Dukaanka Paxful

Nidamakeena lacagta rasmiga ah si loo xoojiyo ganacsigaaga oonleenka ah

Paxful waa suuqa ganacsiga Bitcoin ee dadka caadiga ah oo xoriyad dhaqaale siinaaya dhammaan dadka jooga daafaha caalamka. Dukaankeena ayaa xoriyadaan gaarsiinaaya sarifka lacagaha oonleenka ah si looga caawiyo macaamiisheena inay koontooyinkooda ku shubtaan Bitcoin. Maxaa kale? Waxaad helaysaa dakhliga ootomaatiga ah ee iskaashadaha ood ku helayso dhammaan iibabka ay sameeyaan macaamiisha aad keento Paxful, abidkaa.

Keliya 3 tallaabo oo fudud

  • 1. Furo dukaankaaga oonleenka ah ee Bitcoin

  • 2. Ku shub lacagta adoo galaaya webseedkaaga ama kanaalka

  • 3. Qaado dulsaarta 2% ikhtiyaariga ah markasta ood iib samayso

Abuur Dukaankaaga Paxful oo hormari ganacsigaaga maanta!

Markaad isdiiwaan geliso waxaad aqbalaysaa shuruudaha Adeegga Paxful, Shuruudaha Adeegga Barnaamijyada la shaqeeya, iyo ogaysiiska Sirta

Waxaa adeegsada magacyada ugu waawayn ee lacagta oonleenka ah

Anagoo adeegsanayna xalkeena degdega ah dhab ahaantii waa wax fudud oo dhakhso leh inaad kusoo biiriso macaamiil cusub aadna tusto bilaabida ganacsiga Bitcoin. qaar kamid ah ganacsiyada ugu waawayn ee ganacsiga ku jira ayaa marhoraba isticmaalaaya dukaankeena si lamid ah adigga!

Bitmart

Iskaashiga nagala dhexeeya Bitmart ayaa hadda u furaaya macaamiisha inay iibiyaan ayna iibsadaan lacagta oonleenka ah ayagoo adeegsanaaya Dukaanka Bitcoin ee Paxful.

Faa'iidooyinka adeegsiga dukaanka Bitcoin ee Paxful

Faa'iidooyinka adeegsiga dukaanka Bitcoin ee Paxful

Waa wax dhakhso lagu furan karo oo si fudud loo nidaamin karo

Waxaad dukaankaaga dib ugu nidamain kartaa cadadyada horay loo qeexay qaababka lacag bixinta, iwm, iyo sidoo kale isbadelo qurxin ah sida midabka iyo naqshada.

Ma jiraan wax lacag celin ah

Ka ganacsade ahaan ma qabtid wax khatar lacag celin ah maadaama lacagaha ay bixiyaan macaamiishaadu ay soo maraan suuqeena p2p.

Taageerada hal abuurayaasha

Waxaan bixinaa nidaamin casriyaysan oo ku aadan naqshada webseedyada iyo ababka. Xog badan ka fiiri dukumiintigeena hal abuurayaasha.

In ka badan 300 oo qaabka lacag bixinta ah

Macaamiishaada ayaa adeegsan kara mid uun ka mid ah qaababkeena lacag bixinta oo dhan 350+ si ay ugu maal gashaan koontooyinkooda Bitcoin ayagoon lacagta lagala noqon karin.

Dulmar isdhexgal leh

Ma tahay qof shaqada gacanta jecel? Waan fahmaynaa. Waana kuu dadaalaynaa! Halkaan waxaad ka helaysaa dulmar isdhexgal leh oo aan u abuurnay inaan kaa caawino inaad fahanto sida dhammaan arimuhu u shaqeeyaan. Tani waxay ku gaarsiinaysaa higsigaaga muddo kooban.

Arag ayadoo shaqaynaysa
Dulmar isdhexgal leh Dulmar isdhexgal leh
Dulmar isdhexgal leh Dulmar isdhexgal leh

Waxaa la heli karaa in kabadan 300 fiat on-ramps

Macaamiishaada ayaa adeegsan kara mid uun ka mid ah 350+ qaab ee lacag bixinta aan aqbalno. Bitcoin ka waxaa toos loogu shubaa koontadaada ayadoo la adeegsanaayo sarifka ama aalada.

Lacagaha Lagu Diro Baanka

Paxful wuxuu tageera dhamaan shabakadaha bangiyada caalamiga ah. Xawilidda bankiga waa mid maxali ah lacag ku shubidana waxay qadaneysa maalin gudaheed.

Kaydadka oonleenka ah

Isticmaalayaashaada ayaa lacag ku bixin kara mid un kamid ah kaydadka caanka ah ee lacagta oonleenka ee Bitcoin kooda.

Lacag bixinta kaashka ah

Aqbal lacag ku shubidda maxaliga ee dhaqsida ah ee ka dhacda dunida oo dhan iyada oo la adeegsanaaya p2p da Paxful oo ku kobceysa kaashka on-ramps ka ah. Oo ku haboon lacagta aan bangiga la dhigin.

