The Affiliate Program has been temporarily paused as we make changes to create a fair and sustainable program for the Paxful community. Learn more here.

Shuruudaha Adeegga ee Barnaamijka Iskaashiga

Taariikhda Dhaqan galka: Oktoobar 21, 2019

Waad ku mahadsan tahay inaad iska diiwaan gelisay xubinada Barnaamijka Iskaashiga ee Paxful. Xogta aad ku bixisay Paxful oo qayb ka ah shaqada diiwaan gelinta waxaa kaydin doona maamulina doonta Paxful si waafaqsan Sharciga Difaaca Guud ee Xogta ee Midawga Yurub ("GDPR"). Xeerka Paxful ee Sirta ee Waafaqsan GDPR ayaad aqbashay asagoo qayb ka ah hanaanka diiwaan gelinta Iskaashadaha.

Markaad sii wado adeegsiga webseedka Paxful (haddii aad ugu jirto Iskaashade ahaan ama si kale), waxaa laguu arkayaa inaad aqbashay inaad waafaqday Xeerka Sirta, ayna ku jirto marka isbadal lagu sameeyo isbadal, la kordhiyo, ama si kale wax loogu sameeyo. Nuqulka hadda ee Xeerka Sirta waxaa laga heli karaa bogga hore ee bartaan ama inaad gujiso lifaaqaan: https://paxful.com/privacy. Si aan uga fogaano shaki, fadlan ogoow in qayb kamid ah xogta ala wadaagi karo Iskaashatadaada ayadoo qayb ka ah ka qaybgalkaaga Barnaamijka Iskaashiga, ayna ku jiraan laakiin aan ku koobnayn xogta goobta iyo shaqada koontada.

Kuwa soo socda waa Shuruudaha iyo Xeerarka qabanaaya Barnaamijka Iskaashiga. Paxful ayaa leh xaqa (si iskeed ah iyo ikhtiyaarkeeda gaarka ah ayadoon cidna ogaysiin) inay: (a) badasho qayb ama dhammaan Shuruudaha iyo Xeerarkaan, markay doonto waqtiba waqtiga ka danbeeya, ayna ku jiraan (laakiin kuma koobna) badalida boqoleeyda lacagta dulsaarta ah ee hoos lagu qeexay, (b) inay joojiso ama baabi'iso Barnaamijka Iskaashiga, iyo/ama (c) inay hakiso ama abadiyan u baabi'iso Iskaashigaaga iyo koontadaada Paxful haddii aad samayso anshax gaar ah sida hoos lagu qeexay.

Ka iskaashade ahaan, waxaad fursad u leedahay inaad qolyo saddexaad kusoo biiriso Suuqa Bitcoin ee Paxful aadna abaal marin ku hesho ayadoo laga eegaayo ganacsiyada BTC ee lagu sameeyo aaladeena. Paxful waxay bixinaysaa dhammaan lacagaha faa'iidada ah oo gabi ahaanba BTC ah.

Barnaamijka Iskaashiga waxaa loo dhisay inuu noqdo barnaamij labo qaybood ah oo qabanaaya isticmaalayaasha saddexaad ee markoodii koobaad isqoraaya keliya:

  • Soo gudbinta Qaybta 1
    Soo gudbinta Qaybta 1 waa nidaam qolo sadexaad kaasoo isdiiwaan gasha si uu u adeegsado Suuqa Bitcoin ee Paxful asagoo adeegsanaaya lifaaqa diiwaan gelinta oo gaar ah oo ay Paxful adigga ku siisay markaad iska diiwaan gelisay Barnaamijka Iskaashiga.
  • Soo gudbinta Qaybta 2
    Soo gudbinta Qaybta 2 waa nidaam qolo saddexaad kaasoo isdiiwaan gasha si uu u adeegsado Suuqa Bitcoin ee Paxful asagoo adeegsanaaya lifaaqa diiwaan gelinta oo gaar ah oo ay Paxful ku bixiso soo Gudbintaada Qaybta 1 ee iskaashiga.

Faa'iidada dulsaarta ah.

Illaa inay Paxful aqbasho si kale maahee, waxaad faa'iido dulsaar ah ka helaysaa Paxful mar kasta oo soo jeedinta Qaybta 1 ama Qaybta 2 ee aad leedahay uu "Iibsi" ku sameeyo BTC asagoo adeegsanaaya Paxful.

