Fadlan sug intaan raadinayno yaboohyada kuugu fiican.

Buy from

Ku bixi lacagta

Price per Bitcoin

Sida Bitcoin loogu iibsado Cash App

Cash App waa kayd oonleen ah iyo ablikeeshin lagu baxsho lacagta oo kuu sahlaaya inaad si degdeg ugu dirto ugana hesho lacag qoyskaaga iyo saaxiibadaa. Waxay sidoo kale kuu sahlaysaa inaad aqbasho lacagaha moobilka iyo kaarka ee ganacsigaaga ama inaad lacago u dirto koontadaada baanka.

Suuqa kala iibsiga tooska ah ee Paxful, waxaad hadda Bitcoin ku iibsan kartaa Cash App. Keliya raac talaabooyinkaan si aad u hesho BTC gaaga:

  1. Gal bartaada Paxful – Gal koontadaada Paxful ama furo mid cusub. Iska qorista Paxful waxay xaq kuu siinaysaa kaydkaaga Bitcoin adoon wax qarash dheeraad ah kaaga bixin.
  2. Dooro noocaaga lacag bixinta – Dooro Cash App oo noqonaaya qaabka lacag bixinta si aad usoo geliso liiska dhammaan yaboohyada aqbalaaya qaabkaan lacagta. Waxaad sidoo kale gelin kartaa cadadka aad doonayso inaad maalgeliso si aad uga reebto yaboohyada aan qusayn. Ma doonaysaa inaad ogaato cadadka Bitcoin ee aad heli doonto? Iskuday Aaladeena Xisaabiyaha Bitcoin.
  3. Hel yabooh wanaagsan – Raadi liiska yaboohyada oo xaqiiji inaad samayso hubinta shaqsiyada. Tixgeli helitaanka, dhibcaha sumcada taariikhda ganacsiga ee iibiyaha, iyo astaamaha kale ee noocaas ah. Markaad hesho yabooh wacan oo aad ku qanacdo, Si taxadar leh u akhri shuruudaha iibiyaha kahor intaadan ganacsiga bilaabin.
  4. Aqbal shuruudaha oo biloow ganacsi – Markaad Bitcoin ku iibsanayso Cash Up, markasta diyaarso $Cashtag kaaga iyo caddaynta lacag bixinta si aad u xaqiijiso ganacsi dhib yar. Iibiyaasha qaar ayaa sidoo kale codsan kara inaad usoo dirto koobiga aqoonsigaaga iyo dukumiintiyada kale si aad u xaqiijiso aqoonsigaaga. Marka u diyaar garoow codsiyada noocaas ah. Marka ganacsigu biloowdo, raac tilmaamaha iibiyaha. Ogoow in Paxful ay leedahay nidaam dhex-dhexaadin kaasoo haynaaya Bitcoin ka iibiyaha ilaa lacagta lagasoo diro si lagaaga difaaco tuugada soo geli akrta. Marka ganacsiga si guul loo dhameeyo, waxaad Bitcoin ka toos ugu helaysaa kaydkaaga Paxful.

Haddii aan nahay Paxful, waxaan fududaynaa aana badqab ka dhignaa ku iibsashada BTC lagu iibsado Cash App. Si aad xog dheeraad ah uga barato Bitcoin ka iibsashada Bitcoin barteena, waxaad geli kartaa barteena aqoonta ama la xariir kooxdeena taageerada.