Fadlan sug intaan raadinayno yaboohyada kuugu fiican.

Buy from

Ku bixi lacagta

Price per Bitcoin

Sida Looga iibsado Bitcoin barta Paxful

Ku iibso Bitcoin (BTC) qiimaha ugu hooseeya ee suurtogalka ah iyada oo aan loo eegin halka aad joogto. Paxful waxaa uu ku shaqeeyaa mabda'a dhaqaalaha ee ku dhisan asaag-ilaa-asaag kaas oo adiga awood kuu siinaya inaad ku iibsato BTC wax yar sida 10 USD. Waxaad si toos ah uga iibsan kartaa dadka adiga oo kale ah—adigoo an adeegsan bangiyo ama shirkado.

Qaybta ugu fiican? Wax khidmado ah malahan marka aad ku iibsanayso Bitcoin barta Paxful. Taasi waxay la macno tahay inaad lacagtaada ku hesho crypto badan. Waxaa mahad ah inay leeday ku dhawaad ​​400 oo hababka lacag bixinta ee laga heli karo madasha, waxaad u badeli kartaa lacagtaada Bitcoin adigoo adeegsanayo kaydadka onlaynka ah ama xawilaadaha bangiga. Waxa sidoo kale aad ka ganacsan kartaa lacagaha kale ee loo yaqaan cryptocurrencies sida Ethereum loogu talagalay Bitcoin, ama xitaa waxaad iibin kartaa kaararka hadiyada si aad ugu hesho jajabyada BTC soo celin ahaan.

Paxful waxa lagu ilaaliya khasnada heerka amaanka adag waxaana loogu maamulaa Maraykanka sidii Ganacsiga Adeegyada Lacageed. Suuqa waxaa si adag ula socda ciidankeena ka tirsan falanqeeyayaasha iyo isticmaalayaasha waa la xaqiijiyaa si loo hubiyo deegaan ganacsi oo ammaan ah. Dhammaan tallaabooyinkan ammaanka iyadoo ay jiraan, waxaad u nasan karta si fudud adigoo og in macluumaadkaaga iyo crypto-kaaga inay ammaan nagu yihiin anaga.

Halkaan waxaad ka heleysaa sida aad u bilaabi karto ka iibsashada Bitcoin barta Paxful:

  1. Iska diiwaangeli koonta ka sameyso Paxful - Hagaaji oona xaqiiji koontadaada si aad u hesho kaydka bilaashka ah ee Bitcoin ee leh ammaanka 2FA(2 Qodob Xaqiijinta). Habaynta koontadaada waa mid sahlan waxaana lagu samayn karaa daqiiqado. Waxa kaliya ee aad u baahantahay waa cinwaan iimayl oo sax ah, lambar taleefoon, iyo aqoonsi si aad u bilowdo.
  2. Raadi iibiye – GujiIibso tusamada ugu weyn xageeda oona dooro Iibso Bitcoin. Geli qaddarka aad dooneyso inaad kharashgarayso, lacagta aad door bidayso, iyo habka lacag bixinta ee aad ka dooratay dhinaca widget-ka si aad u hesho iibiyeyaasha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee buuxiyey shuruudahaaga.
    Waxaan kugula talineynaa inaad kala shaandheyso dhammaan Noocyada Isticmaalaha (Safiir, Xiriiriye, iwm.) si loo muujiyo iibiyeyaasha loogu kalsooni badanyahay ee soo maray lakab dheeraad ah oo ku aadan xaqiijinta amniga ee Paxful.
  3. Akhri shuruudaha – Guji badhanka Iibso si aad u aragto shuruudaha iibiyaha. Iyada oo ku xiran habka lacag bixinta, iibiyeyaasha waxay sidoo kale ku waydiin karaan inaad bixiso sawirka lacagaha ee kaydkaaga onlaynka ah, sawirka warqada lacag dhigashada bangiga, ama nuqul ka mid ah risiidka kaarka hadiyada ee aad iibsatay. Iibiyeyaasha qaarkood ayaa sidoo kale laga yaabaa inay ku weydiiyaan inaad soo dirto sawir adigoo gacanta ku haysta aqoonsiga saxda ah sababo ammaan oo dheeraad ah awgeed.
  4. Bilow ganacsiga – Haddii aad u hoggaansami karto shuruudaha iibiyaha, ku qor qaddarka Bitcoin ee aad dooneyso inaad ka iibsato aaladda widget-ka ka dibna guji Hadda iibso si aad u bilowdo ganacsiga. Tan waxay kuu furi doontaa wada sheekaysiga tooska ah ee iibiyaha halkaas oo aad ka heli doonto tilmaamo dheeraad ah oo ku saabsan sida loo dhamaystiro ganacsiga. Wadasheekeysiga tooska ah waxay diiwaangelisaa dhammaan fariimaha wayna ku ilaalin doontaa haddii aad la kulanto wax dhibaato ah, markaa fadlan ha kula xiriirin meel ka baxsan barta Paxful.
  5. Soo dir lacagta oo qaado BTC-gaaga – Mar haddii la buuxiyo dhammaan shuruudaha oo iibiyahana uu bixiyo tilmaanta hor u socoshada, u xawil lacagta oo guji La bixiyey isla markiiba. Qodobkaa marka ay marayso, BTC-ga iibiyaha waxa ay ku xiran tahay kaydka dhexdiisa si looga hortago in iskaashatadaada ganacsiga uu u aqbalo lacag bixintaada oo asagana uusan u soo fasixin crypto-ga. sida ugu dhaqsaha badan marka iibiyaha uu xaqiijiyo lacag bixintaada, Bitcoin waxaa laga soo fasixi doonaa kaydka waxaana lagu xawili doonaa kaydkaaaga Paxful.

Waxa kuu haray oo dhan waa inaad siiso iibiyaha falcelinta khibradaada waana taas un! Wixii macluumaad dheeraad ah, waxaad sidoo kale daawan kartaa muuqaalkeena faahfaahsan ee ku saabsan sida Bitcoin loogu iibsado barta Paxful.

Haddii aad wax su'aalo ah qabtid, fadlan guji astaanta wadasheekeysiga ee ku taala geeska midig ee hoose ee bogga si aad ula xiriirto kooxdeena taageerada. Halkaan adiga ayaan kuu joognaa 24/7—xitaa marka lagu jiro fasaxyada!

Ka iibsashada Bitcoin barta Paxful waa ammaan waana fudeed, laakiin erayadeena ha u qaadan iyada—akhri faallooyinka ay isticmaalayaasha Paxful ka bixiyeen ee aan la tirin karin ee ku teedsan daafaha caalamka.