Kusoo biir xubnaha Paxful

Haddii aan nahay Paxful, waxaan ku dadaalnaa inaan isbadalo nuxur leh ku samayno nolol maalmeedka dadka. Waxaan aaminsan nahay in xoriyada dhaqaale ay tahay xaquuq aadanuhu leeyahay waxaana doonaynaa inaan arintaan xaqiijino. Kusoo biir halgankeena oo samee isbadal!

Ma doonaysaa inaad ogaato waxa Paxful tahay? Daawo muuqaalkaan oo ogoow xaqiiqada!

Kusoo biir xubnaha Paxful

Waa wax sidee ah in loo sheeqyo Paxful?

Ka shaqaynta Paxful waa wax caadi ah. Ayadoo leh afar xafiis oo daafaha caalamka ku kala firirsan, shaqaalaheena ayaa markasta heegan ku jira. Aad ayaan u shaqaynaa, u dadaalnaa, waxaana sii adkaynaa shaqada si aan u xaqiijino inaad markasta safka hore ku jirno. Waxaad marar badan arkaysaa shaqaalaha Paxful oo muusig ku dheelaaya, jiimka jooga, soo qaadanaaya cunto fudud, ama qoraxda ku naacawsanaaya. Waxay u ekaan kartaa wax laga badbadiyay laakiin waxaan iskugu yeernaa walaalo waayo waan isjecel nahay waana jecel nahay shaqadeena.

Shaqadeena

Yoolkeenu waa xoriyad dhaqaale oo lagu helaayo dhaqaale isdhaafsiga dadka caadiga ah. Anagoo adeegsanayna nidaam amaan ah, oo sax ah kana kooban macaamiil la xaqiijiyay, waxaan diirada saaraynaa inaan noqono aqoonsiga dhaqaalaha aduunka iyo turjumaanka caalamiga ah ee lacagta. Ayagoo dhigaaya waxbarashada safka hore, kooxdeena ayaa doonaysa inay caawiso dadka daafaha caalamka kala jooga inay isku xirmaan ayna dhisaan xariiro dhexmara, taasoo u sahlaysa inay wax isla bartaan ayna isla kobcaan. Dhammaanka maalinta, muhiimadu waa in laga abuuro isbadalo muuqda nolosha dadka oo dhan. Isbadal dhab ah oo ay keenayaan dad dhab ah.

Waan ku garab taagan nahay.

Waxaan dhawraynaa caafimaadkaaga

Waxaan bixinaa qado iyo casho la diyaarshay maalin kasta, xubinimada jiimka oo dookhaaga ah, kaabayaasha kaladuwan ee jirdhiska iyo nafaqada, masaajka iyo booqashooyinka baxnaaninta, iyo munaasabadaha kooxda ee caafimaadka la xariira. Talooyinka caafimaadka ee oonleenka aad kula galayso dhakhaatiir heer sare ah.

Waxaan u taagan nahay hormarkaaga

Laga bilaabo soo kormeerida jaamacadaha daafaha caalamka ilaa bixinta khayraadka aan xadidnayn ee tababarka iy hormarinta xirfada, waxaan aaminsan nahay in jidka kaliya ee hormar lagu gaari karo waa hormarin iyo waxbarasho joogto ah.

Waan jecel nahay inaan mararka qaar wax khaladno

Badelida caalamku maaha shaqo fudud. Marka si aan iskugu dheelitirno dhammaan shaqada adag, waxaan bixinaa nashaadaad, munaasabado, iyo xataa fasax shirkada oo dhan ah oo mushaar lagu qaato oo baashaal, khibrad barasho, iyo xariir aad kula samayn karto saaxiibadaada shaqada ee darafyada caalamka.

slider-image1
slider-image2
slider-image3
slider-image4
slider-image5

Waaxaha

Hormarinta Softweer

Wadnaha Paxful. Shaqaalaha wax soosaarka kaladuwan ayaa ku shaqeeya ruuxiyad dhakhso leh, ayagoo si joogto ah u abuuraaya wax soo saar cusub, cusboonaysiinaaya kuwii horay u jiray, higsanaayana gaarista mustaqbalka dhaqaalaha dadka caadiga ah kala badashaan.

Badeeco

Shaqaalaha wax soosaarka kaladuwan ayaa ku shaqeeya ruuxiyad dhakhso leh, ayagoo si joogto ah uga fakaraaya qaabab cusub oo ay kor ugu qaadaan khibrada isticmaalaheena. Naqshadeeyaasha, Maareeyaha Badeecada iyo Taxliiliyaasha ayaa u badala fikradahooda cajiibka ah, ee isbadalka wax soo saar iyo qalab la isticmaali karo.

Ku dhaqanka Xeerka iyo Khiyaanada iyo Khibrada Macmiilka

Waaxda ugu balaaran Paxful ayaa u qaybsan laamo kaladuwan si loo hubiyo in taageero 24/7 ah iyo xalinta khilaafka loo helo. Shaqaalahaan ayaa ka shaqeeya adkaynta amaanka barteena iyo isticmaalayaasha, ayagoo xaqiijinaaya in shuruudaha sharciga la buuxinaayo samaynaayana qiimayn dheeraad ah oo ku aadan blockchain.

Suuq gaynta

Kuwaani waa dadka faafinaaya bishaarada dhaqaale isdhaafsiga dadka caadiga ah ee daafaha dunida kala jooga. Ayagoo adeegsanaaya kanaalada saxaafada ee caadiga ah iyo kuwa nooca gaarka ah, waxay diirada saaraan inay fariinta gaarsiiyaan dadka ayagoo adeegsanaaya waxbarasho, mawduuc, iyo dhisida bulshada.

Dhaqaalaha

Waaxahaan ayaa saliid u ah mashiinkeena. Waxay hubiyaan in buugteena la cusboonaysiiyo iyo in dhammaan shaqooyinkeenu ay waafaqsan yihiin sharciga.

Shaqooyinka dadka

Waa dadka xaqiijiya in Paxful ay ahaado goobta shaqada ee ugu wanaagsan abid! Waxay maamulaan dhammaan dadaalada dadkeena, waxayna maamulaan dhammaan arimaha la xariira hormarinta ururka, iyo maaraynta shaqada xafiiska iyo mashruucyada kaladuwan ee maamulka.

Sida loogu biiro Shaqaalaha Paxful

Maslaxada labada dhinac iyo codsiga

U diyaar garoow wicitaan

Waraysiga koobaad

Sidee ayaad qaab guul leh ugu samaysaa waraysigaaga?

  • Ka akhri qaybta #BuiltWithBitcoin iyo higsigeena si aan sinaan dhaqaale ugu gaarno Bitcoin.
  • Gal baraheena bulshada. Haddii aadan aqoon waxa Bitcoin tahay, samee cilmi baaris si aad u fahanto aasaasiyaadka saamaynada tignoolajiyada iyo dhaqaalaha ay ku leedahay.
  • Gal baraheena bulshada si aad u fahanto qaabka dhaqankeena iyo isgaarsiinteena.
  • Noo sheeg wax ka badan inta ku qoran siifiigaaga! Maxaa kaa dhigayaa qof shaqadaan si gaar ugu qalma?