Xeerka AML

Paxful, Inc. iyo Paxful USA, Inc. (gaar ahaan iyo wadar ahaanba loo yaqaano, (“Shirkadda”) “Company”), waxay ku wada shaqeeyaan shuruucda Gobolka Delaware uu ku bixiyo adeegyada ayaka oo isticmaalaya goobta suuqa ay wax isku dhaafsadaan dadka isku adeegga baxsha ("P2P") ee internet-ka u oggolaanayo si loo iibsado loona iibiyo hantida casriga ah.

Shirkaddu waxay uga diiwaangashan tahay in ay tahay Ganacsi dhanka Adeegga Lacagta ah Shabakadda Maamulka Danbiyada Dhaqaalaha ee Waaxda Maqalhaynta Maraykanka (United States Treasury Department’s Financial Crimes Enforcement Network (“FinCEN”). Xeerarka Kahortagga Lacag Dhaqidda Paxful (Paxful's Anti-Money Laundering (“AML”) iyo hanaanada loogu talagalay in ay qabtaan howlaha sharci darrada ah ee ka dhacaya shabakadda, ayaa ka ilaalinaya isticmaaleyaasha, ganacsiga, iyo lacagaha casriga ah iyo bulshooyinka adeegyada dhaqaalaha in danbiileyaashu ka faaidaystaan. Shirkaddu waxay u hogaansan tahay Cahdiga Sirta Bangiga iyo shuruucda iyo tilmaamaha khuseeya ee FinCEN.

Ayada oo qayb ka ah xeerarka Hogaansanaanta Paxful, xeerarka Baro Macmiilkaaga(Know Your Customer (“KYC”) iyo hanaanada loogu tala galay macaamiisha shakhsiga ah iyo kuwa hay'adaha ah ayaa loo diyaariyay si Shirkadda awood loogu siiyo in ay samayso rumayn macquul ah oo ah in ay ogtahay aqoonsiga dhabta ah ee macaamiisheeda kuwaas oo dib u eegista noocaas lagu sameeyay. Xeerku wuxuu qabanayaa dhammaan isticmaaleyaasha kujira shabakadda waxaana raacaya dhammaan shaqaalaha Shirkadda, la taliyeyaasha, saraakiisha, mulkiileyaasha iyo agaasimeyaasha.

Ayada oo isticmaalaysa qaab khatarta loo isticmaalo oo qayb ka ah u Hogaansamidda KYC & AML, Pxaful waxay qaadday talaabooyinka soo socda:

  • Magacaabidda Sarkaalka Madaxa ka ah u Hogaansamidda kaasoo leh heer ku filan oo ah khibradda iyo madax banaanida, leh mas'uuliyadda korjoogtaynta u hogaansamidda shuruucda khusaysa, nidaamyada, sharciyada iyo tilmaamaha shirkadda;
  • Samaynta iyo ku dhaqanka KYC khatarta loo isticmaalo, Xeerka Dadaalka Macmiilka Laga rabo (Customer Due Diligence (CDD), iyo Dadaalka Sare ee Laga rabo (Enhanced Due Diligence (EDD);
  • Samanta waax khataraha loo isticmaalo oo loogu tala galay xaqiijinta isticmaaleyaasha Shirkadda (ka tixraac qoraal kaan);
  • La shaqaynta codsiyada dhaqan galinta sharciga iyo shuruudaha maamulka gudaha;
  • Gudbinta Warbixinada Howlaha Laga shakiyo (Suspicious Activity Reports) (“SARs”);
  • Tababarka BSA/AML/OFAC ee shirkadda oo dhan;
  • Isticmaalka hanaano badan oo looga hortago been abuurka;
  • Sharci socda oo ku salaysan la socoshada xawilaadda;
  • Baaritaanka ayada oo la isticmaalayo falanqaynta isku xiran;

Waxaan gudbinaynaa SARs haddii aan ogaano, shaki ama aan haysano sabab aan ooga shakino howlo laga shakin karo in ay ka dhaceen shabakaddeena. Xawilaad laga shakin karo caadiyan waa midda aan waafaqsanayn ganacsiga sharciga ah ee isticmaalaha, howlaha shaqsiga ah ama qaabka shaqsiga ah. Sarkaalka yaga Madaxda ka ah u Hogaansamidda waxa uu dib u eegayaa uuna baarayaa howlaha laga shakisan yahay si uu u go'aamiyo haddii macluumaad ku filan la aruuriyay si loo caddeeyo in la gudbiyo SAR. Sarkaalka yaga Madaxda ka ah u Hogaansamiddu wuxuu haynayaa diiwaanada iyo dukumiintiyada taageeraya dhammaan SARs-yada la gudbiyay.

Shirkadu waxay sidoo kale meelmarisay xeerarka cunaqabataynta OFAC iyo hanaanada loogu tala galay in looga ilaaliyo shabakadda in loo isticmaalo xawilaadaha la mamnuucay, taasoo ay samaymayaan shakhsiyaadka la cunaqabateeyay ama ujeeddada ka baxsashada, ka fogaanshaha ama haddii kale iska ilaalinta cunaqabataynada Maraykanka iyo kuwa dunida.

Paxful waxay si buuxda ula shaqaynaysaa OFAC, Muwadiniinta Gaarka Laga dhigay (Specially Designated Nationals) (SDN) iyo liiska cunaqabataynta dadka la xannibay. Fadlan ka tixraaclifaaqa soo socda si aad u hesho waddamada Shirkaddu mamnuucday ee khatarta lagu saleeyay kuwaas oo laga hor istaagay isticmaalka shabakadda Paxful.

Halka Paxful ay ku siisay tarjumaadda nooca luuqadda Ingiriiska ah ee xeerakaan, haddaba waxaad aqbalaysaa in tarjumaadda laguu siiyay kaliya in lagu qanciyo iyo in nooca luuqadda Ingiriiska ah ee xeerka uu maamuli doono xiriirka aad la leedahya Paxful. Haddii uu jiro wax iska horimaad ah oo u dhexeeya waxa nooca luuqadda Ingiriiska ah uu sheegayo iyo waxa tarjumaaddu sheegayso, haddaba nooca luuqadda Ingiriiska ah ayaa si buuxda u maamulaya.