogaysiiskaan, ama aad jeclaan lahayd in aad nala samayso wax weydiin ah oo khuseeya Xogta Shaqsiga ah ama sirta, fadlan nagala soo xiriir: [email protected]

Gunaanadka EEA

U gudbintaan macluumaad ee soo socota waxay khusaysaa, si gaar ahna loogu tala galay, dadka degan Aaga Ganacsiga Yurub (EEA).

Maamulaha Xogta

Maamulaha Xogtaada Shaqsiga ah waa Paxful, Inc.

Tiirarka Sharciga ah ee Samaynta Xogta Shaqsiga ah

  • Ilaa heerka aan u isticmaalayno Xogta Shaqsiga ah in aan ku qabano waajibaadyo heshiis ama codsiyo aad adigu samayso oo la xiriira heshiis, Farqada 6(1)(b) ee Shuruucda Ilaalinta Xogta Guud(General Data Protection Regulation) (“GDPR”) ayaa ah tiirka sharciga ah ee diyaarinta yada xogta
  • Ilaa heerka aan isticmaalayno Xogta Shaqsiga ah si loogu hogaansamo waajibaadka sharciga ah marka la eego Midowga Yurub (EU) ama sharciga Wadan Xubin ka ah, Farqada 6(1)(c) ee GDPR ayaa ah tiirka sharciga ah ee diyaarinta yada xogta.
  • Ilaa heerka aan isticmaalayno Xogta Shaqsiga ah si aan u ilaalino danaha lagama maarmaanka ah ee shakhsiyaadka, Farqada 6(1)(d) ee GDPR ayaa ah tiirka sharciga ah ee diyaarinteena xogta.
  • Ilaa heerka aan isticmaalayno Xogta Shaqsiga ah si aan usii wadano danaha sharciga ah ee ganacsiga yaga, 6(1)(f) ee GDPR ayaa ah tiirka sharciga ah ee diyaarinteena xogta. Liiska danaha sharciga ah ee ganacsiga yaga ayaa kujira qaybta kore ee ciwaanka looga dhigay “Sida aan U isticmaalno Xogtaada”.

Xaquuqaha Ilaalinta Xogta ee Yurub

Sharciga Yurub wuxuu ku siinayaa xaquuq gaar ah marka la eego Xogtaada Shaqsiga ah, waxaana kamid ah:

  • Xaquuqda aad ku codsanayso galitaanka iyo dib u sixidda Xogtaada Shaqsiga ah.
  • Xaquuqda aad ku codsanayso in Paxful uu tirtiro Xogta Shaqsiga ah oo gaar ah taasoo kula xiriirta.
  • Xaquuqda wareejinta xogta, taasoo ay kamid tahay xaquuqda codsiga in Xogta Shaqsiga ah ee cayiman ee aad na siisay nala ka wareejiyo loona wareejiyo maamule xog oo kale.
  • Xaquuqda aad kaga bixi karto heshiis kasta oo aad siisay Paxful si ay u aruuriso, u isticmaasho, ama ay u wadaagto xogtaada wakhti kasta. Fadlan ogsoonoow in ka bixidda heshiisku aysan saamaynayn sharci ahaanshaha in Paxful ay diyaariso Xogtaada Shaqsiga ah kahor inta aadan ka bixin.
  • Xaquuqda aad ku diidi karto diyaarinta Xogtaada Shaqsiga ah ee uu Paxful samaynayo, ayada oo lagu salaynaayo waxa gaarka u ah xaaladdaada gaarka ah.
  • Xaquuqda aad ku codsan karto in Paxful ay xanibto diyaarinta Xogtaada Shaqsiga ah, haddii xaalado sharci oo xanibaadda ah la buuxiyo.
  • Xaquuqda aad cabasho ugu gudbin karto maamulka la socoshada Yurub.

Fadlan ogsoonoow in sharciga khuseeya uu ka reebitaano siin karo mid kasta oo kamid ah xaquuqahaan, uu u ogolaan karo Paxful in ay diido codsigaaga, ama uu u ogolaado Paxful kordhinta muddada ay ka howlgalayso codsigaaga. Paxful waxaa sidoo kale laga yaabaa in ay kula soo xariirto si ay u xaqiijiso aqoonsigaaga, sida sharcigu u ogolyahay, kahor inta aysan ka howlgalin codsigaaga. si aad u adeegsato mid kamid ah xaquuqahaan, fadlan noola soo xiriir sida loogu soo hormariyay qaybta kore ee lagu magacaabo “Nala soo Xiriir”.