Kaarka Lacagta kaashka ah/Amaahda ah

Qaab fudud, amaan ah oo lagu qanci karo oo isticmaalayaashu ay ku iibsan karaan Bitcoin oonleenka.

Lacago oonleen ah

Isticmaalayaasha ayaa si qanaaco leh u faarujin kara baaqiyadooda lacagaha kale ee oonleenka ah si ay Bitcoin u gataan.

Su'aalaha Badanaa La Weydiiyo

Wali ma cadda miyaa? Halkaan ayaad ka helaysaa su'aalaha ugu caansan ee ay soo gudbiyeen macaamiisha dukaanka ee kaa horeeyay, iyo jawaabihii aan ka bixinay, si ay gacan uga gaystaan in wax kasta kuu cadaadaan.

Haa, Dukaanka Paxful waa xal kugu habboon. Markaad samaysato dukaanka sarifkaaga, waxaad lacag kaash ah oo fudud dhakhsana ah macaamiishaada.

Koonto ka furo Paxful.com, kadibna buuxi foomka KYC ee shirkada.

Bitcoinka macmiilkaaga ayaa loo diri karaa kayd aad adiggu maamusho, ama ciwaanka kayd gaar ah oo bartaada ku jira.

Haa. Waxaad nidaamin kartaa midabka waxaadna ku dari kartaa naqshadaada gaarka ah.

Dukaanku wuxuu kuu sahlayaa inaad gasho dhammaan lacagaha Paxful aqbasho iyo noocyada lacag bixinta.

Haa. Waad ku rakibi kartaa Dukaanka yaboohyadaada gaarka ah.

Khatarta lacag celinta waxaa maamula iibiyaasha aalada Paxful. Marka Bitcoin ka macmiilkaaga laguusoo diro, ma jiro khatarta lacag celinta oo ku dhacaysa ganacsigaaga.

Waxaa noo jooga shaqaale balaaran oo aad loo tababaray oo ka badan 100 qof. Waxay dhexdhexaadin iyo xalin ku sameeyaan khilaafaadka 24/7.

Waa hanaan fudud oo 3 talaabo ah waxaadna awoodi doontaa inaad uga shaqaysiiso muddo daqiiqado ah.

Waxay la badqab tahay ku ganacsiga Paxful.

Bogga Hore ee Dukaanka koontadaada Paxful ayaa ku siinaaya dhammaan xogta iyo tirakoobka dukaannadaada iyo lacagaha kaagasoo xarooday.

Lacagta aad hesho waxaa lagu baxshaa Bitcoin kadib mar kasta oo aad lacag iibsato, ayadoo toos loogu shubo kaydkaaga Paxful.

Maya, macaamiishaadu marna uma baahan doonaan inay ka guuraan webseedkaaga. Waxay ka iibsan karaan Bitcoin kooda gudaha webseedkaaga.

Waxaan u dhisnay una nidaaminay nidaamka KYC si waafaqsan softweerka Jumio. Isticmaalayaasha KYC ayaa u baahan aqoonsi, sawirka wajiga, iyo POA. waxaa jira qaabab kala qaysan oo ku salaysan xajmiga iyo deegaanka kaasoo laga doonaayo isticmaalayaasha KYC.

Macaamiishaada ayaa heli doona dookh ay ku adeegsadaan mid kamid ah in ka badan 300 oo qaab oo lacag bixin ah oo ay aqbalayso Paxful. Waxaan markasta ku daraynaa qaabab cusub oo lacag bixin liiskaan.

Qaababka lacag bixinta waxaa ku jira lacagaha baanka maxaliga ah lagu diro, Paypal, SEPA, Kaarka Daynta, Western Union, Alipay, iyo Vanilla Card.

Dukaanka waxaa loo adeegsadaa bogagaaga shaqsiga ah, qoraallada, kanaallada YouTube iyo wixii lamid ah.

Haa, waxaan kala shaqayn karnaa kooxdeena suuqgaynta si ay u helaan qaabab kaladuwan oo ay kusoo shaac bixinayaan xariirka cusub.

Dukaanku wxa uu u adeeggaa dhammaan macaamiisha aduunka ee ka baxsan wadamada OFAC, si lamid ah sida barteena guud samayso. Waxaan leenahay aasaaska isticmaalaha oo adag oo noogu yaala wadan kasta oo wayn iyo lacagta qaranka.

Su'aalaha Badanaa La Weydiiyo Su'aalaha Badanaa La Weydiiyo
Diyaar ma u tahay dukaankaaga gaarka ah ee Bitcoin? Diyaar ma u tahay dukaankaaga gaarka ah ee Bitcoin?

Diyaar ma u tahay dukaankaaga gaarka ah ee Bitcoin?

Dajinta Dukaankaaga Bitcoin ee Paxful waa shaqo fudud oo dhakhso ah. Keliya abuur ciwaan, u bixi dukaankaaga magac, waxaadna u diyaarsan tahay inaad shaqadaada biloowdo. Biloow hadda!

Furo ciwaan