Sidaad ogtahayba, Paxful waxay qarashka Dalaalka ka qaadaa ganacsi kasta oo lagu sameeyo aalada. Qarashka Dalaalka ayay badali kartaa Paxful markay doonto xiliba xiliga ka danbeeya. Waxaad sharaxaad u helaysaa Qarashka Dalaalka iyo cadadka hadda adoo gujinaaya lifaaqaan: https://paxful.com/support/en-us/articles/360013609793-Paxful-fees

  • Marka qof Lasoo xariirshay Qaybta 1 uu si guul leh u "Iibsado" BTC asagoo adeegsanaya Paxful, Paxful ayaa Kaydkaaga Iskaashadaha ku ridaysa wadarta (oo BTC ah) oo u dhiganta 50% taasoo laga jaraayo Qarashka Dalaalka.
  • Marka qof Lasoo xariirshay Qaybta 2 uu si guul leh u "Iibsado" BTC asagoo adeegsanaya Paxful, Paxful ayaa Kaydkaaga Iskaashadaha ku ridaysa wadarta (oo BTC ah) oo u dhiganta 10% taasoo laga jaraayo Qarashka Dalaalka.
  • Hase yeeshee, marka Iskaashadahaaga Qaybta 1 uu ku sameeyo "Iibsiga" BTC asagoo adeegsanaaya Qaybta 1 ee Iskaashade kale oo Barnaamijka Iskaashiga kamid ah, markaad mid kasta oo kamid ah adigga iyo xubinta kale ayaa si siman u kala goosanaayafaa'iidada 50%.
  • Si taas lamid ah, marka Iskaashadahaaga Qaybta 2 uu ku sameeyo "Iibsiga" BTC asagoo adeegsanaaya Qaybta 2 ee Iskaashade kale oo Barnaamijka Iskaashiga kamid ah, markaad mid kasta oo kamid ah adigga iyo xubinta kale ayaa si siman u kala goosanaayafaa'iidada 10%.
  • Markasta oo aad ka iibsanayso ama ka iibinayso Iskaashadahaaga Qaybta 1 ama Qaybta 2 ma heli doontid wax faa'iidada iskaashadaha ah.

Faa'iidada aad ku hesho iskuxirka ganacsiga noocaas ah ayaa caadiyan lagu shubi doonaa Kaydkaaga Iskaashadaha isla marka ganacsiga noocaas ah guul ku dhamaado. Markasta oo ganacsiga noocaas ah si guul leh loo sameeyo, Paxful ayaa kuusoo diraysa iimeel xaqiijin ah. Qaabkaan, waxaad la socon kartaa Baaqigaaga Kaydka Iskaashadaha oo ku kobcaaya aadna uga jeedo bogga hore ee Paxful.

Xaaladaha qaarkood, waxaad sidoo kale u qalmi kartaa inaad lacag ku hesho soo jeedin marka uu qof aad kusoo xero gelisay Soo jeedinta Qaybta 1 ama 2 uu sameeyouu BTC "ku iibiyo" asagoo adeegsanaaya Paxful. Si aad u go'aamiso inaad u qalnto lacag aad ku hesho "iibinta" Soo jeedinta Qaybta 1 iyo Qaybta 2, fadlan la xariira taageerada Paxful ood ka helayso [email protected]. Paxful aya xaq u leh inay go'aamiso, si iskeed ah oo ikhtiyaarkeed ah, in laguu ogolaado ama laguu diido helitaanka faa'iidada "Iibinta" dadka aad soo xirto Sameeyaan.

La bixida Faa'iidooyinkaaga.

Marka baaqiga kaydkaaga Iskaashaduhu gaarto $10 dollar (kadibna lagu qiimeeyo cadadka BTC), waxaad awoodi doontaa inaad cadadka oo dhan u wareegsato Kaydkaaga BTC ee Paxful. Marka baaqiga Kaydkaaga Iskaashaduhu gaaro cadadka ugu badan nolosha ee $300, waa inaad eentaa aqoonsi iyo xaqiijinta ciwaanka. Markaad sidaan samayso, waxaad xor u tahay waxaad ku samaynayso lacagtaada faa'iidada ah. Markaad nasiiso xogtaan ama xog kasta oo kale oo loo baahan karo, waxaad xaqiijinaysaa in dhammaan xogtu tahay mid run ah, sax ah oon marin habaabin ahayn. Waxaad aqbalaysaa inaad isla markaba noo sheegto haddii wax ka mid ah xogtaad na siisay isbaasho. Waxaad noo fasaxaysaa inaan samayno su'aalo, haddii aan toos kuu waydiino ama aan qolo kale usoo marno, taasoo aan u aragno mid muhiim u ah xaqiijinta aqoonsigaaga ama inaan kaa difaacno adigga iyo/ama nafteena khiyaanada ama danbi kale oo dhaqaale, aana u qaadno talaabada aan u aragno inay muhiim tahay anagoo ka eegayna natiijada xogta noocaas ah. Markaan samayno xog raadintaas, waxaad qiraysaa aadna aqbalaysaa in xogtaada shaqsiga ah la faafin doono si loo siiyo wakaaladaha kahortaga khiyaanada daynta iyo tixraaca ama danbiga dhaqaalaha iyo wakaaladahaan ay ka jawaabi karaan su'aalaheena si buuxda.

