The Affiliate Program has been temporarily paused as we make changes to create a fair and sustainable program for the Paxful community. Learn more here.

Iskaashadaha Paxful

Hel ood ku helayso inaad Dad Kusoo Xirto Paxful

Barnaamijkeena Iskaashadaha Bitcoin wuxuu kaa caawinayaa inaad xoriyad dhaqaale gaarsiiso bulshadaada. Abaal marin ahaana, waxaad helaysaa dakhli joogto ah sidoo kale.

Dad kusoo xir Paxful

Dakhli degdeg ah ood ku helayso Ganacsi Kasta

Waxaad lacag helaysaa markasta oo dadka aad kusoo xirtay Paxful, dadka ay casuumaan, ay iibsadaan Bitcoin.

Dakhli aad ku helayso Ganacsi Kasta

Waxaad lacag helaysaa markasta oo dadka aad kusoo xirtay Paxful, dadka ay casuumaan, ay iibsadaan Bitcoin.

Hel 50% Lacagta Dalaalka Hel 50% Lacagta Dalaalka

Marka dadka aad casuunto ay Bitcoin ka iibsadaan Paxful.

Hel 10% Lacagta Dalaalka Hel 10% Lacagta Dalaalka

Marka dadka ay soo casuumaan saaxiibadaadu ay Bitcoin ka iibsadaan Paxful.

Maxaad U noqonaysaa Iskaashade?

Barnaamijkeena Iskaashadaha Bitcoin waa qaab wanaagsan oo aad ku faafinayso fariinta lacagta oonleenka ah gudaha bulshadaada.

Kaydka BTC
Hel Bitcoin Hel Bitcoin

Waxaad helaysaa 50% lacagta dalaalka markasta oo qof kamid ah iskaashatadaadu uu iibsado Bitcoin.

Shabada sii balaaranaysa
Balaari Shabakadaada Balaari Shabakadaada

Si aad u hesho 10% lacagta dalaalka markasta oo qof kamid ah shabakabadaadu uu iibsado Bitcoin.

Kaash la bixid
Kaash U badalo Markaad Rabto Kaash U badalo Markaad Rabto

Markaad hesho ugu yaraan Bitcoin u dhigma 10 USD, waxaad faa'iidadaada oo kaash ah ku shuban kartaa Kaydkaaga Paxful markaad doonto.

Noqo Iskaashade

Sidee Ayay U shaqaysaa?

Aad ayay u fududahay, dhab ahaantii—Noqo iskashadaha Bitcoin adoo maraaya sadex talaabo oo fudud.

Noqo Iskaashade
Casuum qof kasta Casuum qof kasta

Ku faafi koodhkaaga ama lifaaqaaga Iskaashadaha baraha bulshada, kulannada lacagaha oonleenka ah, ama bulshooyinka. Waxaad ka heli kartaa koodhkaaga qaaska ah ama lifaaqa Bogaaga Hore ee iskaashadaha (webka) ama qaybta Iskaashadaha (moobilka).

Noqo Iskaashade
Bar Ganacsiga Bar Ganacsiga

Bar iskaashatadaada lacagaha oonleenka ah iyo sida loogu ganacsado Paxful. Mar kasta oo ay iibsadaan Bitcoin, waxaad helaysaa 50% lacagta dalaalka. Waxaad sidoo kale helaysaa 10% qarashka dalaalka mar kasta oo qof kamid ah iskaashatadooda Bitcoin ka iibsado Paxful.

Noqo Iskaashade
Lacagta Ku Qaado Lacagta Ku Qaado

La soco dhaqdhaqaaqa iskaashadahaaga adoo galaaya Boggaaga Iskaashadaha oo si ootomaatig ah ula soco lacagta kusoo gasha oo kordhaysa. Markaad hesho lacag gaaraysa ugu yaraan 10 USD, waxaad ku shuban kartaa kaydkaaga Paxful.

Biloow
Waa wax lagu farxo sax? Waa wax lagu farxo sax? Aan Kuu biloowno!

