Fadlan sug intaan raadinayno yaboohyada kuugu fiican.

Buy from

Ku bixi lacagta

Price per Tether

Sida Looga iibsado Tether barta Paxful

Paxful waxay diirada saaraysaa inay adeegyada dhaqaalaha u furto malaayiin dad an oo aan helin adeegyada baanka oo ku filan daafaha caalamka. Waxaan ku siinayna xoriyad aad lacagtaada ugu badalato Tether (USDT) aadna u adeegsato sidaad rabto; ha noqoto inaad ku iibsato badeecooyin yio adeegyo, ka difaacida hantidaada sicir bararka, iibsashada badeecooyinka oonleenka ah, ama inaad ka difaacato isbadbadalka qiimaha lacagaha oonleenka ah.

Goobta ganacsiga ee dadka lagu xoojiyo ee Paxful, Waxaad Tether toos uga iibsan kartaa isticmaalayaasha adigga oo kale oo ku sugan daafaha caalamka. Ma jiraan bangi, shirkado, ama dhex-dhexaadiyaal kale oo door ku leh.

Halkaan ayaad ka helaysaa sida loo bilaabo:

  1. Furo ciwaan ama iska qor kaad horay u lahayd. Inaad Paxful iska qorto ayaad ku helaysaa kayd bilaash ah oo aad ku kaydsan karto USDT gaaga.
  2. Dooro qaabka lacag bixinta, geli cadadka aad doonayso oo ku isticmaal nooca lacagta aad rabto, kadibna riix Raadi Yaboohyo.
  3. Dulmar yabooh kasta oo akhri shuruudaha iyo xeerarkooda. Isha ku haay qiimayaasha ay dejiyeen iibiyaashu, iyo sidoo kale heerkooda sumcada iyo jawaab celinta aad u qiyaasto hufnaantooda.
  4. Markaad hesho yabooh ku habboon shuruudahaaga, xaqiiji cadadka aad bixinayso oo biloow ganacsiga. Tani waxay furaysaa wada hadal toos ah ood kala hadli karto iibiyaha isla markaba.
  5. Inta lagu jiro ganacsiga, iibiyaha ayaa ku siinaaya faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan sida loosii wadaayo. Raac tilmaamihiisa si taxadar leh oo xaqiiji lacag dirista marka aad lacagta dhiibto.
  6. Marka iibiyuhu xaqiijiyo lacagta la bixiyay, wuxuu fasixi doonaa USDT gaaga oo si amaan ah loogu hayo qaybteena baayacaada, ayadoo toos u galaysa kaydkaaga Tether ee Paxful.

Markaad dhamayso ganacsiga, waxaad ku isticmaali kartaa baaqigaaga Tether waxaad doonto, ama waxaad u wareejin kartaa kayd kale.

Ayadoo ay jiraan in ka badan 300 oo qaab oo lacagta lagu bixiyo ayna ku jiraan kaash, lacagaha baanka lagu diro, iyo kaararka hadiyada, iibsashada USDT marna maahayn wax fudud. Miyaadan u jeedin qaabka lacag bixinta aad doonaysay? Noosoo sheeg anaga ayaana iskudayi doona inaan ku darno nidaamkeena, wixii xog dheeraad ah, akhri Hooygeena Aqoonta ama la xariir kooxdeena taageerada.