Tilmaanta Pro: Waxaan ku talinaynaa inaad ku iibiso lacagaha BTC ka ee kusoo galay barteenka si aad u hesho faa'iido dheeraad ah.

Falalka Mamnuuca ah

Liiska soo socda waa magacyada wakiillada (sida ay go'aamiso Paxful si iskeed ah iyo Go'aankeeda gaarka ah) inay (a) joojiso dib u sheegashada lacagta aad qaadatay (haddii aad la baxday ama aadan la bixin), iyo/ama (b) inay haiso ama abadiyan u xirto koontadaada iskaashadaha ee Paxful.

  • Adeegsiga khiyaano si aad usoo jiidato dadka kusoo biiraaya aalada Paxful.
  • Samaynta falal sharci daro noocay rabaan ha noqdaane, hadday la xariiraan adeegsigaaga aalada Paxful iyo adeegyadeda iyo haddii kale.
  • Abuurista koontooyin dheeraad ah ood ka furato Paxful oo ka faa'iidaysanaaya Barnaamijka Iskaashatada ee Paxful noocuu rababa ha noqdee. Waxaa keliya laguu ogol yahay inaad hal koonto lahaato laguumana ogola inaad iibiso, daynsato, cid kale la wadaagto ama haddii kale koontadaada ama xogtaada muhiimka u ah gelitaanka koontadaada siiso dad ama shirkado kale oon adigga ahayn. Abuurista xog been ah ood ku qorto koontadaada, ka been sheegida wadanka aad kasoo jeedo ama dukumiintiyada aqoonsiga oo xatooyo ah ayaa gabi ahaanba mamnuuc ah.
  • Jabin kasta ama ku xad gudubka aad adigga ama wakiiladaadu ku xad gudbaan shuruudahaaga ku jira Xeerarkaan iyo Shuruudahaan.
  • Adeegsiga - nooc kasta oo xayiisiin ah ama saxaafad ama noocay tahayba taasoo aad asalkeeda leedahay ama qaybiso ama haddii kale maamusho - erayada "pax" ama "paxful" ama waxkasta oo u eg, u cod u eg, ama erayo kale, astaamo, ama astaamaha ay Paxful u aragto in lagu khaldi karo astaanta ganacsiga ee PAXFUL.
  • Dhaleecaynta, ceebaynta, ama sumcad ridka (a) Paxful ama cid kamid ah agaasimayaasheeda, saraakiisheeda, shaqaalaheeda, qandaraaslayaasha, wakiillada, ama matalayaasha, ama (b) isticmaalayaasha nidaamka Paxful, ayna ku jiraan xubnaha kale ee Barnaamijka Iskaashiga.
  • Samaynta tallaabo kasta oo Paxful u aragto (marka laga eego fikirkeeda iyo garashadeeda gaarka ah) inay keenayso dhibaato sharci, xeer, ama amaan sida ku cad sharciyada, xeerarka, ama qawaaniinta wadan kasta, urur caalami ah (ayna ku jiraan Midawga Yurub), ama waax kale ama maamul dawladeed, ayna ku jiraan, laakiin aan ku koobnayn khamaarka sharci darada ah, khiyaannada, lacag qarinta, ama falalka argagixisada.
  • Samaynta falal sharci daro noocay rabaan ha noqdaane, hadday la xariiraan adeegsigaaga aalada Paxful iyo adeegyadeda iyo haddii kale.
  • Bixinta xog been ah, khalad ah, ama marin habaabin ah.
  • Keenista aqoonsi been ah, khaldan, ama marin habaabin ah iyo caddaynta ciwaanka.
  • In aadan ku dhiiri galin ama aadan ku riixin qayb saddexaad In ay samayso wax kamid ah hawlaha lagu mamnuucay Farqadaan.

Xaquuqaha Hantida Oonleenka ah

Ilaa inaan anagu sheegno maahee, dhammaan xaquuqaha hantida sirta ah ee ku jirta Webseedka iyo xog kasta oo lagu baxsho adeegyadeena, waa hanti ay leedahay Paxful ama ruqsad bixiyaasheena ama adeeg bixiyaasheena waxaana difaacaaya sharciyada xogta sirta oonleenka ah ee quseeya. Ma bixino wax ruqsad ah oo lagu qaato adeegsiga xogaha Webseedka. Ma iibin kartid ama waxba kama badali kartid xogaha Webseedka ama dib uma daabici kartid, ma soo bandhigi kartid, kuma samayn kartid meel dadwayne u furan, ma qaybin kartid ama haddii kale ma adeegsan kartid xogaha sinaba wax ujeedo ganacsi ama mid dadwayne ah. Adeegsigaaga xogtaan aad ku adeegsato webseed kasta oo kale ama fayl wadaagid ama adeeg noocaas ah ujeedaduu doono ha lahaadee waa mamnuuc.