Ka furo koontadaada bilaashka ah aalada Paxful kadibna biloow inaad dad casuunto.

Su'aalaha Badanaa La iswaydiiyo ee Iskaashadaha

Waxaad dabcan qabtaa dhawr su'aalood. Hoos, waxaan uga jawaabnay qaar kamid ah su'aalaha ugu caansan.

Waa maxay Paxful?
Paxful waa suuq dadku toos wax ugu kala iibsadaan oo kuu sahlaaya inaad iibsato aadna iibiso lacag oonleen ah adoo adeegsanaaya wax kamid ah in ka badan 300 oo qaab oo lacagta lagu bixiyo. Waa eBay, laakiin dhanka lacagta ah -- gabi ahaana maleh wax xadidaad ah. Waxaa noo jooga tiro ka badan 4.8 milyan oo isticmaale oo ka socda daafaha caalamka. Dhammaan ganacsiyada lagu sameeyo Paxful waxaa lagu sugaa amaankooda nidaamka dalaalka, taasoo macnaheedu yahay inaad si badqab leh u diri karto lacagta adoo og in lacagtaadu dhawrsan tahay.
Xagee ayaan ka fiirin karaa lacagaha igasoo gala iskaashadahayga?
Waxaad ka fiirin kartaa lacagaha kusoo gala labadaba boggaaga hore ee iskaashadaha iyo iibiyaha.
Ma abuuri karaa lifaaqyada iskaashadaha si aad dabagal u sameeyo?
Haa. Bogga hore ee Iskaashadaha, waxaad abuuri kartaa lifaaqyo la dabageli karo oo ku jira qaybta Aqoonsiga Dabagalka, si aan dadka ula wadaagto soojeedinadaada lacagaha oonleenka ah.
Maxaan la ogolayn?
Si aan u xaqiijino inaan dhammaan isku meel ka aragno waxa la ogol yahay iyo waxa aan la ogolayn, waxaan hoos ku qornay qaar kamid ah talaabooyinka aad iska ilaalinayso ka Iskaashade ahaan.

