Fadlan sug intaan raadinayno yaboohyada kuugu fiican.

Buy from

Ku bixi lacagta

Price per Ethereum

Sida Looga iibsado Ethereum barta Paxful

Paxful waxay diirada saaraysaa inay doorka dhaqaale siiso malaayiin dad ah oon bangi ku filan helin daafaha aduunka. Waxaan sarif fudud oo amaan ah siinaa lacagtaada iyo lacagaha kale ee oonleenka ee Ethereum (ETH) aadna ku isticmaali kartaa meeshaad ugu baahi badan tahay, laga bilaabo iibabka maalin kasta ilaa maalgashiga suuqyada.

Suuqeena dadku xoojiyaan ayaa kuu sahlaaya inaad Ethereum toos uga iibsato isticmaalayaasha ku dhaqan daafaha caalamka, ayagoo aysan jirin bangi ama dhexdhexaadiyaal kale oo door ku leh. Halkaan ayaad ka helaysaa sida aad si degdeg ah ugu iibsan karto ETH.

  1. Isdiiwaan geli – Isqor si aad u hesho kayd bilaash ah oo aad si amaan ah ugu kaydsan karto ETH kaaga.
  2. Noocyada yaboohyada – Dooro nooca aad doonayso ee lacag bixinta, geli lacagta aad rabto inaad bixiso nooc kastooy lacagtu tahayba, kadibna guji Raadi Yaboohyo. Si taxadar leh u akhri shuruudaha yabooh kasta oo gal bogga iibiyaha. Fiiro gaar ah u yeelo qiimayaashiisa, helitaanka, iyo jawaab celinta ka timaada ganacsiyada hore.
  3. Biloow ganacsiga –Haddii aad aqbasho shuruudaha iibiyaha, geli cadadka aad doonayso inaad maal gashato kadibna biloow ganacsiga. Tani waxay furaysaa wada hadal toos ah oo iibiyuhu uu kugu siinaayo tilmaamo faahfaahsan. U raac tilmaamahaas siday yihiin oo haka daahin inaad waydiiso su'aashaad rabto.
  4. Qaado ETH – Kadib markaad dirto lacagta aadna ganacsiga u astayso mid lacagtiisa la dhiibay, sii iibiyaha dhawr daqiiqo oo ku xaqiijiyo lacagta. Kadibna wuxuu lacagta ETH toos ugu fasaxayaa kaydkaaga Paxful.
  5. Fikirkaaga noo reeb – Noo sheeg anagga iyo isticmaalayaasha kale waxyaabaha aad kala kulantay qofka aad ganacsiga la samaysatay. Tani waxay muhiim u tahay dhawrista badqabka aaladeena.

Arag sida ay u tahay amaan, dhakhso, iyo wax fudud inaad Ethereum ka iibsato Paxful? Adoo haysta in ka badan 300+ dookh ood lacagta ku bixin karto, ku ganacsiga lacagta oonleenka ah ayaa hadda ah waxaan dadaal u baahnayn siday noqon kartay. Booqo Barteena Xogta ama la xariir kooxdeena taageerada si aad u hesho xog dheeraad ah.

Ayadoo ay jiraan in ka badan 300 oo qaab oo lacagta lagu bixiyo ayna ku jiraan kaash, lacagaha baanka lagu diro, iyo kaararka hadiyada, iibsashada ETH marna maahayn wax fudud. Miyaadan u jeedin qaabka lacag bixinta aad doonaysay? Noosoo sheeg anaga ayaana iskudayi doona inaan ku darno nidaamkeena, wixii xog dheeraad ah, akhri Saldhiga Aqoonteena ama la xariir kooxdeena taageerada.