Xawilaadaha Caalamiga ah

Waxaa laga yaabaa in aan Xogta Shaqsiga ah ee la xiriirta dadka degan EEA u wareejino waddamada ee aysan Golaha Midowga yurub ka haynin in ay bixiyaan difaac ku filan, oo uu kamid yahay Maraykanku. Wareejinada noocaas ah oo kale, Paxful waxay dhaqan galinaysaa ilaalinta loogu tala galay in la xaqiijiyo in Xogtaada Shakhsiga ah ay hesho heer ku filan oo difaac ah. Haddii aad degen tahay gudaha EEA, Paxful waxay kaliya wareejin doontaa Xogtaada Shaqsiga ah haddii: waddanka xogta loo wareejinayo Xogta Shaqsiga ah uu helo go'aanka ku filnaanshaha ee Golaha Midowga yurub; Cidda helaysa Xogta Shaqsiga ah uu degan yahay Maraykanka uuna shahaado ka haysto Qaabka shaqada Difaaca Sirta ee Maraykanka-Yurub (US-EU Privacy Shield Framework); Paxful waxay meel dhigtay ilaalinta ku habboon ee khusaysa wareejinta, tusaale ahaan galitaanka Nidaamka Heshiisyada Caadiga ah ee Midowga Yurub (EU Standard Contractual Clauses) ee lala leeyahay cidda helaysa, ama; ka reebitaanka sharciga khuseeya ee isticmaalada mamnuucidda guud ee GDPR. Si aad u hesho nuqul kamid ah qaababka Paxful ay meelmarisay si ay gacan uga gaysato wareejinteeda xofta shaqsiga ah ee ka baxsan EEA, nagala soo xiriir sida horey uga qoran qaybta (“Nala soo Xiriir”) ee kore.

Gunaanadka California

U gudbinta macluumaadka ee soo socota waxay khusaysaa, waxaana si gaar ah loogu tala galay, dadka degan Gobolka California.

Xaquuqahaaga Siraha ee California

Ilaa heerka aan u gudbino macluumaad shakhsi oo la aqoonsan karo oo kugu saabsan qaybaha saddexaad kuwaas oo ay u isticmaalaan ujeedooyinkooda ganacsi ee tooska ah. Si aad u adeegsato xaquuqdaan, fadlan noola soo xariir sida lagu qeexay qaybta kore ee “Nala soo Xariir”.

Ha Daba galin Gudbinta macluumaadka

Webseedkeena looma diyaarin in uu ka jawaabo calaamadaha ama codsiyada “Do Not Track”(“Ha Daba galin”).

Xaqiiqooyinka Maxay Paxful ku samaysaa xogtaada shaqsiga ah
Sabab?

Shirkadaha dhaqaalaha ayaa doortay siday xogtaada shaqsiga ah cid kale ula wadaagayaan. Sharciga federaalka ayaa siinaaya macaamiisha xaquuq ay ku xadidaan qaar kamid ah shaacinta xogta laakiin maaha dhamaanteed. Sharciga federfaalka ayaa sidoo kale naga doonaaya inaan kuu sheegno qaabka aan u aruurinay, u shaacinay, una difaacayno xogtaada shaqsiga ah. Fadlan ogaysiiskaan si taxadar leh u akhri si aad u fahanto shaqadeena.

Waa maxay?

Noocyada xogta shaqsiga ah ee aan aruurino aana shaacino ayaa ku xiran maadada ama adeeggaa aad nala samaysay. xogtaan waxaa ku jiri kara:

  • Lambarka Social Security ama baaqiyada koontada
  • Taariikhda lacag bixinta
  • Taariikhda daynta ama dhibcaha heerka daynta

Markaad ka baxdo ahaanshaha macmiilkeena, waxaan sii wadaynaa inaan cid kale la wadaagno xogtaada sida loogu qeexay ogaysiiskaan.

Sidee?

Dhammaan shirkadaha dhaqaaluhu waxay u baahan yihiin inay cid kale la wadaagaan xogta macaamiishooda ee gaarka ah si ay shaqadooda maalinlaha ah u gutaan. Qaybta hoose, waxaan ku qornay sababaha shirkadaha ganacsigu cid kale ula wadaagi karaan xogta macaamiishooda ee gaarka ah; Sababaha ay Paxful u doorato shaacinta xogta; iyo inaad xadidi karto iyo inkale shaacintaan.


Sababaha keeni kara inaan cid kale u sheegno xogtaada shaqsiga ah

Paxful cid kale ma la wadaagtaa xogta?

Ma xadidi kartaa shaacintaan?