  • Abuurista koontooyin badan - waxaa laguu ogol yahay keliya hal ciwaan inaad Paxful ku yeelato.
  • Adeegsiga leexooyinka (sii gudbinta) ka timaada webseedkaaga oo aad geliso webseedka Paxful.
  • Samaynta fal khiyaano ah si aad u hesho iskaashato.
  • Iibsiga xayeysiinada badeecooyinka sumada leh, sida: Paxful, paxful.com, ama qaab lacageedyo kale oo kasta - ayna ku jiraan qaybaha sida khaldan loo hinkaadshay.
  • Adeegsiga naqshadaha shirkadaha kale ee tartanka nagula jira si aad u xayeysiiso naqshada Paxful - sidoo kale isku babac dhigida Paxful iyo shirkadaha kale, adoo shirkadaha kale ka dhigaaya wax qurun ah.
  • Inaad daabacdo xog been ah si aad u soo jiidato macaamiil cusub, ama marin habaabinta macaamiisha qaab ay noqotaba.
  • Badalida lacagaha kuu dul saaran Ishaashadahaaga Paxful.
Ma doonaysaa inaa xog dheeraad ah hesho? akhri Shuruudaha Adeegga ee Barnaamijkeena Iskaashadaha.
Waa maxay barnaamijka Iskaashadaha ee Paxful, sidee ayuuse u shaqeeyaa?
Barnaamijka iskaashadaha ee Paxful waa fursad cajiib ah oo aad lacag ku helayso la wadaagista Paxful qof kasta oo bulshadaada kamid ah. Waa wax aad u fudud run ahaantii—dad ayaad kusoo xiraysaa Paxful, kadibna waxaad saami ku yeelanaysaa lacagta looga qaado dalaalka markasta oo ay lacag oonleen ah ka iibsadaan Paxful. Waxaad helaysaa 50% lacagta dalaalka* ee dadka aad kusoo xirto barta Paxful, iyo 10% lacagta dalaalka* ee dadka ay ayagu kusoo xiraan Paxful. Tanina maaha wax halmar dhacaaya, laakiin waxay dhacaysaa markasta oo ay lacag oonleen ah ka iibsadaan Paxful. Waxaad dhisi kartaa shabakadaada dadka aad kusoo xirto barta si fudud markaad ku qurxiso lifaaqaaga iskaashadaha waxyaabo aad abuurtay, aad ku shaaciso baraha bulshada, ama aad ku xayiisiiso webseedkaaga.
Waa maxay lacagta dulsaarta ah ee aan ka helaayo qayb kasta oo barnaamijka kamid ah?
Lacag ayaad helaysaa mar kasta oo hal iskaashatadaada kamid ah, ama dadka uu iskaashadahaas soo xiro uu ganacsi ku sameeyo Paxful. Cadadka aad hesho waxaa lagu jaan gooyaa qarashkeena dalaalka, kaasoo ah 1% cadadka lacagta lagu ganacsado, marka laga reebo in lacagta dalaalku ay ka yar tahay 1%. Haddii lacagta dalaalku ka yar tahay 1%, qarashka laga jaraayo iskaashadaha waxaa lagu xisaabinayaa hadba nooca dalaalka laga qaado. Qaabka lacag bixintu waa sidaan soo socota: Qaybta 1 aad: Waxaad helaysaa 50% dalaalka caadiga ah marka isticmaaluhu si guul leh u iibsado lacagta oonleenka ah. Qaybta 2 aad: Waxaad helaysaa 10% dalaalkeena caadiga ah marka isticmaaluhu si guul leh u iibsado lacagta oonleenka ah.
Waa maxay mawduucyada iyo ilaha xayiisiinta ee ah qaababka ugu wanaagsan oo loosoo jiito dad badan oo isticmaala lifaaqayga iskaashadaha?
Waxaa jira ilo badan oo kaladuwan oo faa'iido kuu abuuri kara, ayna ku jiraan bartaada faalada, webseedkaaga, Google AdWords, Yandex Direct, xayiisiinada Yahoo/Bing, moobilka iyo khadadka, YouTube iyo baraha kale ee madadaalada iyo dhaqaalaha. Baraha bulshada ayaa sidoo kale ah il wayn oo kaa caawinaysa inaad hesho dad aad kusoo xirto Bitcoin. Waa wax wanaagsan inaad Aqoonsi dabagal ah ku xirato dhammaan xayiisiinada kaladuwan ee aad samayso, si aad u raadiso waxa sida ugu haboon kuugu shaqaynaaya aadna dakhli uga heli karto arintaas.
Intee jeer ayaa la cusboonaysiiyaa tira koobyada ku qoran Bogga hore ee Iskaashadayda?
Tira koobyada ayaa lagu cusboonaysiiyaa waqti kasta Bogga hore ee Iskaashadahaaga. Marka wax kasta oo aad uga jeedo boggaaga hore ayaa muujinaaya meesha wax marayaan xiligaas.