Koobi kalama bixi kartid xogta ama mawduucyada ku jira webssedka ama laga heli karo Webseedka anagoo ogolaansho qoran ku siin. Xaquuq kasta oon halkaan lagu fasixin si loo adeegsado xogta ku jirta Webseedka ayaa ah kuwo ay si buuxda u leedahay Paxful.

Xadidaada Masuuliyada/Digniin

Barta iyo Barnaamijka Iskaashadaha waxaa lagu baxshaa "siday tahay" iyo "marka la heli karo" xogtaada iyo adeegsiga ayadoon wax matalaad ah ama dhiiri gelin ah lagu siin. Ilaa heerka ugu sareeya ee sharcigu fasaxaayo, ma samayno wax damaanado ah, haddii ay tahay mid afka ah ama mid qoraal ah, oo la xariira barta iyo Barnaamijka Iskaashiga, ayna ku jiraan laakiin aan ku koobnayn, damaanadaha qoran ee tayo lagu qanco, shaqada, ku haboonaanta ujeedo gaar ah, cilad la'aanta, isku aadka, amaanka, saxnaanshaha, xaalada ama dhamaystirnaanta, ama damaanad qoraal ah oo imaanaysa marka ganacsi ama isticmaal la sameeyo.

Haddii iyo illaa heerka ugu sareeya ee sharcigu fasaxaayo, masuul kama noqon doono:

  • 1. khasaaro kasta oo dhaqaale (ayna ku jiraan laakiin aan ku koobnayn luminta dakhliga, faa'iidooyinka, heshiisyada, ganacsiga ama kaydka aad filaysay);
  • 2. Khasaaro kasta oo ku timaada rajada ama sumcada;
  • 3. khasaarooyin gaar ah oo dadban ama cawaaqib ah, si kastooy ku yimaadaanba.

Ka bari' ahaanshaha iyo Iska Fogaynta Waxyeelada

Waxaad aqbalaysaa inaadan dacwad u qabsan Paxful, Inc. (mid kasta oo kamid ah saraakiisheena, agaasimayaasheena, xubnaha, shaqaalaha, wakiilada iyo dadka gacan saarka nala leh) sheegasho kasta, dalab, waxyeelo, khasaaro, qarash ama lacag, ayna ku jiraan si aan xadidnayn qarashaadka sharciga ee imaan kara, kana imaanaaya ama la xariira: adeegsigaaga, ama talaabo la xariirta, Barnaamijkeena Iskaashiga; ama jabintaada Xeerarkaan iyo Shuruudahaan. Waxaa intaas dheer, waxaad aqbalaysaa inaad si buuxda masuul uga noqoto (aadna si buuxda nooga bari yeesho) dhammaan sheegashooyinka, daynta, waxyeelada, khasaarooyinka, qarashaadka iyo lacagaha, ayna ku jiraan qarashka sharciga, ee nasoo gaara kana imaanaaya ama la xariira jabinta Xeerarka iyo Shuruudaha ee aad adigu gaysato ama ciladaha kale ee aan gaysano ee ka yimaada adeegsigaaga adeegyada iyo barnaamijka Iskaashiga, ama adeegsiga qof kasta oo kale oo galaaya adeegyada asagoo adeegsanaaya ciwaankaaga, aaladaada ama interneedka ka gala koontadaada; ama jabintaada sharci kasta oo xaquuqda cid kasta oo sadexaad quseeya.

Guud

Xeerarkaan iyo Shuruudahaan iyo adeegsigaaga Webseedka iyo Barnaamijka Iskaashiga waxaa maamulaaya oo lagu xukumayaa Sharciga Maraykanka. Khilaaf kasta oo ka dhasha arrimaha Xeerarkaan iyo Shuruudahaan ama adeegsigaaga webseedka ama Barnaamijka Iskaashiga ayaa la xalin doonaa si khaas ah laguna xalin doonaa Maxkamadaha Maraykanka. Ma jiro wax ku jira Xeerarkaan iyo Shuruudahaan oo loo arkaayo inuu saamaynaayo xaquuqdaada shaqsiga ah ee ku cad Sharciga Maraykanka. Haddii wax ka mid ah Shuruudaha iyo Xeerarkaan u aragto Maxkamad Maraykan ah inaysan sax ahayn ama la fulin karin guud ahaan ama qayb kamid ah, saxnaanshaha ama fulinta qaybaha kale ee shuruudahaan iyo xeerarkaan wax saamayn ah kuma dhacayso. Ciwaan kasta oo ku jira Shuruudahaan iyo Xeerarkaan waxaa loo sameeyay ujeedooyin xog bixin keliya qaybna kama ahan xeerarka la fulinaayo ee Xeerarkaan iyo Shuruudahaan.