Sababo la xariira ganacsigeena maalinlaha ah - sida inaan lacag diristaada ka shaqayno, si aan u maamulno koontooyinkaaga, si aan uga jawaabno amarada maxkamada iyo baaritaannada sharciga, ama aan xog u siino laanta daymaha

Haa

Maya

Sababo dhanka suuq gaynta ah - si aan kuu siino badeecooyinkeena iyo adeegyadeena

Haa

Maya

Si aan suuq gayn wadajir ah ula samayno shirkadaha kale ee dhaqaalaha

Haa

Maya

Si aan ugu adeegsano ujeedooyinka ganacsiga maalin kasta ee iskaashatadeena - xog ku saabsan lacagaha aad dirtay iyo khibradahaaga

Haa

Maya

Si aan ugu adeegsano ujeedooyinka ganacsiga maalin kasta ee iskaashatadeena - xog ku saabsan sumcadaada daynta

Maya

Cidna u lama wadaagno

In dadka aan iskaashatada ku jirin ganacsi kula sameeyaan

Maya

Cidna u lama wadaagno

Su'aalo ma qabtaa?

Booqo www.paxful.com

Yaa nahay

Yaa soo diraaya ogaysiiskaan?

Ogaysiiska xogta sirta ah waxaa bixinaysa Paxful wuxuuna quseeyaa koontadaada shaqsiga ah ee Paxful.

Waxa aan samayno

Sidee ayay Paxful u difaacdaa xogtayda shaqsiga ah?

Si looga difaaco xogtaada shaqsiga ah gelitaan iyo isticmaal sharci daro, waxaan adegsanaa nidaamyada amaanka oo waafaqsan sharciga federaalka. Nidaamyadaan waxaa ku jira ilaalinta kumbuyuutarka iyo faylal iyo dhismayaal amaan ah.

Sidee ayay Paxful u aruurisaa xogtayda shaqsiga ah?

Waxaan aruurinaa xogtaada shaqsiga ah, tusaale ahaan, markaad

  • furato koonto ama aad na siiso xogta koontada
  • aad noo sheegto meesha lagaala xariiraaao ama aad lacag dirto
  • markaad isticmaasho koontadaada Paxful ama lacag laguugusoo diro

Waxaan sidoo kale xogta shaqsiga ah ka qaadnaa dadka kale, sida laanta daynta, iskaashatada, iyo shirkadaha kale.

Maxaanan u xadidi karin dhammaan wadaagista xogta?

Sharciga federaalka ayaa ku siinaaya inaad xadido keliya

  • xogta loo shaaaciyo ujeedooyinka ganacsiga maalin kasta ee iskaashatada — xog ku saabsan sumcadaada daynta
  • inaad ka difaacdo iskaashatada inay xogtaada u adeegsadaan si ay ganacsi kuula sameeyaan
  • in dadka aan iskaashatada ku jirin ganacsi kula sameeyaan

Sharciyada gobalka iyo shirkadaha gaarka ah ayaa ku siin kara xaquuqo dheeraad ah oo aad ku yaraynayso shaacinta xogta. Hoos ka fiiri xog badan oo ku aadan xaquuqda uu ku sinaayo sharciga gobalku.

Qeexitaanno

Iskaashatada

Shirkadaha uu halka talis wada leeyahay ama maamulo. Waxay noqon karaan shirkado dhaqaale ama kuwa nooc kale ah.

  • Iskaashatadeena waxaa kamid ah shirkadaha ku jira maamulka caadiga ah ee Paxful Holdings, Inc.

Shirkadaha aan iskaashigu naga dhaxayn

Shirkadaha aan lahayn halka mulkiole ama maamulo. Waxay noqon karaan shirkado dhaqaale ama kuwa nooc kale ah.

  • Shirkadaha aan iskaashigu naga dhaxayn ee aan xogta shaqsiga ah u sheegno waxaa kamid ah adeeg bixiyaasha sameeya adeegyada ama shaqooyinka ayagoo wakiil naga ah.

Suuq gayn wadaag ah

Heshiiska rasmiga ah ee u dhexeeya shirkadaha dhagaalaha ee aan iskaashiga nala lahayn kuwaas oo si wadajir ah kaaga iibiya madeecooyinka iyo adeegyada dhaqaalaha.

  • Iskaashatadeena isku dhafan ee dhaqaalaha waxaa ku jira shirkadaha dhaqaalaha.

Xogta kale ee muhiimka ah

Waxaan u diri karnaa xogta shaqsiga ah wadamada kale, tusaale, adeegga macaamiisha ama in laga shaqeeyo lacagaha la diro.

California: Haddii koontadaada Paxful leedahay ciwaanka boostada ee California, cidna lama wadaagi doono xogta shaqsiga ah ee aan kaa qaadnay marka laga reebo in uu fasaxaayo sharciga California.

Vermont: Haddii koontadaada Paxful leedahay ciwaan ku yaala Vermont, lama wadaagi doono xogta shaqsiga ah ee aan kaa qaadno dadka aan iskaashiga nala lahayn ilaa in sharcigu fasaxo maahee ama aad adigu ogolaato.