Waa maxay sababta qaar kamid ah iskaashadaydu ay u sameeyaan tiro badan oo ganacsiyo ah, halka qaar ay keliya isqoraan aysana wax ganacsi ah samayn?
Dadku waxay qabaan baahiyo kaladuwan. Qaar ayaa doonaaya inay iibsadaan Bitcoin kooda koobaad oo ay ka iibsadaan Paxful kadibna ay meel dhigtaan bilo ama xataa sanado, halka kuwo kale ay sii wadaan u adeegsiga barta iibinta ama iibsiga lacago kale, Heerka shaqada ee iskaashadahaaga ayaa sidoo kale ku xiran nooca mawduuca aad abuurto si aad ula wadaagto iyo dadka aad diirada saarayso.
Goormaan lacag helayaa?
Lacagta aad ku hesho soo jeedintaada lacagta oonleenka ah ayaa badanaa lagu shubaa kaydkaaga Iskaashadaha sida ugu dhakhsaha badan ee iskaashadahaagu ku sameeyo ganacsiga. Marka lacagta aad hesho ay gaarto faa'iidooyinka iskaashadaha Bitcoin oo dhan 10 USD, waxaad u wareejin kartaa kaydkaaga Paxful markaad doonto. Markaad hesho Bitcoin u dhigma 300 USD, waxaan kaa doonaynaa inaad samayso xaqiijinta aqoonsiga iyo ciwaanka. Tilmaanta Pro: Waxaad ku iibin kartaa lacagaha Bitcoin ka ee kusoo galay barteenka si aad u hesho faa'iido dheeraad ah.
Xagee ayaan ka fiirin karaa lifaaqa iskaashadahayga?
Waxaad ka heli kartaa lifaaqaaga iskaashadaha bogaga hore ee iskaashadaha iyo iibiyaha.
Xagee ayaan ka arki karaa aqoonsiyadayda caadiga ah ee dabagalka?
Mustaqbalka dhaw, waxaad awoodi doontaa inaad aragto aqoonsigaaga dabagalka isla bogaaga hore. Isha ku haay!
Wadamadee ayay tahay inaan diirada saaro markaan raadinaayo dad aan barta kusoo xiro?
Paxful waa shirkad caalami ah waxaana lagu adeegsan doonaa oonleen ahaan meel kasta oo interneed leh. Marka suuqyada aad rabto inaad diirada saarto waa arin gabi ahaanba adigga kuu taalla—deegaanka, gobalka, qaranka ama meelo kale. Hadda isticmaalayaasheenu waxay ka kala yimaadaan Maraykanka, ayadoo qaaradaha Afrika, Asia, iyo Laatiin Ameerika ay yihiin suuqyadeena ugu kobaca badan.
Meeqa qaybood ayuu ka kooban yahay Barnaamijka Iskaashadaha ee Paxful, sidee ayayse u shaqeeyaan?
Kuma xadidnid inaad Bitcoin ku hesho keliya iskaashadaha tooska ah. Taas badalkeed, waxaa jira labo qaybood oo Barnaamijka Iskaashadaha Paxful ka kooban yahay - mid toos ah iyo mid dadban. Qaybta 1 aad: Kuwaani waa iskaashatada sida tooska ah iskaga diiwaangasha lifaaqa aad u dirtay. Qaybta 2 aad: Kuwaani waa iskaashatada iska diiwaan gasha lifaaqa uga yimid mid kamid ah iskaashatadaada.
Haddii iskaashadahaygu uu ganacsi la samaynaayo iskaashade kale, wali ma helayaa dulsaartaydii oo buuxda?
Haddii labo kamid ah dadka aad barta kusoo xirtay ay ganacsi wada samaynayaan, markaas waxaad helaysaa 25% wadarta guud ee ganacsigaas halkii aad ka heli lahayd 50%.
Qof aan kusoo xiray Paxful, ayaa is qoray asagoon isticmaalin lifaaqayga. Wali miyaan heli karaa dulsaar?
Nasiib daro maya. Dakhliga laga helo dadka aad kusoo xirto barta ayaa keliya laga heli karaa dadka isqora ayagoo adeegsanaaya lifaaqaaga gaarka ah ee iskaashadaha.
Waxaan leeyahay kanaal la xariira Bitcoin oon ku leeyahay baraha bulshada. Ma ku xayeysiin karaa bogaas Paxful?
Haa gabi ahaanba! Paxful waa mid kamid ah qaababka ugu fudud ee qof kasta oo jooga aduunka, meel kasta uu ku iibsan karo kuna iibin karo Bitcoin. Dadka aad kusoo xirto lacagaha oonleenka ah ayaa isdiiwaan gelin kara ayagoo adeegsanaaya lifaaqaaga iskaashadaha kadibna bilaabi kara iibsiga ama iibinta Bitcoin daqiiqado gudahood! Markasta oo ay Paxful lacag ka iibsadaan, waxaad helaysaa dakhliga dulsaarta iskaashadaha.